Warqad Furan Oo Ku Socota International Committee IGAD Iyo UN
October 28, 2012 // Faallooyin, Warar SomaaliWaxaan ku bilaabay magac Allah ee naxariis oo dhan iska leh
Sidaad ogtihiinba, laga soo bilaabo sanadkii 1991 Somaliya waxaa ka dhacay dhibaatooyin xoog badan oo xanbaarsanaa xasuuq, dhac, boob iyo bara kicin. Waxaa intaas usii dheeraa in lagula kacay shacab aad u farabadan waxyaabo ka baxsan bini aadanimada oo ay ka mid ahaayeen in dad nool daamur karaya lagu guro, qaybo dadkaas kamida la gubo iygoo nool, arxandarada ku salaysan kufsi iyo bahdil oo shacakaas loo gaysanayey ay ahaayeen xad dhaaf aan la qiyaasi karin.
Dhibaatooyinkaas faraha badan ee loo gaysanayey shacabkaas waxaa hoos socday dhulballaarsi, dhulballaarsigaas oo shacabka qaarkiis sida shacabkii kunoolaa gobolada Jubooyinka, laga barakiciyey Somaliya oo dhan loona qixiyey wadamada dariska ah sida Kenya qaarna aadeen dunida dacaladeeda. Waxaa kaloo dhulkoodii laga barakicyey qaar kamid ah shacabkii ku noolaa Shabeelada Hoose iyo Bay oo loosoo riixay gobolada Jubooyinka, kadib markii shacabkii ku noolaa Jubooyinka wax la dilay iyo wax qaxay laga dhigay.
Waxaa kaloo dhibaas oo kale loo gaystay qaybo kamid ah shacabkii ku noolaa gobolada Banaadir, Shabeelada Dhexe, Bay, Bakool, Hiiraan iyo Galgaduud waxayna ukala qaxeen Puntland, Somaliland, Ehtopia, Kenya iyo Dunida kale, dhulkii ay ka qaxeena waxaa ku soo faafay dadkii barakicintaas sababteeda lahaa.
Waxaa kaloo fiiro mudan in waqtigaan la joogo dhulbalaarsigii wali kasii jiro gobolada qaarkood sida gobolada Togdheer, Sool iyo Sanaag oo degmooyinka qaarkood lagu soo faafiyo shacab aan deganayn oo kuwii deganaa colaad lagu ekeeyo si ay uga qaxaan, waxaana degmooyinkaas ka mid ah Buuhoodle, Ceerigaabo Caynaba iyo tuulooyinka hoos yimaada degmooyinkaas.
Waxaa bogaadin mudan, dadaalkii aad sanadihii ugu danbeeyey ka gaystaeen gudaha Somaliya si dhammaan shacabka Somaliyed uga baxaan dhibaatooyinkaas fooshaxun ee ku habsaday. Waxaa gashay shacabka Somaliyed meel kasta ay joogayn yididiilo wadata saxan saxo udgoon oo leh sifa qaranimo, waxaana quluubtooda wada qoysay in la gaaray waqtigii qoys kastaa heli lahaa xuquuqdiisa waxii ka maqnaana loosoo celin doona iyo in sumcadddii iyo sharaftii Somaliya dib usoo noqonayso.
Nasiib xumo arintaasi waxay noqotay ruux haraadan oo saxaara dhex maraya wirwir(widhwidh) uga muuqday meel xoogaa durugsan, kadib markii xukunkii loo doortay Madaxwayne Xasan Culusow oo warar badan ay sheegayaan inuu ka mid ahaa Salaballaar lana soo shaqeeyey Gen Caydiid AUN oo ka mid ahaa duulka loo aaneeyo dhibaatooyinkaas ku habsaday Somaliya ee xasuuqa iyo barikicinta ahaa.
Sidaad ogtihiinba markii Madaxwayne Xasan Culusow la doortay waxay ku qaadatay in ku dhow soddon cisho inuu kusoo magacaabo Raysal Wasaare, sababta daahaas keenay ay ahayd sidii loo heli lahaa Raysal Wasaare aan marna ka hor iman damaca iyo qorshaha Madaxwayne Xasan Culusow iyo asxaabtiisa Damu Jadiid. Kadib markii la magacaabay Raysal Wasaare waxaa iyana daah ku yimi in uu horyimaado xildhibaanada si cod kalsooniya loogu qaado, sababtuna ay ahayd in laga ansixiyo qorshaha Damu Jadiid iyo in Xildhibaanada la hanto haddii uu damacaas aqbalo in Xidlhibaanadu aqbalaan oo ansixiyaan iyo haddii uu diido damacaas Damu Jadiid ay Xildhibaanadu uga horyimaadaan ansixintiisa. Waxaa iyana daah ku yimi Golihii wasiirada iyadoo madaxda sare suxulduub ugu jiraan sidii ay ku heli lahaayeen wasiiro ay iyagu wataan oo aan marna ka hor iman damaca Damu Jadiid Raysal Baarlamaanka Iyo Raysal Wasaaraha.
Waxaa fiirin mudan Madaxwayne Xasan Culosow uu xooga saaray arimaha Jubooyinka oo ay kaga cuslayd soo magaacibidda Raysalwasaare soo dhisa xukuumad ka badbaadisa dhibaatooyinka hareeyey bulshadii Somaliyeed. Wuxuu sitoosa ah ugu tuntay dastuurka JFS, wuxuu bareer ugu kacay kala saarid iyo kala sokaysiisasho shacabkii loogu doortay inuu cadaalad iyo xaqsoor u simo oo ku dhaqo.
Khudbadiisii ahayd reer Hiiraan waa inaad samaysataan maamul hadaad samaysan waydaan dawladdaa idiin samaynaysa, Jubooyinka maamul ma samaysan kartaan dawladda idiin samaynaysa!!!!.
Ogoobeey hal gobol maamul ma samaysan karo inta uu gobol kale ku biirayo waxaa gacanta ku haynaysa Dawladda JFS, waxaa halkaa ka muuqanaya inay tahay arin qayaxan oo bareer ah in gobol la yiraahdo samaysta maamul aan sharciga waafaq sanayn saddex gobolna la yiraahdo maamul ma samaysan kartaan iyadoo sharcigu u ogol yahay in laba gobol iyo ka badan maamul ay xor u yihiin samaysan karaan.
Waxaa iyana fiirin mudan, khudbadihii Madaxwayne Xasan Culosow ee u badnaa Amaanka amaanka amaanka inay hadda isu bedeleen dhaqaale dhaqaale dhaqaale iyadoon wali Xukuumad la dhisin.
Waxaan ka Codsanaynaa IGAD, UN IYO INTERNATIONAL COMMITEE
- Inaanay ku degdegin aqoonsiga Maamulka JFS ee hadda xukunka la wareegay.
- Inaanay ku eegan faragashiga qaawan ee Madaxwayne Xasan Culusow iyo Damu Jadiid ku hayaan Maamul u samaynta Jubooyinka iyo Gedo.
- Inay ka fiirsadaan dhaqaalaha ay siinayaan Maamulka JFS ee hadda xukunka la wareegay.
- Inay ku taageeraan Kenya qorshaha maamul u samayna Jubooyinka iyo Gedo ee ku salaysan inay samaytaan maamul ay xor uyihiin, si shacabkii la barakiciyey xaqoodii dib ugu helaan.
- In lagu dadaalo sidii ay xaqooda ku heli lahaayeen dhammaan shacabkii barakicinta iyo xasuuqa loo gaystay oo wali dhulkoodii iyo guryahoodii ay ku jiraan duulkii dhibtaas u gaystay.
- In Dawladda Jabuuti laga joojiyo faragashiga ku salaysan isku dirka iyo iska horkeenida shacabka Somaliyeed iyo faragashiga hayb sooca ah ee ay ku hayso Maamul u samaynta Jubooyinka iyo Gedo.
- In la garab istaago shacabkii samaysanaya maamul ku salaysan laba gobol iyo ka badan ee dastuurka waafaqsan.
Gabagabadii waa muhiim in aan dhaqaalihii naf iyo moodba lahaa ee lagu bixiyey sidii loo soo celin lahaa qaranimadii Somaliya aan laga dhigin khasaare, lagana fiirsado iyadoo taxadar dheeraad ah la siinayo Maamulkaan JFS ee yeeshay dhowr iyo Soddonka madaxwayne oo isku halmarka ah ee Damu Jadiid. Qorshahooda ugu wayna ilaa hadda ku jihaysan yahay sidii ay dhaqaale ku heli lahaayeen iyo sidii ay ugu ansixin lahaayeen dadkii boobka iyo dhulbalaarsiga ku degay degmooyin aanay degaan u lahayn, ee shacabkii dhac boob xasuuq bahdil iyo barakicin lagu sameeyey.
Wa Billaahi Tawfiiq
Qore: Eng Abdirashid Abdi Daad
Email: Guurey@hotmail.com



asalam all, waxaa fiican ina runta laga hadlo, nimankan wax qoraya horta beenta iyo cuqdada aha iska reebaan, somaali nabad iyo dawlad ayaa u dhalatay, somaali oo idil dawladnimo maanta wax ka jecel majirto, ee lakin cadalad iyo wanaag waa ina wax loo doono, darood waa qabiil wayn oo somalia dagan ina lagu soo koobo majeerteen waa nasib daro, darood intuu dago waa la yaqaanaa, dawlada iyo international cominitygu diraasad haku sameeyaan oo xaqa umada ha laraadiyo, gobolada jubooyinka waxa si adaa ah u dagan (majority) darood clan, waxa laga helaa ogaden, harti, bartire, abaskuul, mareexaan…iyo somaali kale oo yar yar oo xaq yaguna u leh inay ka qayb galaan jubaland. daroodku xataa hiraan wada dagaa oo baadiyaha beledweyn waa la yaqaanaa, dusamreeb baadiyaha haga koonfureed waa darood, sool sanaag iyo cayn oo puntland katirsan waadagaa.
Markaa waxan kula talinaya dawlada hada cadalad in loo eego, soomaali damaanteed, xaqii umadii la xasuqayna ina laga dabatago
Aderayaal xasuqi 1991ki dhacay 30 sano oo kahoreyay gumesigi iyo caga juglentii belaha hawiye laguhayay maka hadashaan hadi. Cadalad rabtaan afweyne iyo sharmake caburinti ay rer muqdisho kuhayeen mudada badaan oo dad si bareer ah. Bosaskodi logagaqaday magac dowlad oo laso dajiyay dad gedo iyo bari kayimid ma tasa dacadlad ha xasuqi dhacay wa mid sharci ahaa oo xaq ahaa wayo dad bala gumaday guryahodi la xalalsaday oo rer gedo ladajiyay marka. Somalia waliged cadalad ka dhici mayso ama qayliya ama galo sowata wixi cilqabo cadabta hagalaaaaan
Waxaad mooddaa dagaalkii qabiilka iyo doolaaladii beelaha Xamar haystaa wadeen iney weli socdaan iyagoo markaan dawladeynaya.
Waa sax ninkanu wuxu qoray adduunkuna waa ogyahay oo xattaa dawladaha Yurup ayaa goob-joog ahaa marar ka mid ah markii bara-kicinta iyo xasuuqu dacayey.
qoraalkan wa mid sax ah xaqiiqdana ka hadlaaya, iyo wacyiga jira runta waa laga hadlaayaa,
salaamu c, horta waa ayan daro in wixi ladoono la iskaga hadlo beelo hurmud samalia u ahna la aflagadiyo, wiilka wanka kismayo ku qortay isaaga afkisa isku xiray waxa uuna qiray in ay harti kismayo deganyihi dadka uu udoodaayana xooga baadiyaha ah kaso galan, horaa loo yiri nin weyn afkisa xira isagana fura, mida kale maaha in la habartamo, oo layiraahda dad degan somalia dhulka iyo gobolada ugu bdan waa baa be’een, marka joobooyinka dad baa iska leh maamula iyaga u samaysan, xasan barafna uma taalo, marka ninkii hadlaya ha iska hadlo
Waxaan la yaabanahy Soomaalidu miyeeyan 22 sano caqliyeysan. Fitnada dhacdey USC waalid bey u ahayd. Iyada oo wax walba loo oggolaa ayay siyaasiyiintoodii waxaa indha-tirey wararka beenta ah oo kuwii danta ka lahaa ay ku halaageen caruurihii beelaha ay ka dhasheen, inteeyan wax yeelin Soomaalidii kale. Goortii ay tuulo walba reerkii lahaa laga qaadi waayey oo ay noqotey jifi walba degaankeedii ha maamulato, ayaa qeylo hor leh bilaabatey. War sheydaanka iska naara, oo ololaha colaadeed iska daaya. Waxaan hubaa kuwaas fitna walayaasha ah oo 20 sano iyo ka badan maamul sameysan waayey, in ayan Kismaayo iyo meel kale ayan wanaag u heyn, laakiin hinnaas ayaa haya. Markii Puntland la dhisayey, odeyaal BBC-da ka hadli jirey oo USC ah weli hadalkoodii waa duuban yahay. Markey arkeen in ay hanaqaadey waa ka hareen. Maanta Arinta Jubooyinka waa sidii oo kale. Markii maamul laga dhiso oo uu hanaqaado, markaas uu caqliga imaanayaa. Waxaan ku soo gabagabeynayaa, nimanka ka maseersan Jubaland, maseer wax mataree dalkii iyo dadkii imtixaan buu ku jiraaye ordayoo maamullo sameysta si ay Soomaali isugu timaaddo. Haddii kale, caruurta iska dhameeya saa caqli ma jiree. ilaah baana ah mid la ciirsado. Vivo Jubaland, Vivo inta danta ummadeed ka shaqeysa. Midkastoo ka carooda, orod oo god la gala carada iyo warka beenta ah oo cuqdadda kugu abuurey
kkkkkkk saxibayaal kismayo wax ad ka ogtihin malahan jibil kismayo lagama xukumo kismayo afar dagmo waye marka waxaa ku soo haray harti xebaha iyo tuloyinka kismayo oo dhan ayuu daganyahay hada xasusu heysan ogaden iyo harti ayaa daqa dhulka loo kala jaray birta dher ayaa kala qebiso qada hartiga iyo ogadenka
kkkkkk waad calacalaysayeeeee miskiin baad tahay qoralkaan waxaad u qoraysa waa hawiye iyo dir naceeb nasiib daro jubooyinka maalin ma maqlin harti ama ogadeen ayaa ka taliyay marka hartida aad shegaysid aaway xageey jiren markii jubooyinka la maamulayay hadana maamulka somali dhan ayuu ka dhaxeya hadad dhawada ruxdaana waa lis yaqanaa kkkkk awelba xishbam ma garanaynina waan ognahay maar baad taqanaan jubooyinkana xasan shiikh ayaa maamul usoo magacabayo xaqna isagaa uleh waxaana laga so qayb galinayaa jabuuti oo ayadana dagan xaqna uleh marka maamulka waa iriir oo dhan taas ogaada kkkkkk viva mqdsho
Waa qoraal heer sare ah, oo ka hadlaya waxii dhacay oo dhab ah. Ogaada hal ayaan idiin sheegayaa! Ninka aad leedihiin waa la doortay wax badan oo aqoon ah uma lihidiin, waxuuse ku shaqaynayaa Iririsam, waxaana arrintaa aad u wada ninka jabuuti madaxweynha ka ah iyo niman kale oo qurbaha iyo dalka gudihiisa jooga oo uu ka mid yahay cabdiqaasim salaad, Prf. afyare nin la yiraahdo oo qadar jooga, sh. garyare nin la yiraahdo oo canada jooga iyo niman London iyo meelo kale oo ingriisk ah jooga:
To finin adeer. Horta somalidu way istaqana. Tariqduna wa mid qoraan oo maguraan ah kismayo ama jubada hoose horta besha ogaden wa jubada dhexee bay dagaan jubada hoose maba jogaaan iskaba daye kismayo xitaa tulo kumay lahaan harti da ad shegena maba lama maqloo jubada hoose dadka dagaan oo migeda dagan wala yaqaana oo xolo dhaqatada ah magalo waxa leh ninki. Tuloyinkeda dagan kismayo tuloyinka ku herarsan dadka dagan wala garan marka adeer waxani wa mid qoraan kismayo wa ayandara ku dhacday oo naag garoob ah aye noqotay marba nin ba gursado 22 sano ee laso gursanayay kismayo maxa waxa harti loguyero logag maqlowayay waligay harti ba meshan dagan ama. Leh lama maqale hartidu xagay ka dagantahay bal inosheek adeer magalo badiyaheda ninka dagan ba sembari leh kismayo ninki jilib hesta xukumo wa mesha laga sogalo marka adeer canugyar batahay oo cano nuug ahee wax sobaro harti da ad shege 4 xabo iyaka kala cararay oo manta isaaq iyo dowlada kala hosgalay wax harti layirahdo mabajiraaan eber awalba been la dhodhobay bay aheet harti du ma majerten kaliya kuso haray hee meday hartidi kale war wad cebowde cebta alaha asruro
eng daad qormooyinkaagu waa xaqiiqo kahadal kutigood waan kutaageersanahay
boy sxb
faraha ma iskasoo dhaqday intaadan wax qorin
dagaal dadka jubooyinka asalka uleh israacsan miyaa daba madoobe iyo daanyeero soo hawaysan karaan ayna waa ciyaa afna waa hadlaa maqli jiray
kismaayo waxaa dega ugaadeen harti iyo qolooyin yar yar weligeedna deganaa umaduna wey taqaan waxaa u dhaw oo ganacsiga ku imaan jiray oo habeenkii ka tagi jiray qabaailo soomaaliyeed oo dega buaale baardheere gedo ilaa iyo xadka kenya yaan dadka been loo sheegin oo cidaan laheyn boos looga raadin sidaasaa dalka ayaa loo deganaa dowlada haka fiirsato
Adeer nin hadla haiska hadlo juboyinka cid laga kiciyay majirto dadki ilahay kuberay aya dagan waxa doonta kuyimid oo laga saray wa dadki dhabayada laoranjiray kismayo 9 beel ba dagan oo xaq uleh waxa ad wadan wa naceeb hawiye iyo dirta waqoyi iyo dirta jabuti lkn dadkas wa dad walalo ah wana dad ilahay. Aburatay ona is rabaan marka adeer warqad qor ama futada kahadal kismayo 1 qabiil ka arimin mayo ama dagal ama awood qaysi waxkale majiro hadi dagal layirahdona cide udarantahay wala garanayaaaa