Wararkii u dambeeyey ee doorashada iyo khilaaf wali ka taagan xubno Baarlamaan

August 31, 2012   //   Warar Somaali

Guddiga doorashada ayaa ku dhawaaqay in doorashada Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya la qaban doono 10-ka bisha Spetember oo ku beegan maalin Isniin ah.

Guddigu waxa ay sheegeen in ay qaban doonaan araajida dadka u sharaxan Madaxweynaha Soomaaliya, 3 bisha ilaa 6 September.

Ilaa hadda, in ka badan soddon Soomaali ah ayaa sheegay inay u taagan yihiin doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

Dhanka kale Waxaa soo shaac baxay khilaaf u dhaxeeya Gudoomiyihii xiligiisu dhamaaday ee Maxkamada sare iyo Gudoonka Cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya ee Dhawaan lagu doortay Magaalada Muqdisho.

Khilaafka labada Dhinac ayaa ka dhashay dib usoo celin ay Gudoonka Baarlamaanka kusameeyeen Xubno kamid ahaa ragii Maxkamada sare ee Dalka u xukmisay in ay kamid Noqdaan Baarlamaanka Soomaaliya kadib markii ay horey usoo celiyeen Gudiga Farsamada.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof Jawaari ayaa shalay dib usoo celiyay afar kamid ah Xubnihii Maxmakada sare u go’aamisay in ay kamid Noqdaan Baarlamaanka kadib markii Xubnahaasi xubno kale horey Gudiga Farsamada ugu badaleen una sameeyeen Kaararka aqoonsiga.

Gudoomiyaha Maxmakada sare ee Dalka Abuukaate Ceydiid Ilko Xanaf ayaa sheeagy in Gudoonka sare aysan ka ho imaan Karin Go’aanka Maxkamada sare ee Dalka ayna ku dhisan yihiin Gudoonka Baarlamaanka qaab sharci daro ah.

Abuukaate Ceydiid waxa uu sheegay in Gudoonka sare uusan isagu dhaarin sidaa darteedna ay ku dhisanyihiin sharci daro, qaabka ay hada u shaqeeyaana ay tahay si aan sax aheyn ,waxa uuna xusay in aysan jirin cid kahor imaan karto go’aanka Maxkada sare gaarto.

COMMENTS

RSSComments (1)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. Mahamed says:

    Ninkan siilanyo ha u tago anga yuu nagu xukumin
    konfor anigo waxaan la yaabanahay nimanka waqooye aan tagikarin nimanka wax u dhiibanaya
    oo weliba in ay ku xukuman raba. Haweye asaga
    meeshas is dhigay markii ay idor u soo adeegsadeen (Ahamed gudane)oo shabaab u madax
    ah iyo ilko xanaf oo yiri maxkamada anaa idin
    saaraya.cajiib.

Leave a Reply