Warbixin: Bile Qaboowsade ma heli doonaa xaquuqdiisa Dastuuriga ah?(Cod)
July 28, 2012 // Warar SomaaliBile Qabowsade waa Siyaasi wax badana ku soo jiray dhanka Saxaafadda wuxuu lahaan jiray Tafatirena ka ahaan jiray Waragaysikii YOOL ee ka soo bixi jiray Magaaladda Boosaaso kaas oo ahaa mid si weyn loo akhristo lana soo saaray wakhti Adeegyada saxaafadu aad u hooseeyaan ayna adkayd sido loo helo Hay’ad warbaahineed oo si joogta ah shaqadeeda u gudata.
Halkan ka dhegayso Xaaska Bile Faadumo
Isagoo ku dhex jira hawshii Saxaafadda Madaxweynihii hore ee Puntland AHN. Cabdulaahi Yuusuf Axmed wuxuu u magcaabay inuu noqdo Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Kaluumaysiga, Dekedaha & Khayraadka Bada Puntland hase ahaatee waxaa xilka qaadis ku sameeyey markii danbe Ku simahii Madaxweynaha Maxamed Cabdi Xaashi.
Doorashadii Xukuumadda Madaxweyne Gen. Maxamuud Muuse Xirsi boqor kadib Bile waxaa loo magcaabey La taliyaha Madaxweynaha dhanka Saxaafadda xilkaas oo uu ku soo shaqeynayey ilaa laga soo gaaray Doorashadii Madaxweyne Cabdiraxmaan Sh. Maxamed Maxamuud – Faroole hase ahaatee wuxuu xilkaas lumiyey kadib Markii Madaxweyne Faroole u magcaabay La taliyihiisa dhanka Saxaafadda Maxamed Cabdiraxmaan Faroole wixii ka danbeeyey wakhtigaasna kama hayn wax xil ah Maamulka.
Xarigii Bile Qabowsade.
17 April, 2012 saacadu markay ahayd 1 habeenimo saq dhexe waxaa lagala baxay gurigiisa oo ku yaala Magaaladda Boosaso hawlgalkaas waxaa fuliyey 4 Askari oo hubaysan & 1 qof oo dharcad ahaa waxayna wateen Gaari nooca loo yaqaano MARKT kuma aysan wargelin wax sabab ah mana wadan warqad Maxkamadeed iyadoo isla habeenimadii guure lagu geeyey Saldhiga Booliska duhurnimadiina loo dhaadhiciyey Xabsiga dhexe ee Magaalaadda loomana ogolaan in ay arkaan Qoyskiisa & Asxaabtiisa toona maalintaas sida ay noo xaqiijisay Faadumo Cali Maxamed oo ah xaaska Bile Qabowsade oo wakhtigaas kula sugnayd guriga.
Xaaladdiisa Caafimaad.
Magaaladda Boosaaso wakhtiga xagaagii heer kul keedu waa mid aad u sareeya ayna ku adagtahay inay xamilaan dadka sida xorta ah ugu dhaqan Magaaladda taas oo sababta in badan oo ka mid ahi inay isaga xagaa baxaan waxaa sii dheer iyadoo ay soo gashay bil Ramadaan, Wakhtiga sidaa u adag Bile wuxuu dhex jiifaa iyadoo aan wax xukun ah lagu ridin Xabsiga Boosaaso oo aan lahayn Adeegyo fiican, sida ay noo sheegtay Xaaskiisa Faadumo wuu xanuunsanyahay waxaana haya NEERFE xanuunkaas oo bukaanada qaba dhakhaatiirtu kula taliyaan goobo qaboow & inay qaataan nasiino badan.
Ma jiraa Cadaadis.
Maxaabiista ku xiran Jeelka waxaa loo ogolyahay intooda aan gacan ku dhiiglayaasha ahayn inay dhex maraan daaradda Jeelka & hoolal waaweyn kuwaas oo loogu talo galay si ay ugu nastaan Bile kuma haysto xoriyadaas yar Jeelka dhexdiisa wuxuuna ku dhex jiraa oo aan loo ogolayn in uu ka soo baxo Qol ku yaala Xabsiga sida aan ka ogaanay ilo xogogaal ah taas oo ah calaamad muujinaysa inuu jiro cadaadis dheeri ah oo si gaar ah u saaran.
Sababta lagu xiray.
Wax war ah kama soo saarin Xukuumadu xarigiisa wakhtigii aan ururinaynay Warbixintan waxaan isku daynay in aan xiriir la samayno Saraakiil ka tirsan Booliska, Wasaaradda Amniga & Laamaha Garsoorka hase ahaatee dhamaantoos waxay uga gaabsadeen si isku mid ah taas oo sheki gelinaysa sababta rasmiga ah & cida bixisay Amarka lagu soo qabtay.
Sida dadka intooda badani aaminsanyihiin sababta Bile loo xiray waxay la xiriirtaa Waraysiyo uu siiyey Warbaahinta qaar & Hadalo uu ka yiri goobo caam ah kuwaas oo uu ku dhaliilay waxqabadka Xukuumadda talada haysa, Mudo kordhinta Madaxweynaha & qaabka ay u rabtay in loo ansixiyo Dastuurka.
Sharciyadda Xariga .
Hadii sababaha kor ku xusan lagu xiray Siyaasi/Saxafi Bile Qabowsade waxay noqonaysaa xadgudub sharci maadaama Dastuur Puntland uu qorayo in Muwaadin kastaa u madax banaan yahay inuu ku cabiro Aragtidiisa si xor ah sida ku cad Dastuurka Qodobkiisa 13-aad oo u dhigan sidan:
XORRIYADDA FIKIRKA.
- Qof kasta xor buu u yahay fikraddiisa waana soo bandhigi karaa. Faafreeb horudhac ahi waa reebban yahay.
- Qofku waxa uu fikraddiisa ku cabbiri karaa qaab hadal, saxaafadeed, qoraal, muuqaal, suugaan iyo habab kale oo sharciga iyo anshaxa waafaqsan.
Hadii ay dhacdo in Muwaadin looga shekiyo denbi wuxuu xaq u leeyahay ka hor xiritaankiisa in lagu sameeyo baaritaan loona diro Hay’addaha Denbi baarista aana lagula deg degin soo qabasho xataa hadii ay dhacdo in looga baqo baxsasho waxaa lagu soo rogi karaa xayiraado dhanka socdaalka & dhaqdhaqaaqa ah iyadoon la xirin.
Baaritaan kadib hadii ay u cadaato Laamaha Nabadgelyada in Muwaadinkaasi ku lug leeyahay denbiga lagu soo eedeeyey waxay u gudbinayaan Maxkamadaha ku shaqada leh, kadib marka ay Maxkamadu hesho gal dacwadeedka Eedaysanaha ayna ku qanacdo waxay siinaysaa Ciidamadda Booliska Warqad ogolaansho (waaran) taas oo horseed u ah xiritaankiisa, Ciidamada Boolisku marka ay helaan ogolaanshaha Maxkamadda iyagoo aan qaadin hawlgal isticmaalina xoog waxay xiriir la samaynayaan Eedeysanaha si ay ugu wargeliyaan inuu yimaado saldhiga hadii eedaysanuhu ku guuldarasto inuu u hogaansamo Amarkaas, Boolisku waxay xaq u yeelanayaan inay adeegsadaan Awood xiliyada ku munaasab ka ah.
Eedaysanaha marka la keeno Saldhiga sida ku cad Dastuurka waa in 24 saac gudahood lagu geeyaa Maxkamad si ay arrintiisa go’aan uga gaarto, go’aankaas oo noqon kara in lagu rido xukun oo sidaa loogu gudbiyo Jeelka weyn ama in wax denbiya lagu waayo oo dib loogu soo celiyo xoriyadiisii.
Wakhtiga Dacwadu ka socoto Maxkamada dhexdeeda Eedaysanuhu wuxuu xaq u leeyahay in wax laga weydiiyo Eedaha loo haysto fursadna loo siiyo inuu iska difaaco waxa kale oo uu xaq u yeelanayaa in uu qabsado Qareen u dooda xataa hadii ay awooda dhaqaale u saamixi weydo waxaa xaq loogu leeyahay Dowladdu inay u qabato kana bixiso kharashaadka Sida ku cadDastuurka Qodobkiisa 26-aad farqadihiisa 1-aad ilaa 8-aad oo ka hadlaya Xuquuqda Eedaysanaha una dhigan sidan:-
Dastuurka Puntland – Qodobka 26aad
XUQUUQDA EEDAYSANAHA
Eedaysanaha waxaa loo aqoonsan yahay dembilaawe ilaa si qaanuunka waafaqsan maxkamadi ugu xukunto gelid denbi.
Eedaysanuhu wuxuu xaq u leeyahay in la dhawro nabadgelyadiisa iyo sharaftiisa aadaminnimo.
Eedaysanaha laguma hayn karo meel aan qaanuunku bannayn.
Eedeysane kasta waa in 48 saacadood gudahood xariggiisa maxkamadi ku xalaaleyso.
Eedaysanaha waa in maxkamadda awoodda u lihi si tifaftiran ugu akhrido uguna macnayso dembiga lagu soo oogey.
Eedaysanuhu waxa uu xaq u leeyahay in ay soo booqdaan eheladiisa, qareenkiisa, dhakhtarkiisa iyo asxaabtiisa, waana la damiinan karaa haddii sharcigu oggol yahay.
Eedaysanuhu waxa uu xaq u leeyahay in uu qareen difaaca qabsado.
Eedaysanaha laguma khasbi karo qirashada dembiga loo haysto.
Dhamaan dariiqooyinkaas loo marayo soo qabashada & macaamilka Eedaysanaha sida cad looma marin Bile Qabowsade waxaa xili saq dhexe oo habeenimo ah aana munaasib ahayn laga soo qabtay gurigiisa Ciidamadii soo xiray ma wadan ogolaansho Maxkamadeed (Waaran), looma qaban qareen difaaca, fursad looma siin uu isaga difaaco Eedaha loo haysto, 4 bilood kadib xarigiisiina lama horgeyn Maxkamada si ay go’aan uga gaarto xaaladiisa.
Raad raac .
Xariga loo geystay iyo habka loo maray Bile Qabowsade maahan mid ku cusub Puntland waxaa horay u dhacay dhacdooyin tan la mid ah oo Muwaadiniin badan la iska xiray iyadoon wax Maxkamadi la hor geynin ugu danbayntana la iska siidaayo mudo kadib iyadoon xataa loo sheegin sababta rasmiga ah ee loo soo xiray .
Weriye: Cabdiweli Gooni waxaa ku dhacday dhacdo tan la mid ah 13 April, 2012 wakhti habeen ah Abaaro 2:00 waxaa ugu yimi gurigiisa Ciidamo hubaysan oo gaarayey ilaa 10 Askari waxayna u sheegeen in loo so diray ayna haystaan Amar ka yimi Madaxtooyadda sida darteedna uu raaco waxaa la geeyey Saldhig ku yaala Dekeda Boosaaso halkaas oo 16 April, 2012 laga soo daayey loomana sheegi wax sabab ah oo lagu haystey mudadaas lama geyn Maxkamad sida uu noo xaqiijiyey Cabdiweli oo hada jooga Magaaladda Kampla Ugandha.
Fariinta Xaaska Bile Qabowsade.
Faadumo Cali Maxamed oo aanu waraysi la yeelanay si aanu wax uga ogaano xariga Seygeeda & xaaladda dhabta ah waxay tiri :- ( Ciidmadu waxay noo yimaadeen saq dhexe Abaaro 1:30 habeenimo naguma wargelin wax sabab ah mana wadan warqad Maxkamadeed sidaa ayeyna ku kaxaysteen subaxii waxaan isku deyey in aan quraac ugu geeyo saldhiga hase ahaate wa la i diidaye).
Faadumo waxay sheegtay in ninkii Masuulka reerka u ahaa la xiray aysana jirin cid xaaladooda si toos ah uga warhaysa marka laga yimaado wilal ay walaalo yihiin oo dibadaha ku nool & rag ay asxaab ahaayeen oo mar mar u soo dira lacago ay iskaga debiraan nolol maalmeedka.
Waxay kale oo codsi u dirtay Maxadweynaha Puntland Dr. Cabdiraxmaan Sh. Maxamed Maxamuud Faroole iyadoo tiri :- ( Madaxweynaha waxaan ka codsanayaa in odaygayga si shuruud la’aan ah ku soo daayo ama Maxkamad la geeyo hadii denbi lagu helona la xukumo hadiise denbi lagu waayo si deg deg ah la iigu soo daayo).
Baaq
Waxaan xiriir la samaynay si aanu u ogaano aragtidooda & sida ay u arkaan dhacdadan qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka sida Nabadoon: Cabdiqaadir Axmed Ibraahin (Xarago), Suldaan. Cabdicasiis Afguduud, Suldaan: Maxamed Yuusuf Cabdi iyo Suldaan: Jaamac Xasan Ibraahim dhamaantood waxay si isku mid ah ugu baaqeen Xukuumadda in la soo cadeeyo sababaha loo hayo Bile hadii denbi cad lagu hayno loo diro Hay’addaha Garsoorka ee ku shaqada leh si ay go’aan uga gaaraan hadii kalena dib loogu soo celiyo xoriyadiisii.
Halkan ka dhegayso Xaaska Bile Faadumo
Bile Qaboowsade ma heli doonaa xaquuqdiisa Dastuuriga ah 4 bilood kadib waa su’aal u baahan is weydiin?
Shiine Culay
Dubai, United Arab Emirates
E. shiine.culay@gmail.com Facebook: Prince Shiine Culay Twitter: @Shiineculay



waxaanba maqlayay in familkoda oo dhan loo diiday inay samaystaan xisbiyada badan ee puntland logu dhawaqay si uu Bile halkaa uga soo tartamin wale faroole wuu cadaystay inuu ismaacil salebaan dagaal cad kula jiro,midna asagoon danbi lahayn ayaa toogasho xaq dara ah lagu wadaa Bilena waad aragtaan xaa ladiisa,war farowlow reerka sida ka daa oo kuwan aad dhashay ha ku fiirsan xumaanta ay ku hayaan shacabka.tankale wiil garoowe awalba waxaad ahayd reer miyi faroole ka hortiis geela ayaad raaci jirtay oo cid wax ku waydiin jirtay baa iska yar,hadana caano niidowgii ayaa lagu baray oo geeli ku noqon wayday,waxaan ku oran lahaa aqoon aad leedahay aya iska yar Bilena kaa cilmi badan kaana waaya aragsan ee waxan ku leeyahay geeladii kunoqo dhaqshadisa.
Xaq malahan kan wa in la xukuma wixi mamulka caqalad kuah wa in laga hortaga mana lodulqadan dono.
Bile wuxuu ku xiranyahay xaq daro ma dhacayso inuu ku sii xirnaado 4 biloood buu jeel dhex fadhiyaa Damiirku ha shaqeeyo dadnimadu ha shaqayso caqligu ha shaqeeyo cadaaladu ha shaqeeso miskiinkaas yaan lagu dacadiyin hala sii dayao si deg deg ah oo shuruuud la’aan ah weliba waana ka xunahay
Bile waa laga gardaran yahay. Bile waa laga gardaran yahay.Bile waa laga gardaran yahay.Bile waa laga gardaran yahay.Bile waa laga gardaran yahay.Bile waa laga gardaran yahay.Bile waa laga gardaran yahay.Bile waa laga gardaran yahay.Bile waa laga gardaran yahay.Bile waa laga gardaran yahay.Bile waa laga gardaran yahay.Bile waa laga gardaran yahay.Bile waa laga gardaran yahay.Bile waa laga gardaran yahay.Bile waa laga gardaran yahay.Bile waa laga gardaran yahay.Bile waa laga gardaran yahay.Bile waa laga gardaran yahay.Bile waa laga gardaran yahay.Bile waa laga gardaran yahay.Bile waa laga gardaran yahay.Bile waa laga gardaran yahay.Bile waa laga gardaran yahay.
asc bile puntland cadow kuma aha waa xaqdaro maxu u xiran yahay bile maaha mucaarad wax duminaya oo qori sitah waa mucaarad wax saxaaya oo qalin sitah xukuumada iyo iyo shacabka waxan ka codsanaya in qof walaalkeena xaqdaro ku xirnan bile waa in lasi daaya ilahay ha lago baqo waa bil rabadaan khaas ahaan waxan shacabka puntland leeyahay hurdada ka kaca ilahay ka baqa dulmi badan ban dareemaya bile shacabka haday u kacaan waa so den kartaan dowlada waxan ka codsanayna hadanu nahay qurba jogta waa inay si daysa walaalkeen bile oo bisha barakaysan xaqdaro ku xiran
jawabtayda waa helayaa Bile xaquqdisa hadu ale idmo balse tan dad bay kala goosay taa la socda.
BILE QABAWSADE BOOSKIISINA INA FAROOLAA QAATAY ISAGIINA WAA XIREEN BAL XAQ DARADAA EEGA