Ugu yaraan 16 qof ayaa ku dhintay duufaantii Sandy

October 30, 2012   //   Warar Somaali

Ugu yaraan 16 qof ayaa ku dhintay duufaan xoog leh oo ku dhufatay xeebaha bari ee waddanka Mareykanka.

Hirar waaweyn oo ilaa afar mitir ah oo ka dhashay duufaanta ayaa keenay in daadad ay galaan jidadka magaalada New York, goobaha baabuurta la dhigto iyo jidadka tareenada ay maraan.

Madaxa gaadiidka magaalada New York ayaa sheegay in basaska iyo tareenada burburka soo gaaray aanay weligood arkin.

Inta badan magaalada ayaa korontadu ay ka maqan tahay, waxaana xalay ay ahayd mugdi.

Duqa magaalada New York, Michael Bloomberg, in hadda duufaanta qaybteedi ugu wayneyd ay gudubtay, isla markaana la filayo inay biyuhu hoos u dhacaan.

COMMENTS

RSSComments (1)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. (carmo gentlemen) says:

    anigaa kunool new england gaar ahaan boston massachusetts ! nimashada waxey mareysaa 43ruux all east U*S*A* ? viva puntland viva carmo %%%

Leave a Reply