WAACIYE: Daawo Sawirada Mudaharaad Looga Soo Horjeedo Muddo Korosiga Xukuumada Puntland

September 29, 2012   //   Warar Somaali

Degmada Waaciye ayaa waxaa ka dhacay dibadbax si weyn loogu diidan yahay muddo kororsi hal sano ah oo xukuumada Madaxweyne Faroole ay u ololeyneyso. 

Degmada Waaciye oo ah degmo si weyn u koreysa, islamarkaana ku taala xadka kala qeybiya Gobollada Bari iyo Karkaar ayaa waxaa dibad bax carro wata ka dhigay dadweynaha magaalada oo isugu soo baxay waddooyinka, iyagoo sita boorar looga soo horjeedo wakhti korosiga xukuumada Puntland ay ku dhawaaqday, iyadoo ay u harsan tahay oo kaliya 3 billood.

Horay waxaa Waaciye si dhuumaaleysi ah ku tagay guddiga doorashooyinka Puntland, waxayna magaalada duleedkeeda kula shireen cuqaasha magaalada oo ku wargeliyey guddiga in beesha Axmed Harti ay kamid tahay beelaha Puntland wixii ay go,aansadaan inay la qabaan.

Intaas kadibna dadweynihii ka warhelay joogitaanka guddiga doorashooyinka Puntland ayaa dhigay dibad baxyo si weyn looga soo qayb galay, sawir-qaade PN24 u jooga Waaciye ayaa soo sheegaya in dadkii banaan-baxayey aysan wax rabshado ah ama taayiro ah aysan gubin, si nabadgelyo ahna uu kusoo dhamaaday mudaharaadka.

Waxaa sii badanaya diidmada beelaha Puntland ku diidan yihiin sida ay uga soo horjeedaan in xukuumada Dr. Faroole ay wakhtigeeda kadib ku darsato hal sanno oo dheeri ah, iyadoo horay magaalooyinka Qardho, Jariiban, Gaalkacyo iyo meelo kaleba laga eryey guddiyo u xilsaaran arrimaha doorashooyinka iyo xisbiyada.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA DIBAD-BAXA WAACIYE

COMMENTS

RSSComments (10)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. Peace guy says:

    Asc somali dhaman. 1 sano oo faroole xilka sii hayo waxey lami tahay 10 sano asago lodhibay.shacabka baahida uu u keenay waliged mid ka baxeyso ma ahan. maskas aya ledihin .hormar ayuu u kenay .hormarka ma inta garowe baa? war runta ha la tabto by.

  2. abdiriska says:

    war maad nabada iyo hormarka ka shaqaysan inta aad mashquulka ku tihin 12 bilood oo nin kororsaday.umada yahay wax bur burin mooye wax kale ma naqaaan miyaa.aniga waxan leyaahay sanadka faroole hado dhamanaaya ee fitnada ina ka daaya.

  3. kobdhexaad says:

    waa arin wanaagsan muduraadka ka dhacay DEG:- WAACIYE waxa leeyahay sii wada walaalayaal .
    waxa guusha qaadaya shacabka puntland.

  4. warsame says:

    Dooni mayno Faroole, doonimayno 5 sano oo dib u dhax, qabiil iska horkeenid iyo dhibaato danbe.

  5. qardho man says:

    marka hore waxaan idinku slmy slnta islaamka asc marka labaad horta binaan baxaan waa arin fiican waxayna marqaati u tahay shacabka reer puntland in ay yihiin daad dimocrati ah aduunka walaga tagay dagaal hada neh majogno xili aan hada is dagaal maxaa yeelay cadawka oo dhan ayaa inaga fa ideysanaayo ee waxaan lee yahay mudane madaxweyne shacabkaaga si nadaam ah ugu dhameyso oo wayku jaceyl yihiin oo ha is nacsii niin sanad iska daaye waliga in aad haysto wlhi aniga ahaan waan jeclahay lknse meesha daadba kula leh kursiga sidaas awgeeda mudane madaxweyne shacabka waxa ay rabaan u sameey oo ay ku farax san yihiin dowlad waa shacab keeda ?

  6. khadra says:

    hada nahay qurba jogta haweenka ka soo jeeda punland waxaan soo jediynaa ina manta barwaaqo ku jirto punland kana jirto nabad nabaduna waa barwaaqo guushas waxa noo soo hoyiyey oo nagu gacan qabtay madaxweynaha punland cabdiraxman maxamed faroole mantana inkam mudno inaa wadankii rabsho la galiyo somalida waxay ku mah mahan nin kuu furi doon yuu kuu rarin marka waa in nabada laga wada shaqeeyaa hadii aan laga shaqayn ina rag punland mel usoo maraan ama cadaw ku ah ku farxi donaan madax waynaha punland guul iyo barwaqo usoo hoyey marka waa inaan nin kasta uu san dantisa eegan ee la eegaa nabada barwaqda ku jirto punland aana ugu mahad celinayno dadkii ay isu kayo kentay wada dhalada

  7. daljir says:

    ac.salaan kadib halayeelo kororsiga halka sanno ah weligeed wey jirtay xukun jaceyl somalida,ma,aha wax inagu cusubtaasi waa mid tan labaad puntland majoogto maanta mudaharaad iyo faro fara kutaag arintu waa xaalad adag wakhtigan,somaliweyn oo ku jirta dagaalsokeeye,oo ay haystaan dad aan danaha somalida waxba u hayn,somaliana ay kalago,antahay,halaga fiirsado arinta banaanbaxyada faroole iyo dowladiisa,

  8. asc aad ayaan usoo dhowaynaya wax kasta oo fikir ah oo wanaagsan hase yeeshe madoo nayno cid puntlanad kala goo gooysa degmada waaciye iyo degmada bosasoba dadka degan ama besha ahmed harti dadkii saxixay in dimuqradid loo gudbo iyo iyo nidaamka asxaabta marka hada wax loo mudo haraado ma yaamin meesha dadka nabada jecel ayaad ka mid ahaydeen marka tafraaruqa puntlanad horseed ha u noqonina

  9. qadar says:

    kuwan la dhahayo GAblax iyo kuwa kale oo umada u horseedaya dhib waxaan ku oran lahaa shacabka puntland inaysan dooran odayaashan danahooda un doonaya hala doorto dhalin aqoon leh,ceeb inay majeerten qabtan jagadan waayo gobolada puntland ay ka tirsantahay madegana majerten oo kaliya ,golka bari madagana majerten kaliya,waxaan kawadaa haloo dhiibo jagada wajiyo cusub.

  10. qadar says:

    Faroole waa cawaan ciidan buu ku dalbanayaa shacabka ninkan faroole waxa uu damacsanyahay shacabka lama socdaan Alaah ha bad baadiyo maatada iyo caruurta.

Leave a Reply