U tartanka madaxtinamada iyo xisaabtanka Eebe

September 10, 2012   //   Faallooyin, Warar Somaali

iyada oo masuuliyada madaxtinimada ay tahay mid aad  u culus isla markana keeni karta in qofka masuulka ahi uu ku mutaysto Inuu ka mid noqdo todobada qof ee Eebe ku hareeyo  hooskiisa maalinta qiyaamada ,waqti uusan jirin  hoos kale ,hooska Eebe mooyee hadii uu noqdo Imaam Caadil ah  ah  halka sidoo kale uu  ku mutaysan san karo  Carada Eebe iyo naarta Jahanamo  hadii uu dayaco masuuliyadii umadii madaxda looga dhigay, dad iyo duunyaba ha ahaatee waana arrintii uu xisaabteeda la gami waayay Cumar Bin Khidaab isaga oo yiri “ walahi hadii faras amase baqal uu ku turun turuudo Ciraaq  Eebe waa I waydiin doona  maxaad dariiqa ugu hagaajin wayday.

Rasuulkeena Maxamad Naxariis iyo nabad gelyo korkiisa Allaha yeele  waxa uu isaga oo saxaabada la dar daarmaya uga digay raadinta madaxtinimada  isaga oo ku tilmaamay mid qofku uu ka  nadaamoon doono  dharaarta qiyaamada .

(Qiso aad u cajiib ah)

waxaan halkan idiinku soo gudbinayaa hadaladii ay is dhaafsadeen Abiibakar Al sadiiiq iyo Cumar Bin Khadab kadib markii Abiibakar oo waqtigaas ahaa khaliifkii muslimiinta uu go’aansaday inuu hogaaminta muslimiinta uu ku wareejiyo Cumar bin Khadb kadib markii uu  ku cuslaaday xanuunkii uu ku wafaadi lahaa

Wada hadaladiina waxa ay u dhaceen sidan   sida ay soo rareen qaarka tirsan kutubada siirada

Cumar bin  Khidaab waxa uu soo booqday Khaliifka muslimiinta Abuubakar Al sadiiq oo jiifa aqalkiisa isaga oo xanuunsan

Abuubakar: Waxaan doonayaa Cumaroow inaan ku gu wareejiyo hogaaminta muslimiinta

Cumar: Sidaas ha samayn Abuubakarow ,baahi aan u qabo ma jidho

Abuubakar ; Laakiin Iyada ayaa kuu baahan Cumarow

Cumar: Waxaad ku wareejisaa qof aan aniga ahayn  Abuubakarow

Abuubakar; Yaan ku wareejiyaa?

Cumar: Waxaad ku wareejisaa Abaa Cubayda  isaga ayaa ah umaddan aaminkeeda

A buubakar: Xaqiiqdii waan ka fekeray inaan ka dhigo laakiin isaga kama helin xooga aad leedahay,isagu waa aamin laakin waxaan doonayaa qof xoogleh oo aamin ah.

Cumar: Eebe wuu dhamaystirayaa nuurkiisa  gaaladu haba diideene

Abuubakar: Eebe waxa uu nuurkiisa ku dhamaystirayaa Cumarow adoomadiisa suuban ee mujaahidiinta ah ee daacada ah.

Cumar: Ukaadi Abuubakarow  anigu waxaan u baqayaa naftayda ,diintayda iyo Akhiradayda

Abuubakar: Arrintan waxaa k u halaagsamaya laba qof, 1) qof doonaya madaxtinimada isaga oo og in ay jiraan cid kale oo kaga  mudan  oo kaga karti badan  2) iyo qof diida marka loo soo jeediyo isaga oo og inuu yahay qofka ugu haboon qabashada xilkan uguna karti badan ,isaga oo ka cabsanaya culayska masuuliyadan ,umadana kaga bakhaylaya inuu uqalmadtiisa xilkan ugu adeego.

Cumar:Abuubakarow ,waxaan ka codsanayaa inaad iiga naxariisatao xisaabta culus ee maalinta Qiyaamada

Abuubakar: Soo ma ogid Cumarow in hogaamiyaha caadilka ahi uu ka mid noqon doono todobada qof ee Eebe hooskiisa ku harayn doono maalin aad hoos jirin kiisa mooyee.

Cumar;waxa uu bilaabay inuu ooyo isaga oo oranaya   Abaabakarow ,yaa iigu kaalmaynaya ?

Yaa iigu kaalmaynaya?  Yaa iigu kaalmaynaya?

Abuubkar: Cumarow Eebaa kuugu kaalmaynaya  ,Eebaa kuugu kaalmaynaya   Eebaa kuugu kaalmaynaya

Cumar: Adiga Abaabakarow berri waxba iiga tari mayso Eeba  xagiisa

Abuubakar: Waxaan kugu dhaarshay Eebaha oga waxa naftaada ku jira  Cumarow  ma ku ogtahay  muslimiinta qof adiga kaagaga haboon hogaaminta Muslimiinta

Cumar: Muslimiinta waxaa ku jira kuwo aniga iga fadli badan

Abuubakar; Laakin adiga ayaa agtayda kaga xaq badan kuwaas , Xafso aabaheedeey

Cumar : Bal ka waran hadii aad arrintan kala shawrto muslimiinta marka hore Abaabakarow

Abuubakar: Waan samayn doonaa ,waxase meesha ka baxday caqabadii  iigu waynayd oo intaas kadib waxkasta waa uu fudu daan doonaa

Hadaba Sayidnaa Abuubakar sidii ayuu sameeyay oo muslimiinta ayuu kala shawray cidii uu talada muslimiinta ku wareejin lahaaa,waxayna soo jeediyeen  in Cumar Bin Khadab  uu ku wareejiyo hogaaminta umadda,sidaas ayuu Cumar bin Khadab ku aqbalay isaga oo la oynaya masuuliyada culus ee la isku raacay inuu dhabarka u rito

Waxana  kadib markii uu Abuubakar u geeriyooday isla  xanuunkii  ku dhacay madaxtinimadi i muslimiinta lagu wareejiyay Cumar oo ay u bilaabatay nolol cusub oo aad u adag hadii awal uu ka fekeri jiray naftiisa iyo cumar ehelkiisa waxa uu fekerkiisii noqday mid ku wajahan dhamaan muslimiinta oo dhan iyo duunyadaba ,Cumar waxa uu bilaabay inuu yiraahdo  “ C umar waa hoogay oo ba’ay hadii uusan cadaalad samayn, shalaaytadayeey Cumar hadii aysan hooyadii dhalin  Waxana markhaanti ummada Islaaamka ka tahay in Cumar Bin Khadab u gutay masuuliyadii hogaaminta Islaamka sidii laga doonayay Iyo sika badan ,waxana kutubta Siirada ku qoran boqalaal tusaale oo daliil cad u ah cadaaladii qotada dheerayd ee Alle ka cabsiga iyo xisaabta culus ee masuuliyadani leedahay ee Cumar Bin Khadab muujiyay mudadii uu xilka hayay

Hadii Eebe idmana qormooyinkeena  dame ayaan ku soo  qaadan doona qaarka mid ah tusaalooyinka cadaaladii Cumar

Hadaba su’aasha waxa ay tahay  masuuliyadii ka boohisay Cumar Bin Khadab oo kamid ahaa saxaabadii ugu kartida badnayd ee nabe Maxamed oo sida uu booyay ay wajigiisa ka muuqatay laba diiliimood oo mad madow oo indhihiisa ka soo baxa oohin darteed ma waxa ay noqotay mid loo xusul duubo oo xaflado tamaashaad ah loo dhigto?

Waxaa diyaariyay  SheekhCabdulahii Almuumin

Puntlandnews24.com

COMMENTS

RSSComments (0)

Leave a Reply