Wararkii u dambeeyey ee doorashada: is-xulafaysi iyo kala iibsi xildhibaano oo Xamar hareeyey
September 9, 2012 // Warar SomaaliMagaalada Muqdisho waxaa maanta ka jira jawi ka bedalan sidii hore, iyadoo Muqdisho si weyn looga dareemayo doorashada maalinimada berito ah dhici doonta, iyadoo ay ku loolamayaan tartanka 25 musharax.
is xulafaysi ayaa Muqdisho haatan ka socda iyadoo wararkii ugu dambeeyey aanu ka heleyno xarumaha musharaxiintana sheegayaan in in C/Wali Gaas iyo Xasan Sheekh Maxamuud in ay yeesheen Kulan Qarsoodi ah oo labada nin isku kaalmeysanayaan, maadaama Sheekh Shariif uu xaqiiqsaday taageero balaaran oo uu ka helay Shariif Xasan gudoomiyhii hore ee Baarlamaanka.
Dr. Gaas iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xog hoose sida ay sheegeyso ku heshiiyey sidii ay codadka isugu shubi lahaayeen hadii midkood wareegyada soo socda uu ka haro, sidoo kale waxay isla meel dhigteen balan qaadyo iyo heshiisyo hoose oo xilal ku jiraan hadii midkood uu guuleysto. Xasan Sheekh waa nin kasoo jeeda beesha madaxweynaha ee Abgaal waa nin saamayn ku leh dhaqdhaqaayda siyaasadeed ee Xamar ka socda.
Dhaqdhaaqyo kale ayaa sidoo kale waxaa Muqdisha ka wada Maxamed C/laahi Farmaajo oo hada sida lasoo sheegayo qorshe is xulafeysi ah la wada C/laahi Axmed Cadow.
Sidoo kale Al-Xaaji Maxamed Yaasiin ayaa isagana la sheegayaa inuu wado olole balaaran, isagoo khudbadiisii shalay ku sheegay in musharaxiintii isaga u tanaasushay ay ahaayeen rag uusan ilaawi doonin oo taariikhda xusi doonto, balse wuxuu ku daray in albaabka tanaasulka isaga loo samaynayo uu wali furan yahay, sidaa daraadeed uu soo dhoweynayo ciddii kale ee u tanaasulaysa, waxaana durababa taasi ka jawaabay dhowr kale oo musharax oo raba inay isbahaysi la samaystaan Xaaji Maxamed Yaasiin.
Dhanka kale Musharixiinta ayaa hada Magalaada ka wada ololihii ugu dambeeyay ee Doorashada iyagoona magaalada u kala diray dalaaliin iyo rag iyaga u gaar ah oo u qaabilsan ololaha si ay usoo kasbadaan codad hor leh ay ku tashan karaan Maalinta berito ah in ay helaan.
Qiimaha lakala siisanayo Codka ayaa maanta maraya heerkii ugu sareeyay walina ma cado qiimaha Codka lakala siisanayo inkastoo la tilmamaayo in ay tahay lacag aad u fara badan oo ugu yaraan Xildhibaanada hadii lasiiyo ku qanci karaan.
Qaar kamid ah Musharixiinta ayaa dhankooda si xowli ah xarumahooda uga wada ololaha iyo kasbashada Xildhibaanada iyagoo kulamo gaar ah la qaadanaya qaar kamid ah Xildhibaanada si ay kalsooni uga helaan una balan qaadaya jagooyin iyo balan qaadyo kale oo u cuntami kara.
Waxaa Xiligan Munaasabad aad u balaaran oo lagu taageerayo Musharaxnimada Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed kasocotaa Hotel City Plaza ee Degmada Cabdi Casiis Gobolka Banaadir, iyadoo adduun lacageed oo faro badan lagu kharash gareynayo xafladan.
Munaasabada oo ah mid aad u balaaran laguna tilmaamayo tii ugu balaarneed ee Mudooyinkan ayaa waxaa ka qeyb galaya R/wasaare hore Cali Maxamed Geedi, Xildhibaano iyo marti sharaf badan oo taageeradooda u muujinaya Sheekh Shariif. Waxaana ka hadli doona geba-gabada Sheekh Shariif oo maanta un ay ka xigto in mar kale loogu yeero magaca uu aadka u jecel yahay ee “Madaxweyne”
Lama saadaalin karo halka arrimaha doorashada ay ku dambayn doonaan, iyadoo si weyn loo eegayo bal cida kusoo baxda hogaanka dalka Somalia, oo majaraha dalka heyn doonta mudada afarta sano ee soo socota.
Puntland News-24



asc dhamaan umada somaliyeed meel ay joogaanba bacda salaan kuwaan waaa tuugo umada somaliyeed u tashaday ilahay dhib kooda hanaga badbaadiyo khayr masoo wadaane
Warsame Amiin Alleh ha inaga qabto tuugadaan ummadda isbaarada u dhigate. Kan noogu kheyr badan talada noogu dhiibo Amiin
ILLAHAYOW Kuwan naga qabo waa 3dii Tuug ee umada wixii loogu tamarucay dhacay.