Walaaca iyo Halista Saracen Dunidu ka qabto [Warbixin+Sawiro]
June 14, 2012 // Warar SomaaliMAXAY QABATAA SARACEN
Siddeed iyo toban bilood ka dib markii shirkadda Saracen International ay ka hawl bilawday Puntland ayaa waxaa soo baxaysa walaac laga qabo in shirkaddu ay ku lug leedahay hawlo xadgudub ku ah xayiraada hubka ee la saaray Soomaaliya sanadkii 1992.
Warbixin ay gudbiyeen Guddiga Gaarka ee Qaramada Midoobay ugu xilsaaran la socodka cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea ee la yiraahdo
“UN Somalia and Eritrea Monitoring Group (SEMG)” ayaa lagu sheegay in shirkadda Saracen International ay wado dhaqdhaqaaq khatar ku ah nabadda Soomaaliya ka dib markii ay si sharci darro ah dalka u gelisay hub aysan fasax u heysan.
Matthew Bryden oo ah xiriiriyaha Guddiga la socodka cunaqabateynta hubka ayaa bishii June 2011 u sheegay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay in shirkadda Saracen aysan wax ogolaansho sharci ah u heysan inay shirkad amni ahaan uga shaqeyso Puntland, iyadoo warbixinta guddigu uu gudbiyey bishii June 2011 ay shaaca ka qaaday in Saracen xaalada Soomaaliya uga dareyso ka dib markii ay ku lug yeelatay hawlo halis ku ah deganaanshaha.
Shirkaddan Saracen oo hadda joogta Puntland waxay ka mid tahay shirkado gaar loo leeyahay oo ay sameysteen calooshood u shaqeystayaal Koonfur Afrikaan ah iyo kuwo Ingiriis ah. Laakiin kooxaha iska leh shirkaddan wax sharci ah kama heystaan wadamadooda, sida uu sheegayo wageyska the Independent ee laga leeyahay Koonfur Afrika.
Afhayeen u hadlay Guddiga Dhowrista Heshiisyada Hubka ee Koonfur Afrika (National Conventional Arms Control Committee) oo lagu magacaabo Tlali Tlali ayaa sheegay in qeybta Koonfur Afrika ee Saracen iyo kooxaha kale ee kula jira hawlgalka ay ka wadaan Soomaaliya aysan dhamaantood heysan wax ruqsad ama fasax ah oo ay tilmaamaya inay yihiin shirkad qandaraasle ah!.
Qaramada Midoobay oo aad uga walaacsan hawlgalka Saracen ayaa hadda ku raadjooga sidii ay u heli lahaayeen cadeymo dheeraad ah oo muujinaya xadgudubka Saracen ay ku hayso cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya taasoo ka hor imaaneysa qaraarada kala ah 1973 iyo 1976 ee Golaha Amaanka ay horay uga soo saareen xayiraada hubka ee Soomaaliya. Waxaana lagu wadaa in xog faahfaahsan oo arinkan ku saabsan markale loo gudbiyo Golaha Amaanka bartamaha sanadkan 2012 xilligaasi oo Guddiga Gaarka ee Cunaqabateynta Hubka Soomaaliya ay keeni doonaan warbixin sanadeedkooda.
Saraakiisha CIA iyo Saracen
Hawlgalka Saracen International ee Soomaaliya ka wado waxaa hadda hogaamiya nin lagu magacaabo Lafras Luitingh kaasoo ku magacaaban agaasimaha barnaamijka. Luitingh ayaa sidoo kale ah agaasimaha shirkad lagu magacaabo “Australian African Global Investments (AAGI)” oo lafteeda dhanka logistikada u qaabilsan hawsha ay wado Saracen.
Hawsha shirkadda Saracen ka wado Soomaaliya waxaa maalgeliya rag aan magacooda la sheegin oo degan Imaaraadka Carabta UAE.
Waxay shirkadda sidoo kale xiriir la sameysatay rag hore uga tirsanaan jiray sirdoonka Mareykanka CIA waxaana ka mid ah nin lagu magacaabo Erik Dean Prince. Erik Dean, waa madaxa ugu sareeya shirkadda Blackwater oo dalalka Ciraq iyo Afghanistan kala shaqeysa ciidamada Mareykanka, laguna tuhunsan yahay in hawsheeda amaanka ay u dheer tahay hawlo basaasnimo ah. Blackwater waxay hadda ka hawlgashaa Abu Dhabi iyadoo adeegsaneysa magaca “Xe Services”.
Waxaa jira nin saddexaad oo ku dhexjira dhaqdhaqaaqa Saracen ee Soomaaliya kaasoo ah Michael Shanklin oo horey u ahaan jiray sarkaalkii CIA-da Mareykanka u qaabilsanaa Muqdisho.
Saracen iyo Puntland
Inkastoo dawlada dhexe ee Soomaaliya ay joojisay heshiiska Saracen haddana Puntland ayaa weli heshiis kula jirta Saracen iyadoo hawlihii shirkadana ay sii ballaarteen. Saldhiga ugu weyn ee Saracen waxay ka dhigatay meel u dhow dekedda Boosaaso ka dib markii DKMG ah ay uga baxday heshiiska.
Balse maadaama ay howshoodu tahay sidii Puntland Qashinka iyo haraaga nuclearka loogu aasi lahaa,ayaa waxay wadaan dhaqdhaqaaqyo ku saabsan sidii loo heli lahaa meelo ku haboon,xag juqraafiyadeed,halkaasoo ay ka bilaabeen in ay saldhigyo waaweeyn ka dhigtaan,waxaana ka mid ah ilaa lix meelood oo Badweeynta Indian Ocean-ka ku teedsan sida XAAFUUN iyo BAARGAAL.
Hub cusub oo soo galay
Markii bishii June 2011, warbixinta Guddiga Gaarka ee cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya loo gudbiyey Golaha Amaanka, waxay Saracen sheegtay inay joojineyso dhamaan wixii hawl ah ee ay ka waday Soomaaliya, laakiin ay ilaashaneyso qalab ka yaalla Soomaaliya ayna bilaabeyso mashaariic bani’aadanimo sida dhismaha isbitaalo iyo raashiin gargaar oo la gaarsiiyo dadka ku nool dhulka miyiga ah.
Warbixinta wargeyska ayaa sheegtay in Saracen ay keentay hub cusub oo aan horey suuqyada Soomaaliya u yaalin, kaasoo ay u keentay ciidamada Faroole walow horey Saracen ay u sheegtay inaysan hub keeni doonin oo kaliya ay ku ekaan doonto wixii ay horey u heysteen ciidamada maamulka Faroole.
Ilo wareed ku dhow Qaramada Midoobay ayaa sheegay in Saracen ay gudaha dalka(Puntland) soo gelisay illaa 15,000 tone oo qalab militari ah. Haddana ay gacanta ku heyso 1,500 askari oo ay tababareyso tiradaasoo saddex jeer ka badan intii ay tababartay ka hor intii aysan Qaramada Midoobay ka joojin shaqada ay ka wado Puntland.
Lixdii bilood ee ugu dambeeyay sanadkii tegey 2011, illaa toban iyo kow jeer ayaa dekeda Boosaaso laga joojiyey hawlaha caadiga ee dekeda qabato, sabababo lagu sheegay qalabka u dagaya Saracen darted.
Waxaa xaqiiq ah in Saracen ay qayb weeyn ku leedahay falalka isku dirka ah ee beelaha walaalaha ah ee wada degan Puntland,sidoo kalana ay qeyb weyn ka yihiin caburinta bulshada weeynta reer Puntland ay ku hayaan maamulka Puntland.
Howsha ugu badan oo ilaa hadda ay qabatey Saracen waa sahaminta dhulka macdanta leh balse hada waxay u talaabeen howshoodii runta ahayd ee aasida waxyaabaha haraaga wershadaha reer yurub ee ay doonayaan meel ay ku aasaan,waana cabashooyinka iyo walaacyada bulshada deegaamada Xaafuun iyo Baargaal ka soo yeereysa.
Cabashada Maamulka Galmudug ee Saracen
In Saracen hub soo gelineyso dalka, waxaa sii xoojiyey ka dib markii cabasho ay ka timid maamulka Galmudug oo Puntland ay deris yihiin, waxaana madaxweynaha Galmudug Maxamed Axmed Caalin uu Guddiga Gaarka ee Cunaqabateynta hubka ee Qaramada Midoobay warqad uu u diray oo ku taariikheysan 6-dii Disembar 2011 ,uu ku sheegay in ciidamada maamulka Faroole ay dad reer miyi ah ku laayeen miyiga gobolka Mudug.
Warqada Galmudug ayaa sheegtay in rag ku hubeysan qoryaha casriga iyo gaadiidka gaashaaman degaanka Bacaadweyne ku dileen 35 ruux, 46 kalana ay dhaawaceen kuwaasoo u badnaa haween iyo carruur.
Warqada Caalin uu qoray waxay kaloo ku eedeysay in Saracen ay hub iyo talo siineyso maleeshiyo daacad u ah madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole.
Wargeyska The Independent ayaa sidoo kale warbixinta ku sheegay in qabiilada ay sida gaarka ah u beegsadeen ciidamada madaxweyne Faroole uu ka mid yahay reerka uu ka soo jeedo hogaamiyaha koox maleeshiyo ah oo ka dagaalanta buuraleyda Galgala ee gobolka Bari Sheekh Maxamed Siciid Atam.
Wararka kale ee wargeysku sheegay ayaa ah in Saracen ay ciidamo tiro badan ku daad gureysay deegaanka Qaw oo ku dhow Boosaaso. Waxayna hadda shirkada heysataa afar diyaaradood oo nooca helicopter-ka ah iyo ugu yaraan sadex doonyood.
Cabashada Hay’ada caalamiga ah ee duulimaadyada ee ICAO.
Walaac midkan la mid ah ayaa waxaa Qaramada Midoobay u gudbiyey hay’adda caalamiga ee duulimaadyada ee ICAO, oo ka cabatay in Saracen garoon dayuuradeed oo macmal ah ka dhisatay meel u dhow garoonka Boosaaso ee Benderqaasim. Garoonkaasi oo la sheegay inay habeenkii ka duulaan diyaarado helicopters ah, kuwaasoo la sheegay inuu qalqal geliyey hawlihii garoonka Boosaaso oo diyaaradaha rayidka ay ku degaan.
Maxaa la gudboon bulshada reer Puntland
Sida lagu yaqaan bulshada ku nool deegaamada Puntland waa dad lagu yaqaan wadaniyad,nabad jecel iyo qiyam wanaagsan, hadaba waxaa la gudboon in ay shirkadan calooshood u shaqeeystayaasha ah ee ay hor-boodayaan niman daneeystayaal ah ee ka naxayn mustaqbalka umadooda,meel uga soo wada jeestaan,deegaamadoodana u diidaan in lagu aaso qashin iyo waxyaabaha haraaga wershadaha ah,arintaas oo laga dhaxli karo mustaqbal cudurro aad halis u ah oo umadaas aafeeya,waana in ay ogaadaan in la doonayo in laga faa’ideeysto xilliga kala guurka ee dowladda dhexe oo ay inaka xigto wax ka yar sadex bilood,waana arinta soo dedejisey waqtigaan in ay howshooda Saracen sadex jibaaraan.
Cudurka ka hortagidiisa ayaa ka fudud markuu kugu dhaco daaweeyntiisa.
East African Information & Research Centre









asc.
waxaa ayaan dara ah in qofki somaliga akhriya oo qora uu waxa ay isaga latahay uu qoro,rcsw xadiiskiisi ayaa ahaa (LAA DACDUL CILMA ILLAA LI’AHLIHI)oo macnaheedu yahay war cilmiga hasiinina ilaa dadkiisa mooyaane,waayo hadaad qof ACRAABI ah SCIENCE uga sheekayso wuxuu ku oranaya waa SIXIR,marka hada waxa muuqata dad jahli hareeyey in ay rabaan arin cilmi iyo caqli u baahan in ay ka faaloodaan,war dadka shirkadan taageeraha u haya miyeysan fariidada islaamka ku dhalan,waayo qofku marka uu fariidada islaamka ku dhasho beenta iyo ismoodsiiska waa iska ilaashaa waana ka xishooda,,runtii waxa websiteska somalidu qorto gaar ahaan kuwa ka faalooda arinka shirkadan waa wax cad oo dhab ah hadaan la is indho tireyn,waayo waa shirkad caan ku ah iska dirka bulshooyinka iyo hubaynta maleeshiyaadka meelkasta oo ay tagaan waana caloosh u shaqaystayaal aduunka caan ka ah,arinka 1aad dadbaa leh ogalaansho ayey ku joogta siday ilatahay hade waa diday ila tahay runtii waa wax lagu kkkk,adeer cida ay ogalaanshaha ka haystaan waa kooxda dalka hogaamisa ee golaha shacabka pl iyo dowlada somalia iyo xataa kolaha wasiirada qayb kamida raali kama aha,mida 2aad arinka hubka soomalida looga maumnuucay waa arin jira cidina hub masoo dejin karto qofki lagu helaana waa danbiile,lkn kuwa leh pl iyo galmudug iyo sl iyo somaliyaba hub ayey so dejiyaan adeerayaalow xagee ka akhrideen mida kale hadayba soo dejiyaan hub waa hogaanka awoodaha somalida wakhtigaan waana lala socdaa waxa ay soo dejiyaan iyo cida soosiisay intaba,mida kale masoo dejiyaan hubka casriga ah ee sarecen ay dalka keentay waana danbiilayaal hadi lahelo rag ilaah ka baqaya runtii waa laso maxkamadayn doona insha allah,arinka 3aad qoraal aan akhriyey ayaa waxa ku jirtay sarecen waxay lamid tahay kuwa shidaalka qoda, runtii waa wax lagu kkkk waayo shirkadaha shidaalka ka qoda pl waa shirkado magac iyo mamus ku leh aduun waynaha waana shirkado si sharciga waafaqsan ku jooga pl waayo dowlada somaliya iyo plba waa u dhamayd heshiiski ay dalka kusoo galeen,waxase la yaab ah faroole iyo XUKUUMADIISA xataa umada waa ka qancin waayeen waxa ku jira konteenarada habeen iyo maalin shirkadu dejiso,ugu danbayn waxan leeyahay ilaah kabaqa cadalad xumida iyo eexdu waa waxa guud ahaan somalia halkaas dhigay,ragow caqligu ha shaqeeyo waxa taageerayso ha ahaado wax dadka iyo dalka ay dani ugu jirto.
WAXAA LOO BAAHAN YAHAY IN UU AQLIGA UU SHEEYO AYAA LOO BAAHAN YAHAY, LANA HORMARIYO, FIKERKA, MAHAN IN LOO DAADEGO HOOS WAAYO, SOOMAALIYA WAA DADL XOR AH CALAN LEH MA DHICI KARYO IN SHEEYE U ADEEG IN UU KAAL MEYSTO WAXA AAN LOO BAANEYN ALLA U NAXARIISTO, J/LLE SIYAAD WAXAA UU TIMAAM CAD KA BIXIYEY SOOMAALIYA WAXA UU YIRI WAXAA I MAYANAYA QOF DADKIISA IIBSANDOONA, WAANA LA HAYAA MAANTEY….
MAHADSANIDIIN..
Caqligu markuu xumaado waxaad arkeysaa labada dacalka laga taagan yahay qadiyadaha xasaasiga ah. Wiilal baa ku lacag qaata shirkaddan. Wax dan ah oo ay dadlka iyo bulshada u heysona ma muuqdaan. Lacagta badan oo ay bixiso kuma baxdo maslaxad guud ee wiilal bey jeebkooda ku dhacdaa, guryo ka iibsadey dibadda. Haddii ay dan guud ilaalineyso, qarsoodi maku dhacdeen saxiixa lagu keeney iyo qalabka ay la soo degtey iyo xataa waxyaabaha ay dhoofineyso. Haddaba Reeryohow ilaah uga baqa dulmiga iyo xaaraanta leysugu hiilinaayo. Ayaamahan foosha xun iyo raggeeda waa ina deynayaan. Ayaamo uu dulmifaluhu sidii gabdhihii u xishoodo baa imanaaya ee wax ha leusku falo.
Waxa cajiib ah dadka kufaraxsan shirkadan dhqadhaqqeda howleed xataa puntlandtu makantaroosho waxaa dhaca inkontaneeye askarta cadanka ah baabuur kaxaystan iyo qalab saacado maqnaadan waxay kumaqan yihin aan cidna weydiin marka waxan dhihi lahaa mel halooga soojesto
NINKA HALYEY MUDUG WATA WAXAA KA QALDAN. WAAA RAGA MAFRISHKA. WUXUU QOREY LACTURE. MAWDUUC DHEERE
KUWA QORA WEBKAAN WWAAA NINMAN MUCAARIDA MAXAA OPONION KA BADALAN OO AAD HEYSAAN
aniga waxay ila tahay serecen in ay puntland ka caawinayso dhisida ciidan leh awood xoogan oo ay ku wajihikaraan dhamaan cadowga puntland. suurto galna ka dhigikara in puntland amaan ahaan iyo cidaan ahaana udhisan. hada cid ka hadasho arimo cid kale ilma ahan hada sabto ah galmudug, iyo wixii lamid ah . waa calool xumo iyo calaacal hadhisteen iyaguba. hayadaha qaramda midobay wey ogyihiin puntland inay tahay dowlad dhisan una tagan nabada iyo horumarka somaliaya kuna filantahayna amaankeeda.
cidii isleh cidamadaan waxyaalo gaar ah baa loo isticmalayaa. ama dhulka wax lagu aasayaa. waa inay keento xaqiiq dhab ah. wixii mala awaal ah waa meshada lama gaariin ama loo mabahnaa. waa meel ka dhac aan qaan gaar ahayn.
puntland waa inay uyelataa wax rabto awood iyo ay kusamaysato. dadka kale tooda ha raceen.
thanks
ali damayi
London-UK
puntlandnews24 sida aad wax usheegaysaan wax uma jiraan waayo Saracen waxa ay dan ka ku joogtaa ogolaasho dowlada puntlad waxaana wadan ka keenay ganacsato puntland ah howlaha ay hayaana waa laga war hayaa mar ka waxa dacaayada faafinaaya waa cadowga puntland iyo dad dano gaar ah leh Saracen maxay uga duwan tahay shir kadadaha shidaal baaraya. dhamaantood waa isku mid ogolaasho punland ayey wadan ka ku joogaan ok
balshaba shaba ii tuma in aan soo boodo
shirkadan waxaanu saaridoonaa maxkamad caalimi ah iyo kuwa lacagta xaaranta ah ka qaata oo umada dhiigeeda jaqaaya
waxaa inoo balan ah sharciga
Puntlandnews24 waxaa tihiin war baahin xalaal ah umadanaa u shaqaynaysaan u haya shaqada aad wadaan haka caajisinina
mahadsanadiin
Waan idin saamay, ace.
Dhaqankii, diintii markii lsgu cayaaray, Waxaa so o baxsay dad markii wanaag loogu yeero shaki galayo. Shakigu wuxuu gaaray, inaad diintaada ka shakidid. Tusaale: nin baa lagu soo dhaweeyey mocrophonka tv. Wuxuu yiri: waxaan idin ku salaamayaa salaanta ayaamahaan layka hormariyo oo ah scwwb.
Shakigii baa tusay. In sal aantaan cudub tahay.
Marks dadow ha lafiirsho runtu waxay tahay.
Saracen waa shirkad caloosheeda u shaqaysata qadiyad aan caloosheeda ahayna ma taqaan oo qabaa,illada aad leedahay waa ka xunyihiin ciidan keena baa bari la heshiin kara. Marks sidaas ha loo fahmo. Wa billahi towfiiq.
Waa arin dacaayad ah. Ilaa iyo hada wax cadayn ah noomaysan keenin. Nimanka meshen wax ku xarxariiqay.. Keena cadayn in sun la aaso. Ma wilasha ciidamada lo qoray.o baa sun jeebabkaku wata ,. Mideeda kale waxad no shegtay in ay hub keento. Ader somalia cid iyo mamul aan hub kensan majiro. Ha ahaado. Kuwa somaliland. Malinkasta barbara bu kadaga xata dawalada england ba si cad u tidhi hub aan sino cunoqbataynta halaga qaado. Sidokale. Ciidamada xamar. O beelaha socan ah. Maalin walbe tababar iyo hub. Casriya lo qaybsha. Marka puntland in ay ciidamo adag dhisato. Maxa ku jaban. Ayado ku jirta kun cadow dhexdod alshabab o bosaso kulalaya. Somaliland. Hawiye. O galkacyo. Fadhiya. Waxad mooda shicibka iyo warbahinta rer puntland in ay yihin dad ka xadaarad yar somalida kale o cadowgodu hadu ku dhoho. Qaata. Mideeda kale galmudug in ay dhahdo ciidamo puntland ba shicib xasuqay waa dagal diplomasinimo. O waxay rabta in ay plnd cadadis lasaro. Waxan fahmiwayo waxa cidamada puntland logu tilmamayo kuwa faroole waa maangabnimo iyo xin. Whyo farole biru tagaya lkn ogada ciidamdu way jogayan ninki yimada hadhow bay ka amar qadandonan. Marka halakala saaro mucaradnimada shaqsi koox iyo puntlandernimada. Walahi farole shaqsi ahan jiinki isha cada wan ka necbahay lkn taas ma’ahan in an wax walbe mucarado. Farole wa shaqsi. Lkn wadanku wuu jiridona ciidamada laga cararayo mudug hala keeno anaga garacad iyo jariiban dajinayne. Waa wilashayadi anaga dugsanayna hadan wadanki jogo wan qoran laha. Anon wax wages ah qaaten rer bari xoga ayantan xayraan miiran bay noqden o wilasha way sanifen halaga so raro
walaahi waa guul la gaarey tani maansha allaah waa wax lagu farxo walee heer sare ayaan mareynaa allaha noo siyaadsho ciidankani waa kuwii dadka iyo dalka difaaci lahaa
Saracen Puntland waxaa aad uga baqa isaaqa hawiyaha iyo xabashida waxaan dhihi karaa waa cudud puntland looga haybaysto waayo waxay aad u tababartaa dhafoor qiiq sooma jeestayaala puntland oo laga dhiso gaashaandhiga waxay guul u tahay ubadka puntlanders-ka ee iskuulada si nabada u aada maadama la xaqiijiyey amaankooda Saracen ha baacsato argagixisada iyo burcadbadeeda aafeeyey puntland cadowga jaarka la ahna haka haybaysto
xaydar xooloh mesha laga hadlayoh ma fahnsanid qabyalad aya madaxa kaga jirtah alla dholka kulagoy agtada malaig iman maysoh qabyalada iska da wanaga alla ka madobay ee horta bal akhriso mesha waxa ku qoran arintad ka hadlaysoh iyo isma lahan waxa mesha yaal xoloh ado kale iyo wax la mid aah ayy somali her la gari la.dahy umada rer buntilnd haka hortagan galadan aan khyrka wadin dalk iyo dadkaba sumaynayah nimanka rer buntilnd ilahy hanaga qabtoh galada nagu so wadah o lacgta qadanayh ilahy aya naga xijabayah masakin dulman ayan nahy kuwas sa yelayah ilahy aya malinta akhiro la xisabtamayah
shabaabka iyo dowlad diidku ha dhaceen…guul somalia iyo p/land iyo inta kaloo dowlad doonka ah oo dhan …allaha quweeyo inta wadda howsha shidaal qodidda iyo inta ilaalineeysaba aamiin!!!.
waa horumar puntland lol ciidankaan sey u labisanyihiin waa cajiib guuleysta saracen
Waa arin aad u gurucan in dhul Somaliyeed lagu aaso qashin aduunka laga soo waaridey,waana wax aan la aqbali karin,waxaana la rabaa in xilliga kala guurka uu Faroole iyo ilmahiisu sun ku aasaan Puntland.waana ifafaale muuqda oo aan indhaha laga qarsan karin,taariikhda ayaana qoreeysa,waana maamulka keli ah oo cadeeystey,ogolaadeyna in qashin lagu shubo deegaamadaan.Sida ay ku waremeen ilo-wareedyo xogogaal u ah arimaha Puntland,aadna ugu dhow maamulka,ayy ii sheegey in wasiirka abniga Puntland,Mr Khaliif Isse Mudan iyo wiilka ina faroole ee la dhaho Maxamed Faroole iyo rag Aaran jaar ka mid ahi,ay heshiis hoose ku gaareen wadanka Cumaan,laguna dhameeystirey heshiiskaas magaalada Bosaso,lagu wareejiyey lacagtii ugu horeeysey oo dhan $600,000 DollarWasiirka amniga Mr.Mudan si uu gacan adag ugu qabto dadka ka soo horjeeda shirkada SARACEN,ee qashnka ku qubeeyso,weliba uu deegaamadiisa ku soo hogaamiyo,oo ay noqoto meelaha ugu horeeya ee lagu bilaabo wasaqda qashinka haraaga ah ee ay reer yurub iyo mareeykan inoo soo xawileen.Ilaahoow dadkeena nooga sabati bixi waxa ay calooshood u shaqeeystayaasha ajaaniibta iyo kuwa Somalidi ahi la maagan yahiin.aaaammmmmmmmmmmmmiiiiiiiinnnnnnn.
maasha alaah guul ayeey gaartay puntland mar haday awooda ugu xooga weyn somaliya ay tahay maanta shacabkana dwaxaan leenahay dawladiina lashaqeeya shariifba ciidamaduu tababaro waa qabiil kiisa isagoo ciidan qaran ugu yeere guuuuuuuuuuuuul