Waa warey war Soomaaliyey Qaadka (Abukar awale)

October 27, 2012   //   Warar Somaali

7 sano kadib markii uu bilaamay olloha looga soo horjeedo qaadka ,halgan kaasoo run ahaan tii qaatay waqti dheer oo kalahaad, Guureyn iyo qaylo dhaan joogta ah kawaday wadankan ingiriiska ayaa waxaa lasugayaa in  dowlada ingiriisku go’aan kagaarto sidii qaadka UK laga yeeli lahaa, go’aankaas oo lasugayo inuu soo baxo sanadkan dabayaaqadiisa.

Dhanka kalena waxaa kasocda dad udagaalamaya sidii aan marnaba looga joojin  qaadka wadankan ingriiska kuwaasoo u doodaya dhaqaalaha kasoo gala dowladaha dariska la ah Soomaaliya  iyagoo ay lasocdaan Soomaali kaganacsata qaadka oo iyaguna kudoodaya qaadku waa dhaqanka soomaalida kana codsanaya dowlada inaan marnaba laga madnuucin qaadka oo ay ku tilmaameen dhaqanka Soomaalida.

Hadaba maxaa looga baahan yahay bulsho weynta Soomalida ah eek u dhaqan dalkan ingiriiska ?

Waxaa looga baahan yahay inay si wadajira ugu istaagaan sidii ay fikirkooda iyo waxa ay aaminsan yihiin usoo bandhigi lahaayeen iyadoo goobtii iyo golahii  loo diyaariyey lana abaabulay mudaharaadkii ugu weynaa ee Soomaalida ku dhaqan UK soo bandhigto hadii ALLE idmo. Waa maalinka khamiista 01/11/12 Goobta Mudaharaadkaas kadhacayo waa kasoo horjeedka NO 10 Downing Street Westminster.

Muuji Darenkaaga ,cadee fikirkaaga ,dhinacee baad la jirtaa ma in lajoojiyaad doonaysaa mise inaan ku burburo oo dhalinyaradeenu  noqdaan daciif aan latartami Karin kuwa dadka kale.

Ugudanbayntii waxaan idin leeyahay TOLA’AYEEY   SOOMAALIYEEY KAALAYA AAN ISUGU  TAGNEE.

 

Gudoomiyaha Ladagaalanka qaadka

Abukar Awale  ( Qaad DiiiD )

COMMENTS

RSSComments (3)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. osman says:

    Cawaalow meeday lacagtii dabka bosaso loo ururiyay.

  2. ahmedpunt--------------- says:

    waxaan leeyahay waad mahadsantihiin aamiin caamir iyo abuukar cawaale iyo saxxaafaddaba……………
    midda kale waxaan leeyahay soomaalaay 11 waxyaabood oo uu qaad inooleeyahay aan kujoojinno ,1-qoys dumis ,2-qaran dumis .3-cimri dagdag 4-fakhri iyo folxumo 4-xishood darro 5-foolxumo qofka quruxdiisii aay isku badasho 10 sano iwm gudahood oo qofkii noqonaayo waraabe oo kale 6-raganimada oo aakhirkii wax kabadalo 7-cibaado xumo iyo xaaraanta oo qofku si fudud uugu dhaco ,8-qarannimadii soomaaliya oo muddo 22 sanaa god dheer kujirta in qaadku curyaamis uu siigalinaayo taas oo usababa dhicid xoolo dowlo iyo musuqmaasuq iyo mashaqaysitinimo iyo mujtamicii dawligaahaa oo qaadku kuyahay mid khariba caafimaadkii dadka iyo nadaafad xumo taas qaadka oo ladhihi karo waa qaran dumis.
    9-qaadku waxuu keenaa kansarka dhamaan xumnaha uur kujirta iyo ilkaha baabi’iya 10-dad qalnimo uusan qofka qaadka cunaa uusan u naxariisanaynin ilmihiisa oo dheeftoodii uu qaad kuraadsanayo ,11-dhaqaalihii soomaaliya oo wadamada itoobiya iyo keenya loorarayo maalin kasta , oo maalinkasta diyaarad jaad keentay lagu badalo malaayiin doolar oo aan ankee badeecad ku badalanaynin .haddaba dadka soomaaliyeed ha xisaabtameen oo qaadka joojiyaan leeyahay ,waxaana ku talin lahaa in la aasaaso jabhad hubaysan oo ladagaalanta kuwa jaadka keenaya oo aan ahayn kuwa eegaya canshuurta qaadka kaliya oo aan arkaynin dhibtuu cagaha kuwato.scww

  3. caraseedo says:

    Alla maxaa qoysas ku dumay?????yaaba tirin kara,Alloow naga daba qabo,oo naga cirib tir,Qaad iyo Qaadiro.

    Qarankaas gubanaaya qaadkaa ka masuul ah.
    Qoysaskaas kala baaday qaadkaa ka masuul ah.
    Af qashuush ah oon qurux lahayn qaadoow adigaa leh.

Leave a Reply