Farmaajo oo La Beeniyey in Loo magacaabay PM [Warbixin]

September 25, 2012   //   Warar Somaali

Warar been abuur ah ayaa guud ahaan caasimada Muqdisho lagu faafiyey, suuqana la geliyey kadib markii idaacada Shabelle ay shaacisay in Maxamed C/laahi Farmaajo loo magacaabay Wasiirka koowaad ee jamhuuriyada F. Somalia. 

Hadalka idaacada oo ay sii qaateen warbaahinta qaarkeed  iyo shacabka Muqdisho, ayaa waxaa been aan sal iyo raad toona lahayn ku tilmaamay sarkaal u hadlay xafiiska madaxtooyada Villa Somalia.

Intaas kadibna Farmaajo qudhiiisa oo la hadlayey idaacad maxali ah ayaa u sheegay in aan wali loo magacaabin Raisulwasaare balse uu dhowri doono waxa kasoo baxa xafiiska madaxweynaha.

“Aniga ma helin wax warbixin la igu magacaabo, waxaa iska qiyaasayaa wax sax ah oo soo baxay ma ahan, Madaxweynaha wada tashi ayuu wadaa, waqtigiisa haloo daayo”ayuu yiri Farmaajo oo ka dhawaajiyay inuu ka mid yahay shaqsiyaadka daneynaya.

Farmaajo oo mar kale ka hadlay sida uu arko hadii la magacaabo ayaa yiri ”Waa daneynayaa, wax sax weeyaan, laakiin waxa hada dhacaya wax rasmi ma ahan, dadweynaha waxaa leeyahay guryihiina ku noqda”

Hadalka aya waxaa si weyn suuqa u sii geliyey xubno ka tirsan maamulkii dooxada Jubba ee Kismaayo ka arrimin jiray sannado hore, iyo idaacada Shabelle oo Muqdisho ku taalla.

Siyaasiyiin iyagu kasoo jeeda maamulka Puntland ayaa iyaguna danaynaya inay xilka Ra-isulwasaare qabtaan, balse qaarkood waxaa caqabad ku ah saamaynta madaxweyne Faroole ku leeyahay doorka siyaasadda Somalia.

Siyaasiyiin reer Puntland ah qaarkood ayaa qaba in Puntland oo gacan weyn ka geysatay u guurida nidaam dowladeed oo ku dhisan rasmi oo aan ahayn KMG, balse maanta aan abaal looga hayn, iyagoo taas ku eedeynaya Madaxweyne Faroole oo umadda Puntland ka horkeenay Soomaliweyn, isagoo aan siyaasad xeeladeysan oo nadiif ah aan isticmaalin, waxaana haatan muuqata in Puntland wax loo ogol yahay aysan jirin, waana siyaasada qalloocan ee madaxweynaha Puntland ku lugooyey siyaasiyiinta reer Puntland ah oo dhowaan tartanka madaxtinimada loogaga guuleystay.

Saadaasha ah in siyaasi kasoo jeeda Puntland laga dhigo Raisulwasaare ayaa ah mid sii naaquseysa, waxayna dad badan oo siyaasada falanqeeya sheegayaan in ay adag tahay in xilkaas iyo kuwa lamida mustaqbalka la qabto, illaa inta uu xafiiska Puntland uu garwadeenka ka yahay Abdirahmaan Faroole oo xiliftan badan, laakiin aan siyaasada kama dambaysta ah garan karin sida loogu guuleysto, loona gurto miraheeda.

Afarta sanno ee soo socta Somalia kuma dhaqmi doonto nidaamka KMG, maadaama dalka uu hada dastuur yeeshay, sidaa daraadeed bulshada Puntland waxay ka murugsan tahaynasiib darrana u ah in dedaalkii iyo dhibtii howshii baaxada badneyd ee reer Puntland gaar ahaan Dr. Gaas iy Dr. Faroole ay kasoo mareen in maanta Somalia ka baxdo KMG ay cid kale ka faaiideysanayso oo laga yaabo inay cadow ku noqon karaan nidaam maamul federaali ah oo dalka ka dhisma.

Maxamed Axmed Yassin [Koranto] 

Puntland News-24

COMMENTS

RSSComments (9)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. Hersi says:

    guud ahaan reer p/land waa kuwo ku mudan ammaan doorkii dowlad wanaag iyo qaabkii federal ee loo gudbey iyo kasoo guuridii kumeel gaarnimo….gaar ahaan reysal wasaarihii hore cabdi wali baa kusii ammaanan iyo golihiisii xukuumadda . sidaasi daraaded hadiiba somali dowlad loo rabo iyo in hurumar dowladnimo lagaaro waa in loo dhiibaa qof kasoojeeda reer p/ land oo waliba dar dargalinkara nidaamka federaalka …laakiin haddaan soomaaliya loo rabin dowladnimo oo lugooyo lala rabo haloo dhiibo qof kasoo horjeedo federaalka sida farmaajo ama ..galeyr ama cabdikariin ama dowlad diid kale oo sii cakiriya murugada somaluyeed …oo la falgala dowlad diidka reer muqdisho ….madaxweynaha haddana isageey utaalaaa in uu labadaa kala doorto ….waana mid kuxiran guuushiisa ama guuldaradiisa labadaas ikhtiyaar……aniguse waxaan qabaa in uu madaxweynuhu yahay mid doonagaya in uu guuleysto somaliyana guuleeysato oo laga adkaado dowlad diidka somaliya ragaadiyey.

  2. caqlileey says:

    waxay ila tahay sheekada ay sidaa aqayn kusiga hawiye muran ma gelin maxaa keena keenay inuu muran galo??waa isku duubni la aanta dadka ka soo jeeda puntuland,khatumo,jubooyinka taas baan u sabab ah waa in dib loo fariista oo laga fekeraa ..midda kale waxaa jirta in puntuland isku filan tahay haday gacan saar fiican la yeelato khatumo iyo kilinka shanaad waa inay xasaabaheeda dib u gu noqotaa ,,ka shirtaa aayaheeda

  3. fanoole=calanley=farjane% says:

    faroole waa waxgarad!!!!! walahi ninaan puntland kasocon unuusan pr noqoneenin waad arkidoontaan, hadiikale waangoosanena waa mukhadis wabilahtowfiq%%% viva puntland viva kismayo %faanoole masha”alah

  4. faarax says:

    faroole geesi waaye nin gambada ma aha waad aragteen madaxweynaha xamar jooga wuu iska dhaafay farmaajo puntlnad waxey ubaahan tahay madaxweyno iska dhiciyo kuwa xamar joogo

  5. shire says:

    Waa suurtagal in dadka qaarkii faroole taageero u hayaan marka ay noqoto iska dhicinta qolyaha muqdisho, laakiin aniga meel kale ayaan wax ka arkaa sababtoo ah c/laahi Yusuf daarood iyo Puntland labadaba waa isku watay wuuna ku qanciyey siyaasadiisa balse faroole iska dhaaf hawiyahee wuxuu qancin la yahay oo siyaasadiisa si qoto dheer ugu raaridi la,yahay Harti ama reer Puntland tusaale xildhibaanadii Puntlnad ka codeeyey ee xamar jooga dhamaantood hal mooyee intii kale GAAS codka ma siinin, DHulbahante cadow ayey Puntland ka dhigteen, Reer Bari qaarkiis sidoo kale, marka Puntland baa u baaha in horta dadkeeda hal doon la saaro oo la is qanciyo laakiin faroole aflagaado iyo islaweyni ayaa ka soo hartay. C/laahi Yusuf AHN waa ninka CADE MUUSE oo ay dagaalameen sedex setimaan tuugayey oo lahaa cadoow cadow kale ayaa jira ee aan midoowno, oo cadena la qaatay oo waliba la dhisay FEDERAAL Cade waa ninka mushaarkiisa xataa u diri jiray xamar si xukunka Puntland heystaan u busaaradsan. FAROOLE iska dhaaf inuu GAAS taageeree oo lacag u diree, wuxuu u quuri waayey hadal soo dhoweyn leh.

  6. NAJIIB says:

    Maqaalada qaarkood markaad akhrido waxaa kuu soo baxaaysa in qoraalkaas qofka leh iyo wepka qorayaaba aay cadaaysanayaan inaay ka soo horjedaan nidaamka iyo kala dambaaynta shacabka reer puntland iyo madaxdoodu higsanayaan, hadani kani waa iska hadlay wax caddaynaya ama sabaayn ma sheegin la qaadan karo waxaa qoraalkaan ka muuqta cadaawad gaara iyo ceebaayn madaxweeynha uu u hayo wepka iyo qoraha maqaalkuba waxaase nasiib wanaag ah in shacabka reer puntland kala qeexi karayaan xumaanta iyo samaanta ee aaysan ahaayn kuwo la gashado hadalkii la doono marka saaxiibayaal nacasminda aad qoraaysaan waxaay cadaaynaaysaa cadaawada aad puntland u qabtaan waana idiin nasiib daro.

  7. salaan bahda webkaan waxaa aad uga muuqda warkiina calaacal iyo kalsooni daro,gaas iyp frole waxey qabteen baa lagula culeytamey hadey iska aamusi lahaayeen ama ey dadka qaarkiis sey rabaan u yeeli lahaayeen sida samatar iyo farmajo baa xamar laga amaani lahaa,farmajo waxa xamar qeybteed dahab uga dhigey frolen dacar waa danta somali ka dhaxeysa oo nin walbaa tiisa amaanayo aligeedi shly halyey buu p/land ka ahaa farmajona xamar buu halyey ka yahey,sxb anaa xamar jooga weliba madaxtooyo ka shaqeya warkaagoo kle lagama jecla,ee wiilasha asaagaa webebka ay qoraan yey ku moral jabinin,frole waxuu ka qaldey p/land ku dhaliil lkn waxuu guul ka keenay haku dhaliilin sxb thnk.

  8. icy.cool 123 says:

    faroole kaliya maha dhibta haystaa puntland lakin siyasiyeenta puntland oo kala ququban ninwalaba danihiisa gaarka ka doortay ayaaha puntland iyo somliwyin taasi waa koow 2 beesha hawiye qrkeed oo wali colaada darood aan ka dhamaan rabtana inay iska horkeento marexaan iyo mj gar ahaan haday kismaayo u gacan gasho darood iyadoo arintaan anay ku guulaystaan u sahlyso coolada dabaa dheraatay ee u dhxysa marexaan iyo mj , halka abgaal iyo habargediir oo 4 belood dagalmyey ay heshiis ku yehiin in aan awood dambe oo darod soo noqon

  9. xaydar says:

    faroole waa libaax waa nin wax diidi kara waxna yeeli kara maaha nin lagu shaqaysto farmaajo haduu soo noqdana waa goosaneeynaa awalba xamar wax kama jirine

Leave a Reply