War murtiyeed Beesha Shanaad(Sawiro)

July 11, 2012   //   Warar Somaali

Annagoo ah oday dhaqameedyada iyo waxgaradka Beesha shanaad waxaan soo jeedinaynnaa Bayaanka hoos ku qoran: 

1. Annagoo tixgelinaynna xaaladda Somalia ay maanta marayso iyo baahida loo qabo inay dhalato Dawlad rasmi ah oo ummadda Somaliyeed ka gudbisa marxaladdan adag oo hadda lagu jiro ayaaan go’aansannay:

 

  • · Inaan laga hor iman soo jeedinta Dasturka, loona gudbiyo Ergooyinka si ay u ansixiyaan

 

  • · Inaan soo gudbinno xubno tayo aqooneed iyo waaya aragnimo leh oo ka mid noqda Baarlamaanka marxaladdan cusub la kowsanaya.

 

2. Sida qof walba oo Somali ahi agyahay, Umadda loo yaqaan BEESHA SHANAAD kama tira yara Beelaha kale ee Somaliyeed. Hase ahaatee waxay degganyihiin degaamada Somalia oo dhan, mana jiro gobol ay iyagu aqlabiyadda yihiin. Waxaa nalagu magacaabaa inaan nahay Beesha Shanaad, haddana markii wax qaybsi yimaado waxaa naloo raacaa nidaamka 4.5. Taasi waa xaqdarro bareer ah oo loo geysanayo Beel ka mid ah beelaha Somaliyeed. Sidaas darteed waxaa Beeshu soo jeedinaysaa:

 

  • · In, si aan loogu xad gudbin xuquuqdayada, Beesha Shanaad loo qoondeeyo qaab ay ku hesho xuquuqdeeda laguna caddeeyo Dastuurka hadda la qorayo. Haddii aan sidaas la yeelinna, Siyaasad Beesha Shanaad ka qayb qaadato waxaa ugu dambaynaysa muddada uu shaqaynayo Dastuurka Kumeel gaarka ah. Taasina waxay meel ka dhac ku tahay xuquuqdayada baniaadamnimo.

3. Umadda loo yaqaan Beesha Shanaad waxay soo martay taariikh dheer oo caddaalad darro, duudsi iyo dhibaatooyin kale oo badan leh. Taasina waxay dhaxal siisay inayna helin xuquuqdooda dhinac kasta, gaar ahaan waxbarashada iyo shaqooyinka Dawladda. Sidaas darteed waxaan soo jeedinaynna:

  • · In Beesha Shanaad loo sameeyo barnaamij cawil celin ah si wax looga saxo caddaalad darradii muddada dheer lagu samaynayey gaar ahaan tan iyo intii aan xorriyadda aan qaadannay il gaar ahna lagu eego dhinacyada waxbarashada iyo shaqooyinka Dawladda.

Ugu dambayntii, waxaan ummadda Somaliyeed iyo Beesha Caalamka ka codsanaynna in aan lagu gabood falin xuquuqda Beesha Shanaad oo aan laga dhigin ka qaybgalkayaga siyaasadda mid HAL MAR AH oo ku eg markii marxaladda Dastuurka Kumeel gaarku dhamaato.

Waxaan ku raja waynnahay in codsigayaga wax laga qabandoono.

 

Mahadsanidin

COMMENTS

RSSComments (1)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. ahmedpunt------------ says:

    runtii waa saxanyihiin waayo waa dad aay kadhabtahay rabitaanka inay helaan dawlad aan ahayn kumeel gaar inta kale waa intii fahamku kalumay oo aan garanaynba xaalka soomaaliya meeshuu kusocdo ,waxaansse talo kusoojeedin lahaa in dawladdu katashato odayaasha oo tastuurka meel mariso oo waqtiga yarkaa loogudbo doorashooyinka iyo dawlad dhaba oo waddanka kasaarta khatarta dawlad la’aanta ,oo markaas dawladda cusub oo imaanaysa ogoosto waa inay tastuurka saxdaa waxii kadhimanna aay ku dartaa ,waayo waa dawlad awood ku leh adduunka oo kabadalan midda haddaa….sc

Leave a Reply