Tuuladda Bali-busle oo laga hirgeliyey Dugsi Sare

May 4, 2012   //   Warar Somaali

Wararka aanu ka helayno tuuladda Bali-busle ee Degmadda Galkacyo ayaa sheegaya in halkaasi laga hirgeliyey dugsi sare kaas oo ay dhagax dhigiisa ka qeyb galeen masuulyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Mudug.


Maxamed Yuusuf Jaamac (Tigey) Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Maamulka Puntland ayaa waxa uu si weyn uga hadlay qiimaha dugsigaan u yeelan karo dadka degaanka bali-busle oo aan horey u laheyn dugsi sare.

Dhanka kalena waxaa isaga ka qeyb galay xafladda dhax dhiga islaanka guud ee Beesha Cumar Maxamuud ISLAAN Bashiir Islaan Cabdule oo in badan ka sheekeyay Bali-busle iyo kaalinta ay kaga jirto degaanka.

Waxgarad iyo gacancsato goobta ka hadshay ayaa dhammantood isku raacay in la xoojiyo sidii dhaqaale ururin loogu sameyn lahaa dugsiga sare, isla markaana leysaga kaashan lahaa in uu hirgalo dhismihiisa.
Ma ahan markii ugu horeysay sidaan oo kale dugsiyo sare looga hirgeliyo tuulooyinka fog fog ee miyiga Puntland, iyadda oo hirgelinta xarumaha waxbarshadda ay qeyb ka tahay sare u qaadid aqoonta dadka meelaha fog fog ku nool.

PuntlandNews24 News Desk- Garowe

COMMENTS

RSSComments (0)

Leave a Reply