Warbaahinta Maamulka Faroole Ma Ku Fashilmeen Fariimahooda ? [Faalo]

January 11, 2013   //   Warar Somaali

Qoraalkeyga waxaa jeclahay in aan iftiimiyo xaqiiqda dhabta ah ee looga baahan yahay Warbaahinta iyo weliba sida ay warbaahinta mar mar uga qeyb qaada karto in uu dhaco iska horimaad iyo weliba in dal dhisan dadkiisa loo horseedo bur bur iyo kala yaac, taasina ay tusaale noogu filan tahay sidii fosha xumeyd ee Warbaahintii Dalka Rwanda ay u horseeday in dalkaasi 1994tii uu ka dhaco Xasuuq aad iyo aad u xumaa.

Waxaa qoraalkan idinku istiimin doonaa xaqiiqda dhabta ah ee ka jirta gudaha dalka gaar ahaan Puntland, taasi oo dadka qurba joogta ah ee reer Puntland ay noqtay wax ay la yaabaan qoraalo ay mudooyinkii dambe shaacinayeen websiyado ay leeyihiin wiilal uu dhalay Cabdiraxman Faroole.

Xasuuqii Rwanda ee Saxaafadda

Xasuuqu wuxuu bilaabmay 4-tii april sannadkii 1994kii ka dib markii dhulka la soo dhigay diyaarad ay la socdeen madaxweynahii waddanka Rwanda Juvenal Habyarimana, iyo Madaxweynahii waddanka Burundi Cyprien Ntaryamira, oo labadooduba ka soo jeeday qabiilka Hutu-ga, Hutu-gkii asal raaca ahaa ayaa iyaga oo adeegsanaya Idaacado gudaha dalka Rwanda ku yaalla waxay baraarujin iyo dhiiri gelin badan ku sameeyen dadka iyagu asalkoogu Hutu-ga ka soo jeedo sidii loo gumaadi lahaa dadka Tutsiga ah, waxaa ciidamo iyagu ahaa qabiilka Hutu-ga iyo maleeshiyooyin taabacsana ay weeraro ku qaadeen goobahii ay degenayeen Tut-siga laga tirada badanyahay.

Xasuuqu wuxuu bilaabmay 7:00 subaxnimo 4 april 1994-kii iyaga oo Tut-siga loogu tegay guryahooda, goobaha ganacsiga, waxaa weliba loogu gallay meelaha lagu cibaadaysto sida kiniisadaha, iyaga oo loo gawracay raxan raxan, muddo saacado gudahood ah ayaa waxaa lagu xasuuqay dad tiradoodu kor u dhaafayso 800,000, oo qof, xasuuqu ha u badnaado xarunta waddanka Rwanda ee Kigali, koonfurta beri ilaa koonfur galbeed ee waddanka Rwanda.

Xasuuqaasi kuma uu ekayn oo qudha dadka Tutsiga ah balse waxaa la gumaaday oo kale dad mutacalimiin iyo siyaasiyiin iyo ganacsato iskugu jiray oo asalkoogu kasoo jeeday isla qabiilka Hutuga ee wax gumaadayey, muddo yar ka dib ayaa xarunta qaramada midoobay ee New york waxaa iskugu yimid golaha amaanka oo go’aan ku gaadhay in dalka Rwanda loo diro nabad ilaaliyeen iskugu jira France, Germany, belgium iyo maraykan ah.

Theoneste Bagorosa
 oo ahaa Madaxii ciidamada dalka Rwanda ahaana ninka isagu ka danbeeya xasuuqa loo gaystay dadka aan waxba galabsan ayaa henjabaad u diray dadka Tutsiga ah ee degen waddanka Burundi in sidaa iyo si ka daran loo gumaadi doono, waxaa kale oo uu ninkaasi henjabaad u diray Hutuga ka soo horjeesta hawgaladiisa inaan loo midaan dayi doonin.

Warbaahinta  Faroole

Waxaa wax aad looga xumaado ah in hadii dadku ay ku kala duwan yihiin fikrada in la sameeyo warar been abuur ah oo isla markaana ah kuwa dacaayad meel ka dhac iyo weliba iska horimaad keeni kara, taasin loo baahan yahay in ay ka fogaadaan websiyadda u shaqeeya Faroole.

Dhawaan waxaa barta Internetka ay ku shaaciyeen Wiilal uu dhalay Faroole qoraalo ay wax kaga sheegaan Musharaxiinta xilka Madaxweynaha Puntland oo kala ah Prof. Cabdiraxman Maxamed Gablax iyo Gen. Cabdilaahi Siciid Samatar in ay wareysi siiyeen warbaahin ay leedahay Al-Shabaab, taasi oo qoraaladda iyo wareysiga uu ahaa mid aan is laheyn.

Qoraaladdaasi ayaa ahaa kuwa meel mugdi ah ka geli doona jirtaanka Puntland, miyeeysan ogeyn in dadka ay isku noqon karaan Mucaarad mise hadii mucaarad leysku noqdo waa in la sameeyo been abuur, iska horkeen iyo bur bur sababa dagaalo ka dhaca Puntland,  sidii ay sameyn jireen warbaahintii dalka Rwanda xilligii dagaaladda ay ka dhaceen dalkaasi.

GOOGLE.COM MIYAA SHABAAB NOQDAY

September 4, 1998 ayaa Google.com waxaa hawada soo geliyey Aqoonyahano u dhashay dalka Mareykanka kuwaas oo la kala yiraado Larry Page iyo Sergey Brin waxna ka bartay Jaamacadda Stanford University oo ku taal  Stanford, California.

Waxaa xaqiiq ah in warbaahinta Qoraaladda, Codadka, Sawiradda iyo Muuqaaladda la duubo ay galaan aaladda loo yaqaan GOOGLE taasina hadii laga helo sawiro,cod iyo weliba muuqaalo aysan aheyn in dadka loo leexiyo meel kale oo la soo qoro qoraalo been abuur ah, Sharciga Saxaafadda iyo kan Puntland meel cad ayeey ka istaageen in la sameeyo been abuur, taasina waxaa looga baahan yahay in ay marka hore ilaaliyaan Caruurta Madaxweynaha wakhtiga ka dhamaaday Faroole dhalay ee iska leh warbaahinta garoweonline.com iyo webka daacada u ah iyaga ee puntlandi.com.

Laaluushka Websiyadda

Waxaa xaqiiqo ah in Faroole uu adeegsado dhalinyaro reer Puntland ah si uu ugu gaaro dantiisa shaqsiyadeed, dhalinyaradaasi oo intooda badan Saxaafadda soo galay mudo aan fogeyn ayaa waxa ay dantii guud ee Diinta,Dalka iyo Dadka dhaafsadeed Laaluush(Corruption)  iyadda oo ay intaasi sii dheer tahay in ay jiraan websiyo yar yar oo faafiya been iyo been abuur kuwaas oo Bishii wiil uu dhalay Madaxweynaha Puntland u qorsheeyay $150 dollar oo ah Laaluush.

Sida ku cad Warqad Madaxweyne ku xigeenka Puntland ee wakhtiga ka dhammaaday Cabdisamad Cali Shire uu u qoray Wasaaradda Maaliyadda ee maamulka Puntland, taasi oo soo baxday 25-Dec-2012  tixraac ah MWK/DPS/762/2012, ayaa waxa ay xoojisay in Qoraaladda warbaahintaan ay shaaciyeen ayaa yimi dhowr maalmood ka dib markii warqad  ka soo baxday Xafiiska madaxweyne ku xigeenkii hore ee wakhtiga ka dhammaaday ee Puntland uu ku codsanayo in lacago la siiyo warbaahinta qoraaladda shaacisay. HALKAN KA AKHRISO WARQADAAS.

Musharaxiinta oo beeniyey

January 10, 2013 oo ah maalin khamiis ah ayaa Gen. Cabdilaahi Saciid Samatar iyo C/raxmaan Sh. Maxamed Xasan (Gablax) oo ka mid ah musharaxiinta xilka Madaxweynaha Puntland ayaa iska fogeeyey eedo uu u jeediyay madaxwayanaha Puntland.

Qoraalo lagu qoray websiyadda ay leeyihiin wiilal uu dhalay Madaxweyne Faroole taasi oo ku saabsan xiriir inuu ka dhaxeeyo siyaasiyiinta Puntland iyo kooxda Al-Shabaab. HALKAN KA AKHRISO QORAALKA 

Waa Kuma Cabdiraxman Gablax?

Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed (Gablax) waa aqoonyahan waa qoraa waxa uuna ka soo jeeda Gobolka Mudug,  waxa uu degan yahay dalka Canada, magaalada Toronto, waxa uuna yahay Musharax u taagan xilka Madaxweynaha Puntland, Gablax waxa uu wax ku bartay dalalka Maraykanka, Canada, iyo England.

Prof.Gablax waxaa lagu xasuustaa in uu yahay qoraa qoray buuga loogu magac daray “Managing Failure on the Road to Success” kaas oo in badan ka hadlaya sidii loo dhisi lahaa xukuumad si cilmiyaysan ugu shaqaysa shacabkeeda, buugaan ayaa waxa uu 23 Sep 2012 ku daah furay Magaaladda Kampala ee Caasimadda Dalka Uganda. HALKAN KA AKHRISO DAAHFURKA BUUGA.

Gablax siyaasadda ahaan waa nin fur furan, dadka yaqaan waxay sheegeen in uu yahay nin leh karti iyo dadnimo, waxa uuna hadda wadaa qorshe uu doonayo in uu ku badbaadiyo Puntland, waxa uuna mar walba ka shaqeeyaa sidii Puntland u noqon laheyd mid guuleeysta.

Waa Kuma General Samatar?

Gen.C/laahi Siciid  Samatar waa musharii ugu horeyay ee ku dhawaaqa in uu u sharax yahay Madaxweynaha Puntland waxa uu ka soo jeeda Gobolka Bari, Waa sharci yaqaan ka tirsan Ciidanka Booliska Aduunka ee loo yaqaan INTERPOL, 1974 ayuu Sharciyadda ka bartay Jaamacadda Umadda ee Muqdishu, Isla sanadkii 1981 ayuu waxa sidoo kale waxbarshadda herka Master of Criminal Panel Law ku diyaariyey dalka talyaaniga, waxa uuna inta badan aamisan yahay in sharciga uu yahay midka keliya ee dadka kala haga.

Cabdilaahi Siciid  xilal kala duwan ka soo qabtay degaanada Waqooyi galbeed Soomaaliya, oo ay ka mid ahaayeen Taliye xigeenka qeybta Booliska Gobolka Banaadir ka noqday 1972, General Samatar waxaa uu Hogaanka isgaarsiinta Booliska uu ka qabtay Ciidankii Booliska Soomaaliyeed, isaga oo sidoo kale noqday isla xilligaas Masuulka ugu sareeya Hogaanka Caafimaadka Qaranka, iyadoo Duqa degmadda Cadale ee Koonfurta Soomaaliya mar loo magacaabay isaga oo saddex sanno mayor ka ahaa.

1998dii waxa markii dowladii dhexe bur burtay AUN Madaxweyne Cabdilaahi Yuusuf u magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland, xilligaas oo uusan jirin haba yartee wax ciidan dowladeed ah, Samatar ayaa ku guuleystay in uu dhiso ciidanka, wixii intaas ka dambeeyay waxa uu Wasiirka Amniga ka noqday xukumadihii kala dambeeyay ee Gen. Cadde Muuse  iyo tan hadda xilka ka dhammaaday ee Dr. Cabdiraxman Faroole. HALKAN KA AKHRISO TAARIIKHDA SAMATAR.

Dadka reer Puntland ayaa ku tixgeliya in uu yahay ninkii keliya ee ka shaqeeyay Amniga Puntland, waxyaabaha aan la ilaawi ayaa ka mid aheyd sidii uu ugu guuleystay Jan 7, 2009 in si amni ah ay u dhacdo doorshadda Madaxweyne ee wakhtigaas, iyadda oo warbaahinta arimahaasi wax ka qoray ay ka mid aheyd Warbaahinta Garoweonline.com oo uu leeyahay wiil uu dhalay Cabdiraxman Faroole. HALKAN KA AKHRISO.

Gabo gabo

Ilaalinta anshaxa saxaafada waa Sidii aad u gudan lahayd shaqadaada saxaafadadeed una badbaadin lahayd xuquuqda bulshada inteeda kale, Waxaa kula dardaarmayaa warbaahinta caadeystay laaluushka iyo weliba been abuurka in ay dhowraan sharafta iyo anshaxa Saxaafadda, Ogaadana in ay u madax banana yihiin in ay sameeyaan baaritaan iyo weliba in ay soo bandhigaan xaqiiqda jirta.

Warbaahinta waa tii dalka hagto waa markii ay  daacad tahay, ka fogaato Laaluush kaasi oo loo yaqaan Sharuur  maxaa yeelay Saxaafadda hadii ay laaluush qaadato waa mid  sumcada xumo ah,  kuwa aan soo sheegay waxa sharaftii ka qaaday Laaluush waayo horaa waxaa loo yiri Af wax cunay xishoo.

Hadii aan wax khalday naftayda iyo shaydaan ayeey ka ahaatay, wixii aan asiibay oo toosiyayna waxay ka sugnaadeen xagga Allaah subxaanahu watacaalaa iyo rasuulkiisa NNKH.

Yuusuf Hajji
Puntlandnews24
Editorial Team
yusufhaji4@gmail.com

COMMENTS

RSSComments (10)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. Farah casaro says:

    Ani waxaan aad u fahmi la, ahay puntland news 24 waxay noqotey iyaga iyo horseednet media wax laga yaqyasoodo oo u soo tafa xaytey Inay umada isku diraan Laakiin waad fashilanteen Madexweyne Faroolena maanta inta badan dadku isagay taageersan yihiin iyo Kuwa aad meesha ku soo qorteen lakiin hadii dadka iyo dalka uu qiimo idiin leeyahay fitnada iri ka idin ku eg iska daaya dalka waan u dhalaney dadkayagii baa degan anagaa hadeer ka nimi saad wax u qoraysaana waan wax aad ula yabey in aad wadanka wax ku leedihiinba ma aad moodid Faroole beri buu tagi wadankuna waa Inoo hari walaayaaloow umada dhibka iyo beenta ka daaya

  2. mahad hurre says:

    as/w waad ku mahad santahay yusuf iyo websiteka puntland new24 , faroole iyo wiilkiisa waxaay doonaan ayey ku sameyana shacabka puntland .

  3. wiil bari says:

    Thanks Mr. Yussuf. Laakiin Faroole iyo wiilashiisa phycoga ah iyo Aaran jaan ma fahmi karaan? Wallaahi haddii another one year loo daayo Puntland u malayn maayo in xataa magaca loogu imanayo.

  4. cadaala says:

    somali faaido ay leeyihiin baa iska yar qaasatan cidaan ka dhalanay ee majeeteen in yasan barako lahayn bal taariiqda dib u jaleeca

    xili waxaa soomaray ay markii ugu horeysay heleen madax weynihii soomaliya ee caalamka oo idil laga citiraafsanaa waa Cabdarashid cali sharamarke xaguu ku dambeeyay Majeerteen baa qidadii lagu dilayay udhigay iyagaana gacantooda kudilay …

    kasootag markii ay kulmis noqdeen oo ay Ethopia tageen maxaa dhacay iyagaa qabiil qabaal isuqaaday oo sidey isku wadeen ilaa alanbaqo loodiro cabdulaahi yuusuf dabada kawaday

    kasootag Kismaayo iyagoo fursadii ugu fiicnaa iyo waliba cududii ugu badnaa siyaad bare dhicistiisa kadib magaaladii kismaayo sidey munaafaqad isugu wadeen Makiinkii moorgan ay u ijaafeynayeen Alle wuxuu qadaray in magaaladii maaanta soomalidii kale ay kuleetiga kula haystaan oo meel cidlo ah soo dhigay ..

    kasoo tag ogaad intaa waxaan idiin soo dhaafay wax kale oo farabadan oo aan halkan lagu soo koobi karin oo intaa ayaga un lugta isa soo hayay hadana ugu dambeyntii waxaa ii muuqata in ay maan gaabnimadoo doonayaan in ay faraha ka bixiyaan maamulkaan yar ee usoo haray ee lagu soo caano cabay sanooyinkii yaraa ee jiray la ogaana guulaha ay dhalisay puntland waxaa qoyan in dowladan jirta hada cidii kasoo shaqeysay Alle kasokow ay pud dhige uahayd puntland . hada ayagii un baa doonaya in ay bur buriyaan waa caadadiina ceebtiina maahan ee wada waxaad ka heshaan baad leedihiine cawaan yahay.

  5. ahmed says:

    Waad salaamantihiin walaalayaal waa iska cadahay idaacadaha ama saxaafada afka faroole ku hadla waan ognahay inay xoog ubuunbuuniyaan ama xayeysiiyaan faroolaha garoowe waana cadahay oo iyadoo qoraal ah baan ka aqrisanay puntland news24 umada reer puntland waxaa la gudboon inay qaadacaan idaacadaha laaluushka ka qaata faroole iyo caruurtiisa sida puntlandi allidamaale puntlandpost iyo garoowe online waad mahadsantihiin

  6. KULMIS 1 says:

    Yuusuf,waad ku mahadsan tahay warbixinta aad ka diyaarisay Reer Aaran jaan,waxaana Hubaa inaad taabatay Wadnahooda,Gil-gishaayna Maskaxdoona,Aadanaha u Cadaaysaay wax yaalo badan oo jira, Aadna tahay Muwaadin hariyo Habeen U taagan siduu Dalkiisa iyo Dadkiisa uga difaacilahaa Cadaawga gudaha iyo Cadaawga Debedda,Waxaadna abaal iyo ajarba kaga Helaaysaa Aduun iyo Aakhiraba Xag Alle wanaaga Ummaddaadu kuu qabto waana ku Mahadsan tahay,waxaana ku leeyahay haka daalin Inaad Ummaddaada u shaqaayso,kana Hor istaagto Iimaan laawayaasha isku bahaaysaay Inaay dhacaan Canshuurta yar ee laga soo Urursho Hooyada yaan-yada la fadhida jidka,aan haaysan wax daryeela,oo loogu fidiyo Cashuurta laga qaado in dhib loo gaaysto Mooyee”Yuusuf Gaarhayoow Geyigaa Ilaali”Waxaana kuu Abaal gudaaya,Ciidaada Calankaaga iyo shacabkaaga sharafta leh?

  7. Najma Naji says:

    wayii mahadsan yihiin labada musharaxar iyo cidii kale oo danaynaysa arimaha rere putnland waayo xilyaa kasaran dalkooda iyo dadkoodaba maanta dowlad la aantaha.waxaase layaablah dad lanacayi oo maanta waxa loo aqoonsanyahay ayiisan jirin oo is kafadhiya meel aan lagarabin waa waxa lagaxishoodo.waxaa ayaan daro wayn ah marka aad adigu is bahadishiid

  8. kamaal says:

    Aaad baad u mahadsantahay Yuusuf, sida qiimaha badan ee aad wax usoo diyaarisay. Faroole waa Faashil cid kastaana maanta og. xisbiyadiisii beenta ahaana way fashilmeen oo cid akhrisatay majirto.
    Asaga iyo wiilkiisuna taariikhda baal mugdi ah ayay galayaan.
    Maanta Faroole sharaftaa ka dhacday, cidna maxukumo aan tuulada gorowe ahayn.

  9. kuus says:

    Labadaan oday oo musharaxiinta ah waa dad walaalaheena ah wax dhib ah inaysan wadin waan ogaa laakiin maxaa dan ah hadii arrinta sidaas u dhacday war masalaxada guud haka shaqeeyo adeer Samatar anaga ku ixtiraam iyo xushmad kuu hayno reer Bari iyo reer Banaadirba. Ee bal markaan aan usugno waxaan hubaa 100% dadii la qabto doorasho xor ah in laga reenayo Mr. Faroole laakiin waa inaan la cayaarnaa bahasha maahan inaan iska dhigno dad uu qarin karo shacabka laakiin waa inaan shida laga shaqeeyn ee ciyaar waa inoo gelin dambe

  10. Wiil Nugaal says:

    Yuusuf walal kheyr Allah ku siiyo wax badan noo sheegtay oo xaqiiqo ah faroole markaan waa hogaamiye kooxeed isga dadka raba in uu caayo waana ninkii weeraray baarlamaanka puntland qofkii og ayaa og waana burcad badeed hadda waxa loogu yeerayaa hogaamiye kooxeed sidii qanyare,muuse suudi iyo cismaan caato oo kale

Leave a Reply