Waa kuma madaxweynaha aynu u baahan nahay
August 10, 2012 // Warar Somaali
Marka hore mahad idilkeed waxaa iska leh Allaah subxaanul laahi watacaalaa, naxariis iyo nabadgelyana Rasuulkeenii ayeey korkiisa ahaatay. Intaas kadib dhammaan akhristayaasha sharafta iska lahow iga gudooma salaanta qaaliga ah ee islaamka ACWW.
Waxaa haatan la guda galay xilligii marxalada kala guurka, waxaa leysu diyaarinayaa in uu dalka ka dhaco doorashada madaxda ugu sareysa dowladda Soomaalida. Waxaa lagu hanweyn yahay in laga bixi doono dowladihii la oran jiray kumeelgaarka. Runtii arintaas waa wax aad loogu farxo oo haddii aad maqasho kumeelgaar waa ummad aan heysan xorriyad taam ah. Haddaba waxaa isweydiin leh xilligan la joogo Soomaali yeey ku aamini kartaa masiirkeeda, yaa dalkan ka saari kara dhibaatada baahsan ee soo jireenka aheyd tan iyo intii ay dhacday dowladii dhexe ee Soomaaliya, yaa dalkan ku hagi kara karti, aqoon iyo Allaah ka cabsi, yaa ummaddan u sahmin kara yoolka ay higsaneyso, yaa dabooli kara dul duleelada faraha baddan ee ka muuqda dalkeena, yaa isku soo celin kara soomaalidii kala tagtay ee dhabarka isu jeedisay, sidoo kale ma heli doonaa madaxweyne ama hogaamiye leh aragti dheer (Vision ) iyo hal abuur ( Initiative or creative) .
Sida aynu la wada socono waxaa isu soo sharaxaya jagada madaxweynenimada in ka baddan dhowr iyo Afartan (40 +) oo dhamaantood kuwada sugan magaalada caasimada ah ee Muqudisho. Giddigood waxaad moodaa in lagu soo wada dhaweeyay magaalada oo qofba noocuu doono haloo soo dhaweeyee. Weli ma aanan maqal iyadoo ay dadweynuhu isweydiinayaan war dadkan faraha baddan ee isu soo sharaxaya jagada madaxtinimada horta waayo, maxay galaan maxeyse gudaan, aqoontoodu halkee ayeey garsiisan tahay, horey wax ma usoo maamuleen, CV noocee ah ayeey haystaan, maxey ka ahaayeen halkii ay ka yimaadeen. Laakiin waxaa dhagaheyga ku baddan reer hebel yaa u sharaxan iyo annaga ninkaas ama fulaan hebel ayaanu wadanaa. Haddaba waxaa isweydiin leh Soomaaliyeey goormeynu hurdada ka toosi doonaa, goormeyno kala garan doonaa kan ay danta inoogu jirto iyo kan na lugoynaya, goormeynu ka bixi doonaa caadifada qabiilka oo illaa iyo 90kii halkaas ina dhigay.
Adduunka qofka waxaa lagu qiimeeyaa hadba wixii laga arkay, ma yahay qof soo shaqeeyay, intii uu shaqeynayey ma yahay qof wax soo kordhiyay, muxuu danbi ah oo uu galay, natiijadii kasoo baxday intii uu maamul hayey maxey tahay, su’aalahaas iyo kuwo la mid ah ayaa leys weydiiyaa. Inta aan la gaarin doorasho waxaa muhiim ah qofkan in daraasad lagu sameeyo oo leys weydiiyo fulaan ma u qalmaa in uu jagada heerkaas ah isu sharaxo iyadoo la eegayo taariikhdiisa. Laakiin in qof walbaa uu yiraahdo Maandeeq aniga maamulaya runtii waa arin u baahan in laga fiirsado.
Anniga waxaan oran lahaa Soomaaliyeey aynu taariikhda si wanaagsan u akhrino oo aynu ka qaadano duruusta ay na fareyso, ee maaha maalin walbaa in aad isku si qalad ugu dhacdo. Maanta ayaad fursad heysataa iska iloow aniguuu I xigaa, isku tol baan nahay, iwm, sidoo kale iska iloow fulaan waa reer hebel oo reer hebel ma arki karo. Miisaankaagu ha noqdo yaa dalkan u horseedi kara { Amni, cadaalad, horukac iyo waliba adduunkoo aad la tartanto }, miisaankaagu ha noqdo kan dalka wax u qabanayo ayaa I xiga, miisaankaagu yuusan noqn fulaan waa in adeerkey oo wuxuu doono ha qaldo isagaan dooranyaa in uu noqdo madaxweyne. Soomaaliyeey weelkeenii wuu buuxsamay maanta waa maalintii ay kala caddaan lahaayeen xaqa iyo baadilka, ballanteenu ha noqoto qof walboo buuxin kara shuruudaha madaxweyne nimo ayaan dooraneynaa. Shaqo kuma lihin yuu yahay, halkee ayuu ka yimid iyo wixii la mid ah.
Waxaa lagu jiraa bisha ramadaan maalmihii ugu kheyrka badnaa Allaah waxaa ka baryeeynaa in uu talada wanaagsan na waafajiyo oo aynu doorano madaxweynihii aynu ku riyoon jirnay, oo ku hamiyi jirnay oo ah mid {Allah ka cabsada oo Muslim qaalis ah, karti , hufnaan iyo aqoonna ku darsaday }. Inshaa’allaah kaas ayaa imaanaya ee niyadda hala hagaajiyo oo Allaah aynu ka barino inuu talada wanaagsan na waafajiyo. Waan aaminsanahay in ay sharaxan yihiin kuwo baddan oo sifooyinkaas leh laakiin ay arimo kaloo baddan ay hortaagan yihiin.
Inshaa’allaah guul soomaaliyeey iyo innagoo doorana kii aynu weligeen sugi jirnay gobolkuu doono ha ka yimaado, qoloduu doono ha ahaado, illa iyo intuu ka shaqeynayo danta dalkeyga iyo dadkeyga isku qolo ayaanu nahay oo wuu iga xigaa kan ila tolka ah ee ku sifoobay tuugnimada iyo is daba marinta.
Wabilaahi towfiiq
Cabdixakiim Jaamac Jooje
Social development Adviser – Leicester UK



maasha allah wl ajar iyo xasanaad ala hakaa siiyo annana hannaga dhigo kuwii hadalka dhegaysta qaybtiisa suubanna qaata ilaahayna hanna tuso xaqqa dhamanten madax iyo majoba
aamin aamin aamin