Urur siyaasadeedyada Puntland oo ansixiyay xeerka hab-dhaqanka anshaxa ee ururarada[Dhagayso/Aqriso]
February 1, 2013 // Warar SomaaliLixda urur siyaasadeed ee kasoo gudbay wajiga koowaad ee diiwaangaliinta ururarada siyaasadda ee Puntland ayaa ka qaybgalay shir kadhacay magaalada Garowe ee caasimadda Puntland oo lagu ansixinayay hab dhaqanka anshaxa ururarada siyaasadda.
5-ka mid ah lixda urur siyaasadeed ayaa xeerkan saxiixay oo uu ku jiro urur siyaasadeedka Horseed ee madaxwaunaha uu hogaamiyo, waxaana xeerka diiday oo dhaliilay ururka UDAD oo ku dooday xeerka in looga baahnaa in lagu soo daro hantida dowladda sida gawaarida iyo miisaaniyadda dowladda inaan urur sigaar ah u adeegsan karin, xeerkana lagu soo daro in hantida dowladda sida gawaarida iyo xafiisyada yihiin wax ay u simanyihiin ururada.
Ururada shirka ka qaybgalay ayaa kala ahaa.
Horseed, Midnimo ,UDAD ,PDP Wadajir, Horcad.
Dhagayso C/risaaq Shoolle oo ah xubin guddiga doorashada katirsan oo aqrinaya xeerka.
Hoos ka aqriso.
Puntland-News24.





waxaa laga hadlay waxba lagama hadlin waxna la isma oran wax lajeclaystay oo aan la isla jeclayn faroole waqti dheerida ku jeclaystay oo kilyaa meesha yaala agaguna maanaan jeclaysan
Warsame khalaf adiga iyo aniga qayladii ina ka dhamaatay meeshaan wax ka soo socdaana ma jiraan waxaynu u baahanahay dad xaaraan maquutayaal ah oo shacabka u shaqeeya Oil and Gas kana soo bixiya waddankoo dhana uga faa’iideeya.
dhibaatada jirtaa waxaa weeye qofkii xukunka qabta ama meel loo dhiibaa wuxuu moodaa in la yiri reerkaaga iyo saaxiibadaa ku maamul, arrintaasina waa tan Africa dib u dhigtay oo meeshaas dhigtay iyagoo ah Qaaraddii dahabka iyo Dheemanka, ogow hadda aduunkoo dhan ayaa isha ku soo wada haya oo ilaashanaya markuu arkay inay hurdaan oo “Corrupt” yihiin.
Waxaa loo baahanyahay rag qabiil walba leh oo mutacalimiin ah oo ka hadla khayraadka iyo sidii loo maamuli lahaa.
waad salaamantihiin dhamaatiin marka hore ilaahay ayaa mahadleh marka xiga waxaan umahad celinayaa aabaha puntland Ðr c/raxman sh/maxamed maxamuud faroole horumarka wayn oo uugaarsiiyay puntland anagu hadaan gobolka mudug nahay aad ayaan usoo dhowaynaynaa xisbiga horseed oo aad wax ugaqabtay abnigii gibolka mudug oo meelhagaagsan maraya sida garowe caasumada lamida marka arintaa waxaa kaxun cadow badan oo mucaarad ah oo qabiil iyo qurun hareeyay sida kan intaa iska caytamaya oo caaqilka iskusheegaya waxaan usheegilahaa koleey qardhuu kasoojeedaa iyagaa saas ucaytamee cay iyo habaartoona lahelimaysaan ninkaan waa aabihiine caasibaad tihiina alla idincadaab teeda kale samata bixin bay kuleeyihiin hadii laga adkaaday masamriwaayeen alla idinnac la idinbaray samatar gaagaab iyo gablax yur ayaa la idin yiri
ruwaayada garoowe ka socota waa ruwaayad
mudan in lagu qoslo sababtoo ah labadan
atoore faroole iyo shinbirolaaye dadkii wey
caameeyeen waxaasi lasii yaab daran kuwa
xisbiya ku sheega oo garoowe soo xaadire oo
u heysta in meesha wax fiican lagu haayo.
miyeesaan u muuqan caqliga faroole ee ahaa
reer pl oo idil wada horseed oo mac nahedu
yahay halkaa xisbi waxaan eheen doroshadu ku
ma soo bixi karo xataa waziiradi pl ayaa xata
u olo leenaya horsed, dimuqradiyadey yaa ku
xaal marin doono.
Faroole iyo ini Xasan Barre,waa labo baadil iyo Najaaso ku heshiiyey una baahan in laayska dhiciyo?
FAROOLE WAXA UU KU HADAAQAA DASTUURKA SOMALIYA WAA IN LA ILAALIYAA , AAWAY KII PUNTLAND.
FAROOLE KII PUNTLAND AYUU KU XAARAY, MARKA WAA IN UU ISKA DHAAFAA EEDAYNTA CID KAL.
MAROODIGU TAKARTA SAARAN MA ARKO.
WIILKIISA FUQA WAYN SIDA AFWALIIJO WAA IN REER PUNTLAND ISKA QABTAAN.
Oil iyo Gas kii mudada lagu talo jiray oo la sheegahayey meeye.
Haddii ay jiraan maxaa looga faa’iidansaan waayey.
Ma cadaw baa dhib nagu haya.
Puntland waxay ubaahan tahay, wax qabasho run ah, wada jir , oo aa tuugo, qabiil iyo musuq maasuq ku jirin.
Meeyey oil kii laga qodayey Puntland?
W.kh
asc meeshi waxay noqotay maqaaxi faroole puntland waxay u bahan tahay in xabad lagu xoreeyo faroole maaha nin rabi yaqaan 4sana la doortay sidaan hada la socono magaalada qardho waxa laga dhisay mamul ku meel gaar ah oo puntland lagu sii hagaayo ila inta madax weyne la dooranayo mida kala gudiga doorashooyinka puntland waa kuwa gacanta igu jirah faroole shalay wad maqlayseen sadiiq eenow waxyaala shalay aan aadka ugu qoslay waxa ka mid ah garooweonline ayaa waxa laso galiyay ururada sawirkoda oo laga reebay ururka midnimo taasu waxay ku tusaysa kalsooni xumada iyo cuqdad nafsiga faroole ku dhacday faroole hada waxan dhihi karna waa qof walan oo waliba aan caqli aan ficnen u dhalan hadan intaas kaga gudbo waxan u mahad calinaya umada reer gaalkacayo oo erborki gaalkacayo dhistay oo isku tashaday marki ay arkeen faroole inu yahay nin cuqdad ku kor ah oo gaajo kur ah oo aan waxba xeerinen halkaan waxan mahad balaan iyo salaan uga diraaya dadka erborka qeeb libaax ka qatay sida sureer jiqilood caasho uunlaaye gabdahaasu waxay istahilan in ay puntland lagu aamino faroole waxu isdahila in maxkamad la horkeeno