Waqtiga uu furmayo shirka maamul u samaynta Juoobyinka iyo Gedo oo la iclaamiyay

February 11, 2013   //   Warar Somaali

Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose ayaa waxaa ka soconaya qabanqaabo ku’aadan qabsoomidda shirwaynaha looga tashanayo maamul u samaynta gobolada Jubooyinka iyo Gedo.

Waxaa gaaray magaalada ergooyin gaaraya 500-oo xubnood oo isugu jira dowladda faderaalka Soomaaliya, IGAD iyo dadka deegaanka oo ka qaybqaadananaya dhismaha maamul goboleedka Jubooyinka iyo Gedo.

Macalin Ibraahim Maxamed oo ah gudoomiyaha guddiga farsamada ee maamul u samaynta Jubooyinka iyo Gedo ayaa maanta wariyeyaasha ugu sheegay magaalada Kismaayo shirka inuu furmi doono 23-ka bishaan Febraayo.

Waxaa uu intaasi ku daray shirka inuu noqon doono isku daygii ugu dambeeyey ee maamul goboleed midaysan loogu sameeyo Jubooyinka iyo Gedo.

Guddiga farsamada ee maamul u samaynta gobolada Jubooyinka iyo Gedo ayaa ku mashquulsan soo dhoweynta dadka ka qaybgalaya shirka.

Al-Shabaab ayaa faarujiyay magaalada Kismaayo oo ahayd magaalada ugu muhiimsanayd ee kooxdu dhaqaalo badan uu kasoo gali jiray, kadib markii maleeshiyaad uu hogaaminayo Axmed Madoobe iyo Kenya oo ku biirtay howlgalka AMISOM ay ka saareen deegaano ka mid ah Jubooyinka.

Bishii Oktoober ee sanadkii hore ayaa lagu guulaystay in magaalada ay yeelato maamul KMG oo loogu magacadaray dhiig joojin, kaasi oo loo xilsaaray ka shaqaynta amaanka iyo adeegyadii bulshada u baahnaayeen sida garsoorka.

Puntland-News24.

 

COMMENTS

RSSComments (6)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. will badhan says:

    guuuuuuuuuuuuul jubbaland
    guul puntland guul jigjiga state
    wixii kanaxaa daad ayaa qaadin
    sida kuwii afka duubnaa daad ku
    qaaday ka riyoonina kismaayo
    way xorooday

  2. ismail says:

    The issue here looks like the mogadishu government is rather giving lip service to the said pple of jubaland. Over 200.00 somalis are in dire need of food,water,medicine and other basic needs but some unscruplous witches some where are against pple who put a system in kismayo and before pple regain their breath and mind,here they are coming from far distance to rob and loot the wealth and land that doesn’nt belong to them but the got the backing of the current goverment. Every one with a solitary can see the truth in this.hospitals are full of mulnutrished pple who are not able to stand by themselves and for those abit better nothing to eat forthe day so give us a break..otherwise we will be gone and we will never ran away from intruders,that is either peace or war.ismail,s.africa.

  3. Ali says:

    @ jiga jiga xoog aad leedahay kismaayo kuma jogtid Sxb. Dhul ninkii iska leh aya u haridoono.

  4. Jigjiga says:

    @ ali kismaayo maanta gacantayda ayaykujirtaa cid aan kala ta shan majirto jigjiga si xor aha ayaan oogu nool nahay dadkii isbaarada lagu quudinjiray way u dhamaatay guulaysta geesiyada raaskaanbooni@@@@@@@@@@@@llll

  5. Ali says:

    @ jiga jiga dhul aadan lagaheen hasheegan. Jiga jiga Iyo dhulalka kale laga heysto so xoreeyso. Anaga canow Iyo gumeysi ma rabno.lakinse adiga daba dhalifnimada waa wax aad u dhalatay. Marna amxar davadhilif u noqo Marna kenyaati . Inshallah waa iska qabaneenaa dadka noocaada camal. Jubooyinka nin aan somali aheen oo aan gobolada ku dhalan maka talinaayo.

  6. Jigjiga says:

    Saan rajay nayno mamulkan jubooyinka waxu noqon doona kii lagu nastee umada bar waaqo u hor seeda sheekh axmed islaam waa nin falxad aha mee shuu cagta saara way sii hagaagaysaa guuul Jubaland @@@@@@@@@@@

Leave a Reply