Wareegto ka soo baxday xafiiska Sh. Shareef oo dagmooyin cusub lagu magacaabay
August 20, 2012 // Warar Somaali
Wareegto ka soo baxday xafiiska m/wayne Sheekh shariif oo xilka u hayn doono si KMG ah tan iyo inta madaxwayne badala laga soo dooranayo ayaa waxaa dagmooyin loogu aqoonsaday deegaanno ka tirsan gobollada Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe.
Digreetada ka soo baxday xafiiska Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa dagmo loogu aqoonsaday deegaanka Jameeca Jilyaale oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe laga bilaabo 16 febraayo sanadkan 2012.
Sidoo kale waxaa dagmo buuxda loo aqoonsaday deegaanka Shaw oo ka tirsan Gobolka Hiiraan laga bilaabo taariikhda marka ay aheyd 30 june sanadkan 2012.
ugu dambeyntii waxaa dagmo loo aqoondasay deegaanka Gamboole oo ka tirsan gobolka Shabeelada Dhexe laga bilaabo taariikhda marka ay aheyd 30 june sanadkan 2012.
Magacaabistan waxaa ay imaanaysaa iyadoo uu maanta dhamaaday jiritaanka golaha xukuumadda Soomaaliya lana filayay inay doorashada madaxwaynaha qabsoonto,dib u dhaca ayaa ku salaysan howshii soo xulidda iyo doorashada gudoomiyaha baarlamaanka oo aan wali qabsoomin.
Xildhibaan Maxamuud Xayir Ibraahim oo ka mid ah baarlamaanka cusub islamarkaana ah gudoomiyihaha rugta ganacsiga iyo warshadaha Puntland ayaa u xawiijiyay Puntland-News24 inay socoto samaynta kaararka aqoonsiga ee baarlamaanka saacadaha soo socdana inay guda gelin doonaan dhaarta, kadibna loo gudbi doono doorashada ninka ugu da’da wayn baarlamaanka oo si KMG ah howlaha baarlamaanka u hogaamin doona tan iyo inta gudoomiyaha baarlamaanka la qabanayo.
Puntland-News24
Muqdisho.



Ex-president shariif aya maanta cafiyey 219 qof oo kamid ah argagixisada Al-shabaab. Shariifow iyo Ala shiikh awalba iyagaa argagixisada Somalia keenay sidaas darteed baa afguduud (ex-president) al shabaab criminals u cafiyey! Shariifow iyo dhamaan AL-BALAAYO waa dameer iyo labadiisa dhegood!