Golaha Samata bixinta xaaladda kala guurka Puntland oo Qardho lagu dhisay [Sawiro]
January 8, 2013 // Warar SomaaliShir ay ka soo qeybgaleen Nabadoono,Mas’uuliyiin horey xilal kala
duwan ka soo qabtay Puntland,Siyaasiyiin,waxgarad ayaa waxaa lagu
dhisay gole lagu magacaabo Golaha Samata bixinta xaaladda kala guurka
Puntland , waxaana laga soo saaray Qodobo badan oo muhiim u ah aayaha
mustaqbalka Puntland.
Golahaan ayaa waxaa ka hadalay Mas’uuliyiin kala duwan waxa ay ku
dheeraadeen Marxalada ay mareyso Puntland sidii lagu soo aas
aasay,Xiligii la doortay Dowladda haatan ka talineyso Puntland,sida
isimada ay ugu aamuseen xaaladaha adag ee ka jirto Putland,Amaanka iyo
sidii loo hormarin lahaa Puntland.
Shirkaan ka dhacay maanta magaalada Qardho ayaa waxaa laga soo saaray
qodobo badan oo ku aadan Xiliga kala guurka ay ku jirto Puntland,waxaa
laga hadlay xariga loogeystay muwaadiniinta reer Puntland,Caburinta
xoogan ee lagu haayo Saxaafadda Madaxa Banaan.
Golahaan ayaa waxaa laga sheegay In Puntland aan la gaarsiin
Dimoqraadiyada Xorta ah,In shacabka la diiwaangalin,in aan la dhisin
Golaha Isimada,in hab nidaamka furfurnaanshaha aysan ka jirin Puntland
waxaana muuqata in ay sii korartay caburinta,Bahdilka,Hanjabada ka
dhanka ah Shacabka Nabadda jecel ee Puntland iyo in dowladda xiligii
la doortay ka dhamaatay Maanta wixii ka danbeeyana Dalka ay ka
talindoonaan Golahaan cusub ee lagu dhawaaqay,Maadama xukuumada ay ka
biyo diiday in waqtidii la doortay ay ka dagto xilka.
Waxaa kulankaani Baaq loogu diray Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka
Somaliya,Qaramada midoobay,Ururada Caalamiga in ay indho gaar ah ku
soo eegaan Puntland xiligaan la joogo ,maxaa yeelay waxa ay Puntland
ku jirtaa Xalad siyaasadeed oo aad u adag.
Golahaan ayaa waxaa lagu wadaa in shirar kala duwan ku qabto Magaalada
Qardho waxaana la filayaa in ay ka soo qeybgali doonaan Siyaasiyiin
Caan ka ah deegaanada Puntland oo maalmaha soo socdo lagu wado in ay
soo gaaraan magaalada Qardho.
Barnaamijka oo maqal ah iyo khudbadihii laga jeediyey goor dhow naga filo.
SAWIRADA DAAWO:

















Umada reer puntland waxan oran laha
Odayaal yey danahooda idinku qaribin
O danahina ka raacda
Maxa yelay arintu waxa ay tagantahay
Oday ka qaad oday u dhiib. Kan xilka ku dhegan iyo kan kadaba cararaye wax ba isma dooriyaan adinkana dad isla dhashay ba tihin nabada dhulka ka jirtana somali o dhan ayay dan ugu jirata teda kale 1 sano waxba maha ay shababku yay dulduleel ka helin mesha adeeryala shabab madan arkin weli faroole ayad ka qeylineysaani wad arki doontan qoomka waxa ay falan hadi ad so dhaweysataan dowlad xun dowlad la’an bey dhantaye somali tirahdaa wa taladi fro sh/ dhexe balcad
hawl wangsan aya la qabtay lkn waxa horyaal caqabada aad u weyn oo u baahan in si qota dheer looga fiirsado looma baahna sal fudayd
Waan soo dhoweynayaa gudiga badbaadadda Puntland( Allaa wax badbaadsha) hiil iyo hoona waa isla garab taagaynaa, Puntland waxay ku jirtaa xaalad halis ah waxay ku sugan tahayna waxaa soo koobay nabadoonka Yaasiin ee Gaalkacayo press converence ku qabtay, nabadoonada Shilimada ilma Faroole u yaacinayaan iimaanka alle hakusoo celiyo, baadilka ay shilinka ku taageerayaana haka tawbadkeeneen xaqana ha u hiiliyeen.
kkkkkkkkkkkkkkkkkk yac viva mucaaradka
wali anigu uma jeedo ragii qardho wax laga waydiin jiray ayaga iyo aabayashood,sidaa daraadeed waxaan rumaysnahay qardho ragii bud dgiga u ahaa waa muxaafid,ragaasi waa kuwii c/lahi yusuf ku shiday waa kuwo miisaan wayn ku leh bulshada puntland mana hayo xagay aadeen??????????
ninkii iska hadlayaaba ha iskahadlee illeen xalay roobkii baa da,ay mindheen waydaan khayr ka helin gudi kusheega aad doorateen reer qardhoodoow
Waan Soo Dhaweyneynaa Hadaan Nahay Dhalinyarada Puntland
Golaha Samata bixinta xaaladda kala guurka
Puntland
???? ????? ???????
The National Salvation Front
Waan soo dhowaynaynaa golaha samata bixinta illahayna waxan uga barin inuu howshooda la qabto.
WAXAAN LA YAABANAHAY HADII AYNU NAHAY REER QARDHOOD GOORMA AYEYNU WAX HAGAAJINAYNAA?
WAXAA CAD INAYNU MASUUL KA AHAY DHIBAATOOYINKII KA DHACAY PUNTLAND? HADEERNA MEESHA KELIYA OO FOODADA IYO QALALAASUHU KA SOCDAAN PUNTLAND WAA QARDHO, WAXAA TAAS KA SII DARAN FOODADA WAXAA HOR SEEDAYA QAYBAHA KALA DUWAN EE BULSHADA KU NOOL QARDHO HADII AY AHAAN LAHAYD SIYAASIYIIN,NABADOONO,DHALINYARO,HAWEENKA.
WAXAASU INAMA QABTAAN XAASHAAKULILAAAH AYNU WAXAAS ISKA DAYNO WAA DHAQAN FOOLXUNE OO AYNU WALAALEHEEN DHINAC KA RAACNO.
Waxaan aad iyo aad u soo dhowaaynaya shirka waxagarka Puntland uga socda Magaalada Qardho iyo Gudiga Samatabixinta Puntland,Ee Looga dhawaaqaay magaalada Qardho waana la shaqaaynaaynaa meelaan joognaba.