Warbixin: Kulliyadda Caafimaadka ee Jaamacadda Bariga Africa Faraceeda Boosaaso
March 14, 2013 // Faallooyin, Warar SomaaliBishii September 2008 ayay ahayd markii xadhiga laga jaray kulliyada caafimadka waxaana markii ugu horeysay is diiwaangeliyay 56 arday oo noqday ardaydii ugu horeysay oo ku abtirsata Kulliyada Caafimadka
- Qaabka ay ku bilaabantay
Bilowgi kulliyada wax xafiis ah ma lahayn maamul u gaar ahina ma lahayn waxay hoos tagi jirtay maamulka kulliyada Educationka.
2 bilood kadib waxaa loo magacabay xilka Hormuudka Dr. Cumar Cartan oo aha nin dhakhtar khibrad sare u leh Caafimaadka kadib magacaabistiisi waxa uu ardayda iyo class yada ay dhigtaan ka qaaday sawirro waxa uu qaylo dhaan u tagay geyiga imaaraatka carabta halkaaso ganacsatadi reer Puntland ay ugu deeqeen lacag ay ugu tala galeen in Kulliyada lagu dhiso, Hormuudka Dr. Cumar aya lacagti wuxu kusoo gaday 1 Bus oo nooca waaween, qalab computerro iyo buugaag cafimad oo aad u tiro badna.
Kulliyada waxa u hirgalay in xafiis gooni ah loo sameeyo maamul gooni u ahna ay yeelato, inkastoo markaas aynan jirin macalimiin aan ka ahayn hormuuudka kadib dhamaadkii Semester 1 waxa Macalin ahaan loo kenay Dr.Abshir oo ilaa iyo hada ka ah Macalin Kulliyada Cafimadka
Semester 2 markii la galay waxa macaliminta kusoo biiray Ustad Farax, Dr.Sadiq Eenow iyo 1 macalin oo Kenyan ah, iyaga oo halkaa uga sii waday waxbarashadii faaiido waynna ay ka heleen ardaydi, dhamaadkii semester 2 waxa Jamacada ka tagay Hormuudki kulliyada Dr.Cumar Cartan waxaana xilka Hormuudnimada qabtay Dr.Abshir oo isagu ahaa ku xigeenka hormuudkii hore ilaa iyo hadana hormuudka kulliyada cafimadka waxa wali ah Dr.Abshir
- B. Tirakoob ardayda dhigata kulliyada, loodadkooda iyo tayadooda
Guud ahaan tirada ardayda hada dhigata Kulliyada caafimadka waxay dhan yihiin qiyaas ahaanti 220 arday, waxayna u kala qaybsanyihin 5 lood, loodka ugu horeeya oo tiradoodu tahay 30 qof waxa kaliya u harsan sanadkii Internshipka (6th Year) waxayna hada ku jiraan sanadkii 5aad dhamaadkiisa.
Guud Ahaan ardayda dhigata kulliyada Caafimadka waxay Juhdi iyo dadaal aad u baaxad wayn ku bixiyaan barashada cilmiga caafimadka waxayna ku mutaysteen amaan heerkooda aqooneed kadib dhakhatir iyo macalimiin booqasho uga timid dalalka dibada marka ay qiimeeyeen heerka aqoonta ay hayaan ardaydu.
Waxaa dhaqan u ah ardayda is gacan qabashada dhexdooda iyo daryeelka bulshada iyagoo fuliyay mashaariic aad u badan oo wax tar u leh Bulshada reer Puntland sida (Cilmi baris Hubi Cafimadkaaga, Cabbirka araga indhaha ee iskuulada Bosaso, Baaris iyo daaweyn dadka barakacayaasha, Wacyigalinta bulshada dhinaca caafimadka, dadka dhimirka la’ oo ay u sameeyeen meel lagu xanaaneeyo iyo waxyaabo badan oo lamida)
Heerka aqooneed ee ardayda kulliyada Cafimadka Jamacada Bariga Africa waxa lagu tilmaami kara inuu yahay midka ugu sareeya ama kaalinta ugu saraysa kaga jira Kulliyadaha lamidka ah ee ku yaala Somalia.
- C. Horumarka iyo guulaha ay kulliyada gaadhay
- Dhinaca Dhaqaalaha: Kulliyada Caafimaadka waxay Jamacada ka dhistay dhinaca dhaqaaalaha iyado loo aaneenayo dhaqaalaha ugu badan ay Jaamacada hesho in ay kulliyada noqotay kaabaha dhaqale ee ugu weyn
- Dhinaca Dhismaha: 2009 kii waxa Haya’ada Manhal u dhistay kulliyadda Isbitaal aad u weyn kaaso loogu tala galay inuu noqdo mid ay ardayda wax ku bartaan o loogu magac daray (East Africa University Teaching Hospital).
Waxa kaloo Haya’ada Manhal ku guuleysatay dhismaha Kulliyada Caafimadka waxaana xadhiga laga jaray bartamihii 2012.
- Dhinaca Manhajka: Kulliyada Caafimadka waxay manhajkeeda waxbarasho ku salaysanyahay nidaamka Block System loo yaqaano kaasoo Somalia ku Cusub Jamacadaha hada dalka ka jirana ay ka noqonayso Jaamacadii ugu horeysay ee hirgalisa nidaamkan. Block system wa nidaam Casri ah wuxuuna kuu sahlaya inad jidhka bini aadamka aad u dhigatid qayb qayb ama Habdhis, kaasoo aad ka boganaysid maadooyinka la xidhiidha dhaman kadibna aad ugudbeysid habdhis kale.
Kulliyada waxay leedahay Library weyn kaasoo laga heli karo dhamaan buugaagta ardaydu ay u baahato kana haqab tiri karta baahidooda aqooneed
- Dhinaca Macalimiinta: Kulliyada Cafimadka waxay u noqotay hoy ay macalimiinta xirfada caafimadka kaso baxay ay iskugu yimaadan si ay uga faaiideeyan ardayda aqoonta ay u baahanyihin kuwaasoo gebi ahaan wada ah macalimiin Somali ah.
- D. Caqabadaha haysta kulliyada
- Maamulka Kulliyada Caafimadka kama faaiideysan Ardayda Maankooda, Muruqooda iyo Maalkooda.
- Kulliyada Wax xidhiidh toos ah iyo mid aan toos ahayn lama leh dhamaan Isbitaalada dawladda iyo kuwa gaarka loo leyahay ee ku yaala Puntland taaso sababtay inay ardayda dhinacooda isku xilqaamaan si ay xiriir ula samaysan lahaayeen isbitaalada kadib markay kulliyadu ku guuleysan wayday arintaas.
- Kulliyada wax xidhiidh ah lama leh Wasaarada Cafimadka iyo haya’adaha Caalamiga ah ee caafimadka ka shaqeeya Sida WHO, UNICEF, MSF, WORLD DOCTORS ASSOCIATIONS i.w.m
- Jaamacada wax xidhiidh ah lama leh Jamacadaha Dibada ee Cafimadka bixiya sidaa daraaded kama diiwaangashana liiska Jamacada Loo aqoonsanyahay inay bixin karaan cilmiga caafimadka taasoo ay sabab u tahay dadaal la’aanta Jamacada iyo muhiimadba inaysan jamacada siin arintaas
- Kulliyada uma hagar baxdo baahida iyo cabashada ka timaada dhanka ardayda tixgalintii ay ka mudnaayeenna ma siiso iyadoo la ogyahay in lacagta ugu badan jamacada soo gasho ay ka timaado ardayda caafimadka dhigata.
- Ardayda waxay ka cabanayan oo ay aqoon ahaan uga liitaan dhinaca Practical ka iyadoo nasiib wanag isbitaal aad u wayn oo qalab nooc walba u dhamaystiranyahay hadana ay ardaydi heli la’dahay practical ku filan
- Dhib weyn ayaa kala haysta ardayda Practical doonka ah iyo maamullada isbitalada dalka maadaama aysan jirin xidhiidh ka dhaxeeya Jamacada iyo isbitaalada.
- Maamulka Jamacada Maleh Dulqaad uu ku dhagaysto Cabashooyinka ardayda sidoo kale maamulka kulliyadana maleh awood uu ku xallin karo ama ardayda uga haqab tiri karo baahidooda iyo xuquuqda ka maqan
- Hormuudka kulliyadda waxaa yar waqtiga uu siiyo maamulidda umuuraha kulliyada halka uu waqtigiisa badanaa uu ku buuxiyo hawlihiisa gaar ahaaneed.
- Jaamacada waxay aad u adkeysay soo xaadiritanka sacadaha xisadaha (theory) sharciyo adagna ay ka soo saartay ka maqnaanshahooda halka ay dhag jalaq u siin wayday saacadaha lamidka ah ee Practical ka ah kaasoo aan ka yarayn kuwa theoryga.
- Macalimiin la’aan baaxad weyn leh aya ka jirta kulliyada Macalimiin la’aantaas aya waxay sababtaa in ardayda ay kasii wal walaan Semesterka soo socda in loo heli doono macalimiin iyo in kale.
- Cabburin weyn ayaa ardayda kulliyada lagu hayaa inaysan ka doodi karin baahiyahooda dhexdoodana aysan ka samaysan karin guddiyo ardayeed oo u doodda xuquuqdooda
- E. Talo bixin guud ku socota maamulka Jaamacada
Talada uu maamulka jaamacada u bahanyahay aya waxay tahay in ardaydu lagu leeyahay waajibaat iyagana xuquuq ay leeyihin, ardayda waxay diyaar u tahay in wajibaadkasta oo jamacada dul saarto inay fuliyaan waxaase Jaamacada looga bahanyahay in ay iyadana dhinaceeda xuquqda ardayda inay xog raadin ku samayso si ay u ogaato xuquuqda ardayda ka maqan oo ay la qaybsato dareenkooda lana sheekaysato oo ardayda dhex gasho.
Waxaa nasiib darro noqonaysa hadii ardaydii warkooda la dhagaysan wayo dulqaadna loo yeelan wayo amaba la dhaho xafiiska hanoo soo galina in ay keeni karto cawaaqib ama ciribdambeed aan waji fiicneen, sida aan caalamka carabta ula soconana kacdoonada dunida carabta ka socda waxaa sabab u ahaa dulmi iyo xuquuqda aasaasiga ah ee ay dadka lahaayeen oo la duudsiiyay.
Waxan gabagabadi ku talin laha caqabadahas laso sheegay oo dhan iyo kuwo kale oo badan oo qarsoon in ay jamacada maamulkeeda sare, Boardkeeda, aasaasayasheeda inay ay xil wayn iska saaraan sidii loo xallin lahaa oo looga fakari laha mustaqbalka dhalanyaradas niyada wanaagsan haya oo berito u noqonaya ummada soomaaliyeed dhakhaatiir gacantoodana ilahay cafimad ugu soo dhiibi doono bulsha waynta somaliyeed ee tabaalaysan…
Mahadsanidin
Waxaa Diyaariyay:
Axmed Cali Abshir
Arday ka mid ah ardayda Kulliyada Cafimadka
Jamacada Bariga Africa.












roma maalin lama dhisin insha alah waa guul usoo hoyaytay mudda somaliyeed, jamacada hurumar wacan bay kusocotaaa.
waa warbixin runtii dhab ah oo mudan in abaal marin ay ku bixiyaan ardayda kulliyada caafimadka, waxan ku talin laha hadii la heli karo ardayga qoray in ay ardayda kulliyada ay abaal marin qiimo badan gudoonsiiyaan maxa yelay wuxu ku hadlay afka ardayda waxyabaha uu ka hadlay oo dhanna xaqiiqda meesha ayay tabanaysa.
Midda labaad ardayda wa inay warbixintan ka faaiideystaan oo waxaso caqabado ah iyo kuwo kale oo badan ba miiska loo saara qolada maamulka sare ah aniga ma qabo in dean ka ama horumuudka kaliya ay tahay cillada , sax percentage ka ugu wayn bay ka qaadanaysa lakin wa in ila maamulka sare lala xisaabtamaa oo la ddhaha ama caqabadahaas wax ka baddala ama aan ku kala dareerno mesha.
Mahadsanidin
ilaalw ardaygaa khayrsii indhaha u furan ardayda
war dulmiga halayska ilaasho
wadaadu intaas dulmi ayey sheegayaan maantana gurigoodii ayaa wax lagudulminayaa
ilaahayn ka baqa oo masaakiin arday aha ayaan nahay ee xaqayaga bilaash haku cuninana yaan aakhiro laydin qabsane
walaalayaal horta sida aan ogsoonahay meewsshan waa meel hillaahy wato cidna uma baqna ceelna uma qodna
meeshani waa meel faaiido laga doonayo
ardayda waxa lagu ciqaabaa lacagta halka ictisaamta caruurtoodu bilaash ku dhigtaan meesha oo xitaa lagayaabee inay ku jiraan agoomo maaskiin ah
war meesha ninkaas ayaa wixii larabey sheegay waana run waxa uu sheegay
waxaasna waxaa u sabab ah maamul xumo
hadaan maamulkaas laga bedelinna waxa kuliyadu dhaxlidoontaa burbur
hadaba waxaa loobahanyahay in wax laga qabto dhibaatadaas
ninkaasna meesha halagbedelo
anuu waxaan ku taalin lahaa war haddii larabo inay hagaagto kuliyadaasi halga bedelo dhiinka oo halla keeno qof maamulikaro oo howsha nadaaminkara
hadaan nabedelin dhibaatooyinka kuliyadu weligood waa taagnaag doonaan
tanakle wasiirka caafimaadka waxaan kula tallinlahaa inuu qaado qaybtiisa howsha
jaaamcaduna howgolaato wasaarada caafimaadka kuliyada inay waxka maamusho
ok ok ok ilaahow noo gargaarrrrrrrr
walaalayaal sida runta ah oo xaqiiqda ah waxa kajira jaamacada waa dulmi iyo xaqdaro sababta oo ah anagu jaamacada waa dhiganaa waana ognahay waxa kajira iyo sida xaalkeedu yahay sida runta ahna sida dadku moodayaan maaha jaamcadu waxa laguhayaana waaa been ardayduna wax ay bartaan majirto ee meesha maaweelo ayaan ku haynaa taasna waxa cadaynaya jaamcadu sanadkii 5aad ayey maraysaa wax faaiido ah oo ay bulshaDA U TARTAYNA MAJIRTO xitaa wasaarada caafimaadka puntland ayaan aqoonsanayn kuliyada oo dhaliilsan sida wax u socdaan waayo wasaaradu wax faragelin ah iyo taalo ah midna kumalaha kuliyada caafimaadka wadankana iyada ayaa xukunta waxaas oo dhan waxaa sabab u ah wadaadad = meesha maamula kuwaas oo aan aqoonba ulahayn waxa kuliyad caafimaadtahay aanna ogayn waxa meesha ka socda meeshaan waxaa ka socda waa been aan sal iyo raadna lahaayn ardaydana wax lama baro ee waala maaweeliyaa riwaayada ayaa meesha ka socota
dhibaatooyinka nahaysta waxaa ka mid ah inaysan jaamcada joogin hal macalin oo keliya oo buuxinkara shuruudaha macalin kuliyad caafimaad lagu noqdo
taas waxaa kasii daran in ay kuliyada waxkadhigaan dad aysan suurtagal xitaa inay noqdaan caawiye macalin
sidoo kale kuliyadu malaha maamule sax ah oo dhmaan howlah kuliyada kala wada ee waxaa maamula nin clic magaalada kuleh 00 marka uu dandiisa oo dhamaysto yimaada kadibna xiisad gal haduu leeyahay hadii aklena laabta meeshana waxaa maamula secreteerka meesha oo bishaar ladhoho ninkaas ayaa maamiula
dhinta kaloo jirta waxaa ka mid ah waxaan la.nahay agab aan wax ku barano xitaa amrarka qaarkood waxaa lawaayaa qaybisooyinka aan qiimaha joogin qalmaantana warkoodaba daa
waxaan meesha ku haynaa waxa weeye hadaan runta sheego waxaa nin macalin ah oo yimaada ka dinba waraaqo koobi ah akhriya ama powewpoint oo englishka meesha kuyaalna noo micneeya iyada oo isaguba uusan garanayn wax intaas sii dhaafsiisan ka dibna naxaadiriya kadibna nafasaxa
waxaa kaloo meesha ka jira waxa weeye maamulka guud oo jaamcada oo aanb ogayn wax meesha ka socda oo intuu xafiis gallo ka soo baxa albaabkana ku qortay laiima soo geli karo
halka maamulihii hore uu albaabkiisu furnaa xafiisyadana kormeerijirey maalinkasta sxbna la.ahaa dhamaan ardayda iyo macalimiinta
walaalayaal intaa waxaan maqalnaa wadaadu iyaga oo dulmi ka hadlaaya warmaanta dulmigu waxa uu galay gurigiinii oo waxaa dulman waa masaakiin arday ah oo aad lacag ka qaadataan
ardaydaas oo xitaa ay kujiraan kuwo aan awoodin lacagta aad ka qaadaan halka caruurta ictisaamka dhammaantood ay bilaash wax ku bartaan taasna aan cidi ankiri kartaan
waxaan tallo ku soo jeedinlahaa
inta ilaahay laga boqo oo runta la sheego kuliyadaas dib u eegis halagu sameeyo oo ilaahay inta laga boqo yaan dadka masaakiinta ah lagusoo lugayn meel aan waxba oo layn waxaan gudiga sare ee jaamcada ku dhihilahaa warbixintan hadhayalsanina
dadkana waxaan oranlahaa war caruurtiinu meesha ay dhigato ka warhaya oo bal isu imaaada ooo nala arka dhibta jirta waalidiinta waxaan oran lahaa hadaad beentayo moodeen bal idinku xilli hore imaada xafiiska kuliyada inaad heshaan dhiinka meesha
tanakale jaamcadu waxa ay siweyn ugu fashilantay xiriirka cusbataalada oo dhamaan cusbataaladii waa loodiiday ardaydii
xitaa cusbataalkii bioosaaso ku oolaa waa isfahmilayihiin jaamcada
waxaa yaableh meesha uu dhhigka kuliyada ka shaqeeyo mardaydu awood umalha ianytagaan oo pratical ku sameeyaan bal xagee dadkii akLE JOOGAAN HADUUDIIDAY DHIINKII KULIYADA MEESHIISII KA SHAQAYNAAYEY
walaalayaalow waa idin baryaynaa meeshaan anaga ayaa ku lugonay hasoo aadina meeshan ilaa aad ka maqashaan is bedel ardaydayda kuliyada dhigataa waaa arday dulman waalidkoodna dulmiyey jaamcaduna dulmisay
walaalayaal arintaasi waa waxa laga sheegay meesha waa waxjira
waa arrin loo baahnaa in ay bulshada isla aragto ardayda dad baa soo dirsaday oo lacag kaga baxday hadaanan caqabadaha ay ka cabanayaan wax laga qaban waa lala xisaabtamayaa mamulka jaamacada
Looolz runti dadkii dhigan jiray waa ka yaaceen meesha waxba kuma heysaan isaga taga saan aniga iyo dadkii kale oo tageen oo dibafda aqoon u doonta soomaaliya nidam fican ma laha oo wax barasho macalimiin malaha facility fican malaha iyo particle jjogto ah
Asc marka hore wan idin slamaya dhaman ardada iyo webka gar ahan ardayga sodiyariyay inta kadib wllyal sad ogtihin qabado badan ayaa haysta kulliya taas oo ay kow katahay qodobadan soo socda 1.deanka kuliyada oo caqabada uguweyn ee kuliyada isagoo ah madadx mesha iska yala oo xata aan awod ulahayn in uu qanciyo ardayda ahna qof iskala weyn ardada heer waxay tagantahay ay ardadu tidhaahdo :dean malihin miya :taasina waa dhibta uweyn ee haysata kulliyada 2:madaxda sare ee jamacad oo anwax ahmiyada sin ardada kuliyada dhigata siduu sheegay inanka soodiyariyay warqada sidaa awged nimanka mesha ugu saraysa lama yaqano meel ay geyan lacagta laga qado kuliyada iyo lacagta mel aygasho anla aqon sida awgeed ardada waxan dhihi laha inay iska qabdta raga mesha haysta ama ay iskaga taga wllyal waxan idin kula talin laha inad iska celinasan nimankan ardayda dhibtoda uheshisay inay lugoyan oo uu kw kahay deanka kuliyada medicineka wadna mahadsantihin
al xamdulilaah suma al xamdulilaah ilaahba mahad leh nala kulan siiyay maqaalakan runta loogu sheegay maamulka jamacada E A U iyo hormuudka kuliyada culuumta xaafimaadka.
hadalna hadal kama dheera wxii la oran laha hora ardayda walaalahy ah usoo dhaheen bal seh guntii iyo gunaanadkii waxaan kuso koobay ( we need change )
maamulka cusub ee jamcadana isbadal kama haynoh runbaa fiican
…….
xaqa hadii afka laqabtoh feeruhu ka dilaaca…..
marka hore wxan u mahad celinaya allah kaso na garad siyay inad runta iyo xaqa shegno gorwalba iyo goob walba. Marka xigta wxan u mahad celinay ardayga walalka ah ee gartay in uu ka hadlo dulmiga iyo xaq daradaqa ay ay hormuud ka u yihin mamulka jamacada bariga africa, aniga wxan ka mid ahy arday dhigata kuliyada cafimadka,runta jirata aya wxay tahay in kuliyada dhaqalha ka so baxa in ay afka rag tuugo ah oo an lahyn damir diined iyo mid wadaniyed,tuusale ugu yar ee an idin sin karo wa in uusan jirin fasal leh kuras oo ardayga marku so galo uu radsho ugu horayn kursi, kuliyada ma laha haba yarate wax baratiko ah, wxa ceeb ugu filan mamulka kulyada in fasalka ugu sareya kuliyada cafimadka uusan hayn waxba baratiko ah.wxa iga talo in arday rer puntland ku so hungobin meshan wayo anagba ka baxdad ah mahd sanidn
Asc. Kadib salaan walaalkay qaaliga ah aad iyo aad bn kugu mahad celiniya, si aad ah ayaad u muujisay xaalada dhabta ah ee ka jirta kulliyada run ahaanti wa warbixn ka tarjumaysa xaqiiqd runta ah oo meesha taal, waxaan ilaahi ka rajaynayna in ay noqoto mid wax badasha oo indhaha maamulka kala furta oo uu horseeda in ay wax ku qataan oo waxna badalaan oo ilaahi si dhab uga cabsadaan, waxaana ku cad repoortka ardayda ay wax walbi ay diyaar la yihiin si daacad iyo volunteer ah in ay dadkooda iyo dalkooda wax uu qabtaan, mahadsanidin
Ardayda wa inay isku xirmaan oo ay ursur xuquuqqdooda u dooda samaystaan mamulka sarena waa inay arintaan soo faragashtaan kulliyyadana waxaa badbaadin karo waa hormuud adag oo ku filnaan kara xallinta caqabadahaas oo dhan war iyo dhamaantii kulliyadaaas dhib aan dean ka ama hormuudka ahayn maleh
aad baan ula dhacay repotkaan waan u mahad celinayaa walaalka soo diyaariyay sababtoo ah mudo baan radainaayay information ku saabsan kulkiyada marna mid sidaan oo kale ah ma helin … waxbrashada meel kasta oo la joogo ardeeyga beey ku xirantahay iyo resources uu heeysto lkn waxaa muhiim ah in la ictiraafsanyahay si takhasusaadka ay dibada uga soo diyaariyaan ardeeyda … marka ku dadaala ictiraafka aqoonta iyadaa is kabeeysa qaar waxada ku heleeysaa takhasuskaaga qaar khibrad ahaan
Asc puntlandnews waan ku faraxnay reportkan qaaliga ah oo aad soo galiseen waxaa xusid mudan in ardayda ay dadaal badan wadaan aqoontoodana ay aad u sareyso lakin mushkilada ugu mesha ay ka taagantahay waa maamulka hadii dhinacas lahagaajiyo waxan aminsanahay waxaasooo caqabada ah in laga gudbi laha.
aad baan idiin salamayaa webka puntland24 waxan kale oo umahad celinayaa repotarka mashala waa jamacad caalamiya kuliyadana aad bay uqa labaysantahay laakin maamulka halacasriyeeyo dawlada iyo wasaarada caafimaadkana arintaa lashaqaynta hayska xilsaraan ardayda dhigata jamacada hakashaqeeyaan hospitaalada hana ogadaan pl waxa kuyaala hosbitaalo waa weyn sida kan goldogob,boohoodle badhan iyo boosaso garoowe qardho dhamaan waa iany kashaqeeyaan aradadaas iyo kuwa kale ee caafimaadka barta taraning ha kuqaataan hana loo fudu deeyo maamulkana hala hagaajo,dadkii asaasay east africa university wadadaaleen guul ayey maanta jaamacadu joogtaa mashalaah jamacadu waxy ubahantahay boad aad uwanaagsan