Wararkii u dambeeyey ee dagaalada kasocda magaalada Kismaayo
September 28, 2012 // Warar Somaali
Xaalada magaalada Kismaayo ayaa ah mid dagaal iyo duqaymo hareeyeen, kadib markii magaalada ay gudaha u galeen ciidamada huwanta ah, kuwaas oo kulaalaya hareeraha magaalada iyo gudahaba.
Boqolaalo ciidamo ah ayaa gees kasoo galay magaalada, iyada oo ay caawinayaan maraakiibta dagaalka iyo diyaaradaha dowlada Kenya oo si weyn u qaraacaya fariisimaha Alshabaab ku leeyihiin Kismaayo.
Halka loo yaqaan Janaay Cabdalla, halkaasoo Ciidamada huwanta ee aagagaas ku sugnaa ay soo dhaqaaqaan, waxaana dagaalka ku wajahan magaalada Kismaayo uu yahay mid labo jiho ah.
Ciidamada Huwanta ayaa dhinaca badda magaalada u jira ila 6-KM, halka duleedka magaalada gaar ahaan deegaanka janaay Cabdalla oo la sheegay inay ka soo dhaqaaqeen Ciidamada ay magaalada u soo jirsadeen ilaa 40-KM.
Kooxaha Al-shabaab oo wali wada dagaalo naf la caari ah ayaa magaalada kusoo daabulaya ciidamo gurmad ah, inkastoo ciidamada huwanta ah ay kala jareen gurmad Alshabaab, hadana dagaal yahanada Alshabaab waxay ku jiraan dhufeyso adag oo maalmihii u dambeeyey ay ka samaysteen magaalada.
Goobta loo yaqaan Canjeel waxaa iyana soo gaaray lana filayaa in magaalada Via Afmadoow ka soo galaan. Waxaa sidoo kale jira qorshe xaga hawada ciidamada looga daabulayo lana geeynayo hadba meeshii muhiim loo arko si loo kala go’doomiyo ciidamada Shabaabka ee ku kala firirsan duleedka Kismaayo. Istiraatiijiyad cusub ee ciidamada is huwanaya la yimaadeen ayaa jahwareer ku riday saraakiisha Shabaabka oo ay ku adag tahay in ay u tabaabusheestaan ama ay fahmaan hab dagaaleedka ciidamadan is garabsanaya.
Askarta huwanta ah oo ay ku jiraan ciidamada Somalida ayaa waxaa ka go’an inay maanta soo afjaraan dagaalada, iyagoo si weyn u duqeynaya fariisimaha Al-sahbaab ka samaysteen magaalada.
Puntland News-24



kismaayo waa la yaqaanaa dadka iska leh kablalaxa sheegeyso ayagooo qaxooti kilinka shanaad gaajo ku dilaneyso maxamed siyaad bare soo dajiyay jubooyinka marka waxaas socon meyso shekada qiyaaliga iska dhaafa
asc wr wb dhamaantiin iyo Jimca wacan. Annigu waxay ila tahay waa khayr in laga saaro Al-shabaab dhulka Jubada hoose qaasatan Kismaaya maxaa wacey Al-shabaab waa fidnada ugu weyn ee hor istaagan in Somaliya hesho dawlad. Haddan usoo noqda labadaan nin wiilka labaxay wiilsade iyo midka wata Khaatima walaalayaal hal sheey ogaada Somaliya maanta waa federal ruux waliba dhulkiisa ayuu dhisan, qabiil walibana dhulkiisa buu joogi uu dhisan, Kismaaya waxaa degan oo xaq uleh Beesha kablalax qaasatan Beesha Absame iyo Harti haddii aan runta kuu sheego. Waa too maalin dhaaweyd al-shababa yiraahdeen waxaa idinku soo duuley beesha kablalax halkaa waxaa kaaga cad al-shabaab ma ahan dad diin wada waa qabiil kusoo duuley kismaaya. Haddana kuu cadeeyo al-shabaab waa beesha hawiye iyo isaaq iyo raxanweyn oo doonaya inay dhulkooda ka qixiyaan dadkii lahaa taana socon meeyso. Waa taad ogeyd in Sh Sheriif yiri dhukaa Kismaaya hawiyaa leh. Markii haddii xaqa loo noqda maanta ruux waliba oo soomali ah dhulkiisa buu ka talin iskuna maamuli waxaa naga dhaxeyneyo waa federalism xoogna majira iyo jujuub. Khaatima i feel sorry for them Muqdishu dhex joogaan meeshii laga rabey inay dhulkodii ka xoreystaan somaliland muqdishu ayeey dhex fadhiyaan, wiilsade adigana waxaa ku lee yahay beesha mareexaan gedo beey degan Allaha kuu deqqsiiya. Maantay waa dhamaatey qabiil qabiil umeysan karo waxaana kuu cadeynayaa al-shababa diin ma wadaan waana dad soo qaatey shaati diimeed laakinse 100% waxay kasoo jeedaan Beesha hawiye. asc wr wb
Hala tirtiro kalaabta gafuurka duuban oo dadkeeni waxana gaajo waxana gawrac u dhameeyey! Shadaadiinta shabaab iyo shisheyeha iyaga “fuula” waa inla ciribtiraa!
Shacabka somalia waxaa la quman maanta, in ay kawada hadlaan dhibaatooyinta magaalada Kismaayo sidii loogu dhamayn lahaa si nabad galyaa, sidii ciidamada agnamigaa oo labada maslaxadood oo cadaw nimadaa u duqaynaya dadka iyo magaalada Kismaayo, sidii, dhibaatada soomaalida ka daxay looga hadli lahaa si nabad galyaa, oo dhamaan mas’uuliyad isaga saari lahaayeen, badbaadada dadka iyo dalka somaliyeed.
Waxaan kula talin lahaa mas’uuliinta Puntland in ay si gaara u eegaan dhibaatada Kismaanyo.
W.Kh