Wariye dil ka badbaaday magaalada Muqdisho

October 21, 2012   //   Warar Somaali

Wariye katirsan idaacadda Shabeelle ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho ayaa caawa ka badbaaday isku day dil oo lala maaganaa, kadib markii kooxo bastoolado ku hubaysan ay ku weerareen xaafadda Xaawataako ee degmada Wadajir, Muqdisho.

Wariye Maxamed Maxamuud Tuuryare ayaa dhaawac uu kasoo gaaray qaybta sare ee jirka, waxaana dhaawaciisa loo qaaday isbitaalka Madiina ee magaalada Muqidho.

Weerarkan ayaa qayb ka noqonaya weerarada lagu hayo saxafiyiinta Soomaaliya, iyadoo sanadkan 2012-ka lagu yahay sanadka ugu dhiig daadashada badan ee saxafiyiinta.

Puntland-News24
Muqdisho.

COMMENTS

RSSComments (0)

Leave a Reply