digg icon delicious icon

VIVA Puntland, VIVA Somalia {Omar M. Farah {Dhollawaa}

December 25, 2011   //   Opinion, Warar Somaali

Waxaa ugu horrayn mudan xusid iyo hambalyo Madaxweynaha Puntland, Abdirahmaan Mohamed Mohamud (Faroole)  iyo ummadda reer Puntland guud ahaan,  Dawlad iyo shicibba sida wanaagsan oo ay u martigeliyeen shirkii wadatashiga Soomaalida ee lagu qabtay magaalada Garowe ee Caasumada Dawlad Goboleedka Puntland, 21kii bishii Diseembar ilaa 24kii isla bishaas sanada 2011. Sidoo kale waxaa xusid iyo qadarin mudan Shariif Sheikh Ahmed, Madaxweynaha Somalia, Shariif Sheikh Hassan, Cabdiweli Cali gaas, Raiisal Wasaaraha Somalia, Guddoomiyaha Baarlamaanka,  madaxda matalaysay Galmudug iyo Ahlul Suna Wal Jamaaca iyo dhamaan madaxdii kale ee ka soo qaybgashay shirka kuwaas oo ka qaatay shirka door shariif ah.

Ka sokow guulaha iyo go’aamada laga gaaray shirka, kulankaani wuxuu lahaa laba calaamo oo aan horay Somalia uga dhicin kuwaas oo kala ah: 1. Shirkii ugu horreeyey, wixii ka dambeeyey dagaalada ahliga, Soomaalidu iyaga oo keli ah ay miis soo wada fariistaan oo danahooda ka tashadaan go’aan loo dhan yahayna ka gaaraan. 2. Shirkii ugu horreeyey oo ummadda Soomaaliyeed isugu timaado magaalo aan ka ahayn Mogadishu, oo dalka gudahiisa ah, si ay danahooda uga hadlaan waxna isku raacay.

Madaxda Soomaaliyeed waxay muujiyeen bisayl siyaasadeed iyo ku baraarugsanaanta wixii dan u ah dadkooda iyo dalkooda.  Arrintani waa talaabo cusub oo Soomaalidu horay u qaaday mudana in la xuso.

Waxaa xusid mudan qodobka 4.5 oo dawlada Puntland  diidma ka muujisay iyaga oo u arkay in uu yahay mid aan waafaqsanayn hab-dhaqanka siyaasadeed iyo shuruucda caalamka, isla markaana aan dan iyo sharaf toona u ahayn dadka Soomaaliyeed. Si kasta ha ahaatee, aakhirkii ka tanaasulay iyaga  oo tixgelinaya mawqifka qaybaha kale ee shirka ka qaybgelayey oo iyagu aaminsanaa in qodobkaas sidiisa loo daayo waqtiga xaadirka ah.  Tanaasulkaasi waa mid ku yimid bisayl siyaasadeed, tixgelinta iyo qadarinta aragtida wallaalahooda kale oo shirka kala qaybgalay.

Gabagabada iyo Guulaha laga gaaray shirkaan wuxuu sharaf iyo guul u yahay dhamaan ummmada Soomaaliyeed, gaar ahaan madaxda iyo shicibka reer Puntland oo martigeliyey shirkaan isla markaana sugay amniga iyo habsami u socodka shirka iyaga oo isku duuban shacab iyo dawlad.

Hawl kama daalayaal weli waa hogadii

Omar Mohamud Dhollawaa, Chairperson

Australian Puntland Diaspora Forum

RSSComments (12)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. puntlander says:

    alow ayaa u sheega dhoolawaa, faroole iyo wiilashiisu ma akhriyaan web page kan o faankaaguna gaarimayo waxase ii muuqan guusha beenta ah e aad faroole siinayso mise ciise ayad shaqada u ilaalinaysa dowladihii farole ka horeeyay wanaag kama aad sheegi jirine puntlandna warkeeda da’ ma jagada cise ayad ku qanacday ohhhhh! Qab yariadaa sorry!

  2. sakariye says:

    Jaahilo aan jaliil aqoon ilaa iilka la jiifsho walee jeeb kuma hgeshiiso

    Jeesfaar shalay jeebku u buuxay oo xoolaha agoonta jaqaayay markii laga joojo walee juuq juuq ma daayo

    oday jaceera oo asagoo qurba jooga sidii jareertii dudaaya oo jago u ooyaayaa dalkja in rag joogo walee ma jeclaado

    Jareertaa xamar joogtiyo amxaarka caynka jaraayaa somaalidaa dalka joogta inay jamhuuriyad noqotoo ay jabkaan ka baxaan walee ma jeclaadaan

    Daraawiishtii jidbaale cadawgii jabinaayay raguu jara baraayay inay soomaali ja jabtoo qabiil jamhuuriyad lasiiyo jecelaak

    Jaahil aan diinta aqoon oo soomaali jabkeeda doolar loogu jawaabiyo shabaabka dhiiga jaqaayaa miino jid lagu aasiyo qarax lagu jabo jecelaa.

  3. sakariye says:

    Puntland oo quman bay ka qaylinayaan dadkaa galay qaaba qawseen VIVA FAROOLE cadawgaagu ha jabo waxaa tahay halyayga sanadka ha u juuqin jaaba jaabada qaxootigaa jilaafadooda

  4. Ashahibo says:

    Hadad tahay nin Puntland ka naxaya O.dhoollawaa soo dhowow oo safe your people and Puntland as a whole!!!
    I think the Diaspora gets their share of the millions of dollars!!!

  5. Ashahibo says:

    Hadad tahay nin Puntland ka naxaya O.dhoollawaa soo dhowow oo safe your people and Puntland as a whole!!!
    I think the Diaspora gets their share of the millions of dollars!!!

  6. xirfadle says:

    To Qardhaawi
    sxb ilaah ilaga baqo way ficantahay waxkasta la iska masheego
    Hoteelka aad sheegayso naag ba iska leh
    tankale aniga shalaha hotelada hoteel kamid ah kashaqeeyo baan ahay waliba hoteel Towfiiq dad badan baan hoteelka seexday lkn kayeelimaayo hal hotel ba dadki lagu ururshay waxasi macaarad nimmo kkkkkkkkkkkkkk iska hadlow ina igarle

  7. P land law firm says:

    Nuune kkkkkkkkkkkkk i like your comment,kkkkkk walaale ma iran baa missile kugu caawisay,mise habaar baad wadaa,pl afar faataxo oo hawiye akhriyey pl waxba uma dhimi karaane,[kaftan ku waa furanyahay]wabillahi towfiiq

  8. SUUL DHABAALE says:

    GuulPUNTLAND- Cadowgeedu cagta hoostiisa inshaa allaah.

    Waxaas oo wanaag ah ayaan u qabanay soomaali welina kuwaa dudaya!!! waxaa haboonayd in dowlad gooni ah laga noqdo lana goosto!!!!

  9. Qardhaawi says:

    To Cumar Dhoolawaa.

    Walaal anigu mar arko sabab Puntland lagu amaani, waayo shirkan ma aheyn mid xal iyo natiijo siyaasadeed lagu gaarey ee waa jug-jug meeshaada joog, tusaale qodobkii ugu muhimsanaa 4.5 waa loo daayay dastuurka qabyo-qoraalka ah, waxa lagu qanciyay Puntland in 4,sano kadib wax laga badali doono amase Barlamaanka cusub lagu soo dooran doono qaab Goboleysi, ilama aha iney suurta gal tahay arinkaas waana hadii eynu runta isu sheegno, midda xigta Cumarow waxaad ka tagtey dhaqaalihii Puntland lagu siiyay shirka amase lagu siin doono shirka xagey marayaan. Ma Mashaariic baa lagu fulin doonaa ileen Millions of dollars ayaa Puntland lagu siin doonaa shirkan,midda xigta anigu critical weeye doodeydu, Hotel cusub ee uu dhistey Maxamed Faroole, ee Universal Tv laga soo daayay waxaa dagan martidii timid halka Hotels kale ee shacaku lahaayeen aan xataa waxba laga siin martida, marka Mr Omar doodaadu ma aha aha (Valid) ee Omarow runta abaar, Puntland xaalkeedu meel khatar ah ayuu ku jiraa ee odey nagadaa kacaameynta, waxaad i xasuusiyay sheekadii Marxuum Maxamed Siyaad Bare sameeyay AUN 1988 Iyadoo Waqooyo dagaal ka socdo, in koobkii Gobolada Hargeysa la yiri waa lagu dhigayaa ciyaaraha kkk Omarow Puntland is in critical position.

  10. nuune says:

    Beesha hawiye group hadaan nahay waxaas wax kajira malahan ee raali ahow bishan wara helaysaan kadib wax kale waad qori

  11. Suldaan says:

    allah cisag waa maqaal aad u qurux badan
    well done mr. dhollawaa

  12. ridwan says:

    waa guul masha,alaah

Leave a Reply