Puntland oo war ka soo saartay khasaarihii roobabkii da’ay geysteen

October 28, 2012   //   Warar Somaali

Roobabkii ka da’ay Goballada Puntland dhowrkii maalmood oo ugu dambeysay ilaa iyo xalay [27 Oct. 2012] ayaa geystay khasaaro isugu jira naf iyo maal intaba, sida:

Degmada Qandala: Dhimasho 2-qof (wiil iyo gabar); 3- Saxiimadood iyo 2-Laash oo burburay; waxaa nafwaayay 2,098-neef oo Ari ah, 63-neef oo Geel ah, iyo 70-Dameero ah; waxaa burburay 116-Guri oo 4-guri oo ka mid ah ay leedahay Dowladda Puntland; wadaduna way xiran tahay.

Degmada Boosaaso: 6-buundo oo go’ay;

Degmada Beyla: 1-Laash oo burburay iyo 3-Cariish oo dumay;

40-guri oo khasaare soo gaaray oo isugu jira dildilaac iyo burbur; waxaa xoolo farabadani ku dhinteen tulooyinka kala ah Dhudhub, Ceel Dhidar, Kulule, iyo Qoton.

Degmada Xaafuun: Dhimasho 2-qof oo Kulluumaysato ah oo la kala yiraahdo Marxuum Kalaay Cali Cambare iyo Marxuum Kolkooli Cabdullahi Siciid Amiin; 12-Cariish oo dumay; inta ud dhaxaysa tulooyinka Mareer ilaa Noodir waxaa ku nafwaayey xoolo badan oo aan tiradooda rasmiga ah lahayn, wadaduna way xiran tahay.

Degmada Dangorayo: 5-guri oo dumay; ilaa oo 200-Qoys baa qiyaastii 8,000-neef ka dhinteen; sidoo kale, xoolo u badan Ari ayaa ku nafwaayey tuulooyinka Suuj iyo Xaaji Kheyr.

 Puntland News-24

COMMENTS

RSSComments (1)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. Run sheeg says:

    Cabdi weli halla weydiiyo inuu khasaarooyinkaan dhacay wax ka qaban karo oo uu dhowladdiisa dadka kaalmo u weydiiyo.

Leave a Reply