Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaliya oo Garowe kula kulmay madaxda Puntland

October 21, 2012   //   Warar Somaali


Wakiilka cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan arimaha Soomaaliya ayaa maanta la kulmay madaxwaynaha dowladda Puntland Dr c/raxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud Faroolle.

Amb Michele Cervone De Urso wakiilka cusub ee Midowga Yurub ayaa shalay si rasmi ah waraaqihiisa aqoonsiga u gudoonsiiyay madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Safiirka oo safarkiisa Garowe uu ku yimid hogaaminayay wafdi sare oo kasocda Midowga Yurub oo uu ku jiro madaxa barnaamijyada horumarinta Admiral Jacques Launay ayaa madaxwaynaha kala hadlay la dagaalanka burcadbadeeda sidii la isaga kaashan lahaa iyo arimaha dib u dhiska ciidamada badda.

Masuuliyiinta ayaa kulan albaabada u xirnaa oo ay yeesheen kadib, waxaa ay si wada jir ah saxaafadda ugu sheegeen shir jara’id oo ay qabteen inay isku afgarteen dhamaan qodobadii ay isla soo qaadeen.

Madaxwaynaha Puntland oo hadalka bilaabay ayaa ugu hoaryntii sheegay masuuliyiintii uu la kulmay socdaalkooda inuu ahaa booqasho rasmi ah ayna isla soo qaadeen sidii gacan uga siin lahaayeen la dagaalanka burcadvadeeda iyo taageeridda ciidamada badda.

Danjiraha cusub ee Midowga Yurub Soomaaliya Amb Caraveno De Urso ayaa isagana xusay inay isla fahmeen dhamaan qodobadii ay isla soo qaadeen masuuliyiinta Puntland oo ay ugu waynayd la dagaalanka kooxaha burcadbadeeda iyo hirgalinta barnaamijyo kor loogu qaadayo adeegyada bulshada.

Waa safarkii ugu horeeyay wakiilka cusub uu ku yimaado Puntland iyadoo shaqaqada Soomaaliya uu ka qabanayo uu bilaabay shalay markii madaxwaynaha Soomaaliya uu gudoonsiiyay waraaqihiisa aqoonsiga.





Puntland-News24
Garowe.

COMMENTS

RSSComments (0)

Leave a Reply