Warbixin Ku saabsan Degmada Qadiimiga Xaafuun [sawiro]

September 24, 2012   //   Warar Somaali

Degmada xaafuun oo horay gumaysta ka hor loo aqoonjiray Danti waa degmo taariikhi ah oo dhacada bariga fog ee soomaliya Gobolka Bari “Hadase ka tirsan Gobolka karkaar ee puntland”.

 waa jasiirda ku jirta qiyaastii 48KM gudaha badweynta hindiya aad bay kuu soo jiidanaysaa degmada leh labada badood ee aadka isugu dhow isna garabka socda ,bacaadka iyo buuraha isku teedsan iyo beach-ka(xeebta) aad u wagaasan.

 waa deegaan dareenkiisa leh marka laga hadlayo taariikhda dheer oo uu leeyahay  waxaa durba inhaaga soo jiidanaya dhismayaal qadiimi ah,  ceelal biyoodyo hore, deked burbursand ,dhabo tareen bada dulmarka ilaa hurdiya , iyo goobihii ilaalada talyaaniga ee daafaha degmada, taasoo ku dareensiineysa xooga uu talyaanigu ku lahaa iyo istiraatiijiyada deegaankani u lahaa danaha gumaystihii talyaaniga ee e soomaaliya.

Raas Hafun waxay ay ahaan jirtay xarun (Deked) ganacsi oo hore oo xiriir  ganacsiga la lahay Masaaridii  Hore,dalalka gacanka carab iyo gacanka bershiya  sida ay qoraan taariikhyahanada caalamku.   

Waxaa hoos taga degmada xaafuun deegaanada kala ah, Foocaar ,Hurdiya ,Dardaare ,Baarmadoobe ,Garan ,Xandha iyo Afruglay badi deegaanadani waxay ay ku teedsanyihiin badweynta hindiya (Indian ocean).

Bad gariirkii Tsunami ee gilgilay 26 December, 2004 degmada xaafuun, waxay ahay xasuus maanka reer xaafuun mahadho ku noqotay, maadaama gebi ahaanba xaafuun ay burburtay qiimayn xiligaas ay sameeyeey hay’adaha caalamigaa ayaa lagu ogaaday in qiyaastii 812 guri gebi ahaan ay burbureen dhulkana la simeen  halka 400 oo kalena ay aad u jajabeen doonyo badan oo kaluumaysina la waayey.

marka aad sii gelaysid degmada waxa ay indhahaagu qabanayaa  xaafuuntii sunaamigu burburiyey oo gebi ahaanba laga guuray .oo ay ka mid yihiin  dhismayaal wasaardo ,masaajido, xafiisyo iskaashato kaluumaysi,iyo guryo shacab oo burbursan ,

Tani waa xaafuun cusub oo  garabka ku haysa xaafuuntii hore  oo ay dhiseen gebi ahaan hay’adaha caalamiga ahi, ka dib dhacdadii sunaamidii ee dabayaaqadii 2004. Waa guryo aad isugu eg oo gaagaaban leh wadooyin wanasaagsan iyo naqshadayn caalami ah

Dhanka maamulka,malaha maagaladu dhismihii xafiiska dowlada hoose ee degmada ,laakiin aad bay u shaqeeyaan xubnaha maamulka sida gudoomiyaha iyo ku xigeenkuba,waxaa maamulku uu gacanta ku hayaa dhismaha wado dhan qiyaastii  10 km  oo ah wadada keliya ee degmada gasha taasoo ah shaqo iskaa wax u qabso ah.

Waxaa magaaladu ay leedahay saldhig Police oo ay ka howl galaan ciidamo tiro yar balse aad u shaqeeya howl weyna deegaanka u haya .

Dhowaana waxaa xaafuun fariisin ciidan ka samaystay ciidamada ilaalada xeebaha ee puntland , si ay ula dagaalamaan kooxaha buracada bada ee ka qaraabta deegaan xeebeedyada bariga fog ee puntland.

Dhaqaale ahaan xaafuun waxay ku tiirsantahay kalumaysiga waana goob aad u mashquul badan xiligan ,waxaa ku soo xirta doonyo laga leeyahay dalka  yemen .oo kaluunka ka gada kaluumaysatada gudaha(Deegaanka) una waarida dalka yemen ku waas oo ay wadaagaan Ganacsto  yemeniyiin  iyo Somali  isugu jirta.

Waxaa jira ganacsi aan aad u sii weynay oo isugu jira dukaamo makhaayado,Bakhaaro , iyo barnchiyaal isgaarsiineed oo magaalada ku jira.

Dhanka waxbarashada, degmadu waxa ay leedahahay dugsi hoose dhexe oo aad u shqeeya oo ay dhigtaan qiyaastii 200 oo arday, dhanka kalena dugsigii sare ee jeneraal cadde ee demgmada ma aha mid sheqeeya sida uu xaqiijiyeen gudoonka waxbarashada ee degmadu, waxaa dhacday macalimiin la’aan, iyo tasiilaadka waxbarashada oo loo waayey ayaa sababtay in Gen Adde High school uu shaqeynwaayo  taasina waxa ay kaliftay in ardayda marka ay dugsi sare gaaraan ay soo aadaan magaalooyinka waa weyn ee puntland.

Marka laga hadlayo horumarinta deegaanka , waa deegaan ay aad indha ugu hayaan hay’adaha caalamiga ahi waxaa degan xaafuun oo xafiiskeeda puntland ku leh hay’ada Gift Of Givers ee laga leeyahay Koonfuta Africa(south Africa)  waxaa iyaguna ka howgala Barnaamijyo horumarineed oo la xiriira caafimaadka,Nafaqeynta ciyaalka, waxbarashada  ka fuliya  hay’adaha save the children. Dhowaana  xafuun waxa ay ku guulaysatay in ay ka mid noqoto degmooyinka qaybta ka noqday  barnaamijka horumarinteed ee maraykanka oo ay fulineyso DAI

xaafuun waxaa ka jira abaar xoogan madaama mudo shan sano ah roob uusan ka di’in  abaarta dabada dheeraatay, waxaay dhalisay baahi biyood oo balaaran oo degmada ka jirta  ceelka kaliya ee magaalada ay dhaansataa waa Mutakiini1 oo qiyaastii 1KM u jira degmada ,dhib weyn baaa lagu qabaa soo gaaristiisa fogaanta masaafo oo uu jiro awadiis,kuma arag mudadii aan joogay deegaanka booyado biyada dhaamiya .

W/Q: Mustafa Cumar abshir

Email: mustafacumar@gmail.com

 

COMMENTS

RSSComments (7)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. m.jama says:

    Magacii hore ee Xaafuun wuxu ahaa OPONE

  2. prince samiira says:

    waxaan u mahad celinayaa Qoraa sare Mustafa Omar abshir waa nin culus oo aqoonyahan da;a yar oo aan aqaan maasha allah dadka ayuu danqadaa walaal ilaahay ha kula garab qabto shaqada aad shacabka u hayso

  3. abdallah yusuf says:

    waa magaalo qadimi aah good city weeyeen reporter-ku ama qoraagu si fcn buu uga hadlay

  4. xaafuun says:

    waa warbixin xasaasi ah , aad ayaa ugu mahadcelinayaa cidii soo diyarisay waana loo baahan yahay in wadanka la barto, meeshaa ku sheegteen xaafuunta cusub ma ahe waa xaraarta xaafuun ee ha;ka saxa fadlan sawirka cusub hada rabtaana waan idiin sooo dirayaa .., mahadsanidiin

  5. imran says:

    Mansha allah wa magaalo aad uquxbadan ilahay wuxu nasiiyay dhul wanagsan baaxad leh wax walba ku jiraan, dakad in laga sameeyo weyaan magaceedana la soo cesho dawlada danbe oo dhalata I hope inay xooga saarto,puntland wa wadan qalia dabicigi oo dhan laga heli karo mansha allah oil baba noo dheer macdanti ba ku jirta kaluunka &aargostada haba ka shekayn beeyadu noo dheer mansha allah puntlanders ka meel walba ay jogaan wadankooda ha maal gashadaan lacagaha banaanka yaal iyo somlida ganacsatada oo meel walba ugu dhaqalha badan wa anaga haday noqoto westrenka iyo asia ama africa marka wa inan barwaqada ilah na siiyay ka faa.iidaysana iyo nabada aan haysano mansha allah midaa wa in laga fakara oo huru marka iyo lacagta puntland galunaa untaan wadama shisheeye invesmen ku samaynayno!

  6. faarax says:

    waa meel aad uqurux badan xaafuun in dakad laga dhiso ayey kufiican tahay puntland ilaahey dhul fiican waa siiyey maashaa alah dawlada puntland waa inay wax ka qabato xaafuun waa in dugsi sare laga dhiso

  7. abdulkadir says:

    WA warbixin wanaagsan.

Leave a Reply