Urur Siyaasadeedka HORSEED oo la kulmay qaar kamid ah taageerayaashiisa Gobalka Bari [Sawiro]
January 26, 2013 // Warar SomaaliUrur Siyaasadeedka HORSEED ayaa Magaalada Boosaaso maanta kula kulmay Tobanaan kamid ah taageerayaasha ururkaasi, Xafladan oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa kasoo qayb galay Masuuliyiin katirsan Dawlada Puntland oo xubno ka ah ururka HORSEED, Furitaankii ayaado quraan ah kadib waxaa halkaasi ka hadlay masuuliyiin kala gedisan oo katirsan urur Siyaasadeedka HORSEED iyo weliba qaar kamid ah taageerayaasha ururkani.
Ugu Horayn waxaa lagu soo dhaweeyey Gudoomiyaha KMG ah ee ururka HORSEED qaybta Gobalka Bari Mukhtaar Saciid Yaasiin wuxuuna faahfaahin ka bixiyey halka ay marayso diwaan gelinta dadweynaha xubnaha ka noqonaaya iyo weliba taageerada Balaaran ee uu xisbigu ku leeyahay Gobalka Bari gaar’ahaan Magaalada Boosaaso, Gudoomiyaha ayaa sheegay inay bilaabeen diwaan gelinta 4-maalmood ka hor ayna iminka maraayaan in kabadan 450-qof wuxuuna tilmaamay inay dadweynuhu si aada ugu xiisa qabaan kamid noqoshada ururka HORSEED, Mukhtaar ayaa dadweynaha Gobalka Bari ugu baaqay inay kusoo dhawaadaan kamid noqoshada ururka HORSEED laguna soo dahwaynaayo gacmo furan cid kasta oo kamid noqonaysa ururkan, Waxaa Iyaduna halkaasi ka hadashay IFraax C/qaadir Cali oo kamid ah Gabdhaha Dhalinyarada ah ee xubnaha ka ah urur Siyaasadeedka HORSEED waxayna tilmaatay sida ay ugu hanweyn tahay inay xubin firfircoon ka noqoto xisbiga HORSEED iyadoo uga mahadnaqday masuuliyiinta ururka sida ay ugu heelan yihiin arimaha haweenka iyadoo tilmaatay inay jiraan haween aad u tira badan oo si aada u xisaynaaya kamid noqoshada ururka HORSEED oo ah kii ugu horeeyey ee laga asaaso Puntland ahana xisbul xakimka Puntland,
Waxaa iyaguna kamid ahaa dadkii madasha fadhiyey qaar kamid ah wasiirada Puntland iyo Weliba Xildhibaano, Wasiirka Wasaarada Maaliyada Dawlada Puntland Mr:-Faarax Cali Jaamac ayaa siweyn u faahfaahiyey ahmiyada uu xisbiga HORSEED siinaayo umadda reer Puntland wuxuuna sheegay inuu urukani yahay mid u tartami doona Doorashada Golayaasha degaanka Puntland kadib rajaynaaya inuu u gudbo xisbi Siyaasadeed wuxuuna dadka xubnaha ka ah ururka ugu baaqay inay soo jiitaan dadweynaha si ay ula tartamaan ururada dhigooda ah ee ka jira Puntland, Wasiirka ayaa sheegay in maalmaha fooda nagu soo haya Magaalada Garoowe ee caasimada Dawlada Puntland uu ka furmi doono Shirweynihii Xisbiga oo ay ka qayb geli doonaan in ka badan 500 oo qof oo kakala imaan doonaa 8-Gobal ee Puntland, wuxuuna sheegay in halkaas lagu dooraan doono Gudiga dhexe ee ururka laguna dejin doono xeerka urur Siyaasadeedka HORSEED, Wasiirka Maaliyada Puntland ayaa sheegay inay fureen dhamaan xafiisyadii Gobalada ayna xafiis walba ka socoto diwaan gelinta ugu yaraan dad gaaraaya 300 oo qof si uu ururku u buuxiyo sharuudaha Guddiga doorashooyinka wajiga 2-aad,
Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Puntland Saciid Maxamed Raage ayaa isaguna dadka xubnaha ka ah ururka ugu baaqay inay ka qayb qaataan Lacagta tabaruucada ah ee loo uruurinaayo ururka si loogu fuliyo hawlaha ururka, Saciid Maxamed Raage ayaa sheegay inay marna dhici doonin in hawlaha ururka lagu qabto hantida dadweynaha ee ay Dawladu gacanta ku hayso isagoo tilmaamay inay hantidaasi tahay mid ka dhaxaysa Guud ahaan dadweynaha Puntland aysana uga sokayn ururada kale ee ka jira Puntland,
Wasiirka Amniga Khaliif Ciise Mudan oo madasha ka hadlay ayaa isaguna sheegay in loo baahan yahay in lagu dadaalo sdii ururku u noqon lahaa mid buuxiya sharuudahauu Guddiga Doorashooyinku ku xiray ururada Siyaasada Puntland, Isagoo dadka xubnaha ka ah ururka ugu baaqay inay soo jiitaan dadweynaha Puntland wuxuuna sheegay in qof kasta oo xubin ka ah ururka uu uula siman yahay madaxda Dawlada ururka aysana jirin cid ku kala xaquuq badan urur Siyaasadeedka HORSEED,
Waxaa Iyaguna halkaasi ka hadlay Masuuliyiin kala duwan ayna kamid ahaayeen Duqa Magaalada Boosaaso Xasan Cabdala Xasan, Xildhibaano, Wasiiro, Wasiir-ku xigeeno, Wasiiru Dawlayaal iyo Dad kale oo tira badan waxayna dhamaantood hoosta ka xariiqeen sida loogu baahan yahay in loo kaco urur Siyaasadeedka HORSEED lana soo jito dadweynaha reer Puntland , Kulamada ururka ayaa noqanaaya mid sii socon doona sida ay sheegeen xubnaha sare ee ururka HORSEED waxaana dhici doona kulan balaaran oo dhex mari doona Madaxda ururka HORSEED iyo Ganacsatada,Nabadoonada iyo Culmada Gobalka Bari waxayna arimahan oo dhan kusoo aadayaan xili maalmo gudahood lagu wado in Magaalada Garoowe lagu qabto Shirweynihii ururka.
Mukhtaar Cabdi Faarax









Midnimo marka hore maangaab ayadtahay waxaad gole la imanasaa laangaab war naagyahow dhulbahante ama warsangali dad dhalada weye lkn idinka shaki ayaa idinku jira khaatumo cuqdad loomasameyn sxb dadta gobolada khatumo ayaa losameyey khatumo waxey bahwadaag latahay galmudug ximan iyo xeeb hiiran bey iyo bakow dhaman gobolada dhexe lkn majeerteniya waa cadyga khatumo afmigaana ilahay ayaa madaweyne iiga dhigin ninka af sabiisha ah leh kkk madaxweynaha dacada ah ee jamuriya somali waxaan kacodsanaya inuu baabiiyo habka fadaraalka waa xaraan
midnimo girl walaal si fiican baad u hadashay inkastoo hadalkaagu dhaadhac badan leeyahay laakiin majeerteen iyo faroole baad kala saari ladahay anigu waxaan diidanahay siyaasad ama shakhsi markaa jira oo futoole la yiraahda amaba aad faroole u taqaanid anigu ninkaasaan diidanahay hadaan laasqoray soo qaatona waa magaaladaaydiiye taas ma dacwad baad ka qabtaa? laangaabna dee ilaahay baa dadka wada abuuray laangaab iyo laandheere ilaahay agtiisa kama jiraan laakiin waa jahli iyo aqoonyari ku haysata markaa ilaahay cilmi haku siiyo waxaa intaas ii dheer ninka king la baxay adeer somaliland hal degmo oo dhulka warsangeli ka mida kama taliso laakiin dadkaas isaaqa oo aad afka ku dhufatay waa dad aay warsangeli is fahmaan dhibaatona ma dhex taal laakiin adiga somali bal yaad heshiis la tahay maashaa alaah warsangeli somali cid wax iga tirsanaysa ma jirto dhulkaygana xoriyad baan ku jooga dhulkale oo islaamedna uma hanqaltaagayo sida adiga aad dhul kale ugu hanqaltaagaysid iyo iimaan laan warsangeli aqoon,ganacsi iyo siyaasadba waa ka dhisanyahay hadana kuumaba baahna adaa iska xiiqayee hada laga bilaabona raysalwasaaaraha iyo madaxweynaha somaliya baayhoostegayaan gobolkooda no more buuqland iyaga isxukumaya ceergaabona waxaan kaa oranayaa adeer waa la ogaa wixii kugu dhacay gaalkacyo oo aad ku waalatay boowe ma durba waatii ii leylkase ku dufaacay ceergaabo adeer heshiis baa laga gaadhay afarta beelood oo wada dega dhulbahante,warsangeli,h/jecloiyo h/yoonis heshiiskaas oo nabad dhigaya iyo wada noolaansho marka iska hubo siyaasadaha haku biriirixan boowe aayar fadhiiso oo tuuladaada garoowe ku ekow!!!
puntland government is a model of all other states of somalia and we have passed all the vast chalanes, from now we are moveing forward.one man one vote (democratization process)
kkkkkkkkkk ciise riyoole ceeryamo ayuu roob moday
xisbiga horseed waa xisbi shaydan habar baana xakunta halaga bedelo habarta fakhriga qabta oo meel walab guriga ka dhisaysa, cade guri malah , c/laahi yuusuf guri malaha, jaamac cali jaamac guri malaha, yuusuf xaaji nuur guri ma dhisan habrtaan faroole ee fakhriga qabta xisbiga hala qabto taariikhda xataa inuu ku qormo marabo
mukhtaar siciid aka ciro hadii laga dhigay hogaamiyaha qaybta gobolka bari waxaa ii cad in meesha aan waxba ayan ku ahayn faroole iyo waxa la shaqeeya ciro waxaan wada dhiganay dugsi sare jamacadana wuxuu ku dhigtay hindiya mana dhamaysan uu waa ku dhacay waana nin aad u gogoysay qabyaalad mana aha qof bulsho wax ka dhaadhicin kara hadii isaga wax dhama ay waayeen waxaa cad in laga gullaysanayo faroole iyo tuugada horseed isku sheegay
waxaan qoraalada ka arkaa dad inta badan qaracan absame man laasqoray iyo khaatumo ducufada wata waxaad tihiin kkkk xaaji wadani faroole ha ku darsado intuu doono waa madaxweynahayaga maxaa ku haya adiga mawduuca laga hadlayo ku darsasho maaha munafaqada iyo isku dirka hoostaada ka helaysa diciif ducufo ciiln bad tihin dadkii reer puntland waxaa soo booqday walaalahood barooorta naga yareeya lol
king dadkeena waxa lagu yaqaan hawl badan iyo hadal yar waxaan aad tolka u cayaysid waa iidoor ka qaracan midnimada daarood magacana munaafaqad bay u soo qaadan iyo isku dirka dadka walaalaha ah illaahay haduu laangaab ka dhigay oon tol soo booqdana aanay haysan waxay marna khaatumo u soo qaadan marna heelo laasqoray marna absame waa ciil iyo cuqdada haysa 3 habrood oo sadex tuulo cuqdada u soo xirtay
waa soo dhoweeyn madaxda sharafta badan ee walaalaheen ah ka socda garisa illaahay ha mideeyo dadaka walaalaha ah ee daarood cadawgu uu ka naxaya ha jabayo cadowgu guul iyo midnimo
Kkk madaxweyna kuxigeenka waakee yuuse matalaa takale warsangali iyo dhulbahante way idin ogadeen mardanbe layskhiyami mayo dhulkayagana anagaa xoreeysanana kanleh kanaxow naftawaa war faroole haduu 10 sano majeerteniya xukumo maxaa nagagaley anagaa ogoow majeerten iyo dhulbahante majeerteen ayaa cadow badan lkn laysu gurman mayo mardanbe dadki idin difaaci jirey maanta xaga cadowgiina ayey jiraan
kanoxow nafa waa puntland sanad ayaa hada kudarsatay shankalana udiyaargarooba laangaabwalba oo laga adkaaday cay iyo habaar lagawaaiymaayo idinkoo dhan faroolaa idinka dhalay hooyadiin maashaa allah viva faroole noolow puntland ilaahay ayaa hoostaada keenay cay iyo habaartoona waxkaatarimayso dhag jalaqha usiin
Absame , adiga maxaa ka galay Majeerteen, orod iska Xoreey Xabashiga aa u nacamleyneysid, Majeerteen dhulkooda iyagaa u tashada , ama Demoqraadi ha ka dhigtaan ama Diktator, wax kaaga shaqo ah ma jirto, Orod oo Xabashiga Calankiisa ka taagan Jig Jiga oo aad u barooraneysey Geeridii Melse Zenawi ka towbad keen, oo iska xoreey Xabashiga. Dhul Majeerteen wax ka galay iyo wax laga weydiinaayo aan jirin
Khatumo & Laas Qoray waxaa Magaalooyinkiina ku Qayilaaya Ragg Izak ah oo Somali Land ah. Waxay Somali ku maah maahdaa: Midgaanta inta ay Guda kale Safeyneyso ayuu Keeda Qudhmaa” Odayaal Faroole oo nin Majeerteen ah, Dhulkiisana waa u Xor, ee Orda Izak iska Xoreeya, Gunimo ayaad ku jirtaan , inta Calan Izak (Somali Land) ka taagan yahay Sool iyo Sanaag iyo Laas Qoray, Laas qoray adiga Izaka waxay kuu bixiyeen Dhabar Jilic, orod oo magaaladii Ceergaavo ee aad badh ku lahayd soo cesho, Fulay Fooqul Fulaay
war khaatumo cayda jooji, ceebweeye, waxaan kumoodayay inaad sida dhaanto. Madaxweene kuxigeen wey idiinka dhamaatay, no more sxb.Warsangali,ama leelkase baaiskaleh.
Majeerteen ruwayad miya jileysaan
Mise walasameya samee
Dorasha aya PL kadhacada
Wa calacal timo laga helaa
Taa waxan u leyahay waxa tihin umad qabilka diloday qarankuna qabil kala wenyahay qufkastana wa hubeysanyahay side dorasha uga dhece kkkkkkkkk PL maba si jiraysee
01/08/2014 ayay ku egtahy PL wax layirahdo rumeyso ama ha rumeysan
Filo Makhir state
Westpuntland
East puntland
Ileen cadalad majirtee
Kkkkk af midgaan ayaa xisbi furtey kkk horseed maha waa dangoroyo waa xisbiga ciise riyool
tuug faroole iyo qashinka la socda cidina mar danbe ma dooranayso hanoolaado dr saadiq eenoow iyo aqoonyahamiinata xisbiga midnimo
waa guul in puntland maanta xisbiyo lagu tartamayo oo sanadkan shacabkeenu udareeraan goobaha cod bixiyaashu kacodaynayaan dadkeenuna doranayaan cida maamulaysa hanbalyo mucaarid iyo muxaafidba dawlada puntland dadkaad