Wariye katirsan idaacadda Bar-kulan oo Muqdisho lagu dhaawacay

June 8, 2012   //   Warar Somaali


Kooxo ku hubaysan bastoolado ayaa caawa ku dhaawacay degmada Xamar jajab ee magaalada Muqdisho wariye Maxamed Nuur Shariifka oo ka mid ahaa shaqalaha idaacadda Bar-kulan ee magaalada Muqdisho uga soo warama.

Wariye Shariifka ayaa la sheegay kooxihii weerarka ku soo qaaday oo tiradoodu ahayd sadex qof inay baxsadeen kadib markii askari ciidamada dowladda katirsan uu rasaas ku furay kooxihii wariyaha weerarka ku qaaday.

Rasaasta lala beegsaday wariyaha ayaa ka haleeshay dhanka caloosha, waxaana xiligaana dhaawaciisa lagu dabeynayaa isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.

Idaacadda Bar-kulan oo ah idaacad ay maalgaliso QM fadhigeeduna yahay Nairobi ayaa cambaaraysay weerarkan.

Puntland-News24.

COMMENTS

RSSComments (0)

Leave a Reply