Warqad Furan Oo Ku Socota Isimada Nabadoonada Iyo Wax Garadka Puntland
September 25, 2012 // Faallooyin, Opinion, Warar SomaaliWaxaan ku bilaabayaa magac Allah ee naxariis oo dhan iska leh
Shicibka Puntland waa shicib Rabbigeen sharaf iyo karaama dheeraad ah siiyey, wuxuu ku mannaystay deganaan iyo dulqaad, wuxuu ku mannaystay nabad iyo xasilooni jacayl, wuxuu ku mannaystay xaqsoorid iyo eexasho nacayb, wuxuu ku mannaystay dhul ballaaran oo laba badood iyo dhul baaxad wayn oo daaqsin, beerasho, macaadin iyo saliidba leh waa arin Allah loogu mahad naqo.
Shicibka Puntland wuxuu soo maray hagardaamayn fara badan oo kaga imanaysay dawladdii talada haysay sanadihii 1969 – 1991 iyo hagardaamooyin ay u gaysteen shicibyada ku xeeran ee ka kala xiga dhanka waqooyi galbeed iyo dhanka koonfurtaba. Sidaynu ognahay shicibka Puntland waa shicibka kaliya ee tanaasulaad iyo dulqaad badan ka sameeyey dhibaatooyinkaa iyo hagardaamooyinkaas loo gaystay. Waana shicibka kaliya ee aan bililiqo isu gaysan ama cidkale u gaysan markii ay burburtay dawladdii waddanka ka talinaysay.
Waxaa fiiro mudan cabashooyinkii isdaba jooga ahaa ee ka kala imanayey qaybo ka mida gobolada Puntland markii cabashadooda dheg loo dhigi waayey, waxaa ka soo shaac baxay ururo iyo maamulo. Sida ururadii SSC iyo Galgala, Maamuladii Khaatumo, Raascasayr iyo Galbeedka Puntland oo qaarkood u gacan galeen sitoos ah inay alshabaab ku xirmaan(galgala).
Masuuliyadda ugu wayna waxay dusha eedeedu ka fuulaysaa waa Isimada Nabadoonada iyo wax garadka Puntland oo isu xilsaari waayey inay maamulka ku khasbaan inuu cabashooyinkaas ka imanaya shicibka Puntland wax ka qabto.
Waxaan Isimada Nabadoonada iyo wax Garadka Puntland ka codsanayaa oo usoo jeedinayaa inaanay sahlan dhawaqa iyo sawaxanka dhibsiga ah ee shicibka Puntland.
Waxaan dhammaan shicibka Puntland ogyahay in nidaamka axsaabtu yahay nidaam maamul ama dawlad u horseedi kara horumar iyo baraare , sababtoo ah markii xisbi ku guulaysto Maamulidda Maamulkaas ama Dawladdaas axsaabta kale waxay shaqadoodu noqotaa inaanay marna kayeelin inuu maamulkaasi ka weecdo waddadii lagu doortay ee ahayd horumarinta iyo kor uqaadista bulshadaas dooratay Waa haddii loo maro dariiqa saxda ah. Wada saxda ahina waa hubka oo la uruuriyo, tirkoob la sameeyo iyo maamulka oo lagu baahiyo dhammaan gobolada puntland oo dhan.
Waxaa marka fiirin mudan arimaha lagu muran san yahay ee marxaladda kala guurka
Lifaaq 1
MARXALADDA KALA GUURKA
- 1. Guddiga Doorashada Puntland ee ugu horreeya waa ku meel gaar, waxaa laga dhex dooranayaa Dadwaynaha wuxuuna ka koobnaanayaa (9) sagaal xubnood. (5) shan uu Madaxweynuhu magacaabo, Golaha Wakiilladuna ansixiyo iyo afar (4) Golaha Wakiilladu soo sharraxo ka dibna ansaxiyo.
- 2. Guddigu wuxuu u xilsaaran yahay qabashada Aftida Dastuurka iyo doorashooyinka Golayaasha Degaanka ee ugu horreeya, xilkiisuna wuxuu ku eg yahay ku dhawaaqidda natiijooyinka doorashooyinka Golayaasha Degaanka iyo sharciyeynta xisbiyada siyaasadda.
- 3. Inta lagu jiro muddada xilhayntiisa Guddigu wuxuu leeyahay awoodaha ku cad Qodobka 114 ee Dastuurka Puntland.
- 4. Marka ay dhammaato muddada xilhaynta Guddiga Koowaad waxaa la dooranayaa Guddiga Doorashada Puntland ee rasmiga ah, si waafaqsan Madaxa IV, Qaybta 5aad, Xubinta 3aad ee Dastuurka Puntland
Waxaa halkaan kaaga soo baxaya in 9ka xubnood ee guddiga doorashadu ay soo xuleen hal dhinac waa Maamulka talada iminka hayee… shan(5) madaxwaynuhu soo magacaabay iyo afar(4) wakiiladu soo magacaabeen taa waxaa kaaga muuqan kara in guddigaasi hal dhinac ka yimi. Waxaadna ka feegjignaan mudan arintaan carab dalabka leh ee ah waxaa laga dhex dooranayaa dadwaynaha, ogsoonoow qofna ma xusho qof ka feker duwan oo aan qadiyad ku raacsanayn.
Sideebay marka dhex dhexaad uga noqon karaa guddigaani dhammaan xisbiyada iyo maamulka talada haya ee soo xushay, mise ka madax banaan karaan maamulkaas soo xushay. Doorashada ay qaban qaabiyaan guddigaan hal dhinac wada ahi ma noqon karaa mid kawada farxisa dhammaan axsaabta tartamaysa iyo xisbiga uu samaysto maamulka guddigaas xushay, Mise waxaa ka dhalan kara sawaxan iyo is qabqabsi aan damin.
Markaan fiiryey dastuurka iyo lifaaq1 waxaa iiga muuqan waayey qodob oronaya ama soo dhowaynaya in xilka loo kordhiyo maamulka hadda jira. Waxaan kaloo isku dayey inaan baaritaan ku sameeyo hal meel ah oo oronaysa ama faraysa in guddigaan u xilsaaran yahay in hub kadhigis lagu sameeyo cid alaale iyo cidaan ciidanka nabad suggidda iyo difaaca ka ahayn iyo inuu guddigaan u xilsaaran yahay tirokoobta dhammaan shibibka ku nool gobolada Puntland. Anigoo damacaygu ahaa inaan ku sababeeyo waqti kordhin maadama labadaas arimood ee hub iyo tirokoob ka ahi waqti u baahan yihiin lagu meel marayo.
Waxaa kaloo fiirin mudan nidaamka xulista guddiga doorashada ee dastuuriga ah ee aan ahayn lifaaq1.
Qodobka 113aad
NIDAAMKA DOORASHADA GUDDIGA
1. Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa saddex bilood ka hor ku dhawaaqaya wakhtiga loo muddeeyay ansaxinta Xubnaha Guddiga Doorashada, waxaana loo soo kala magacaabayaa, sida soo socota:
(b) Saddexda Xisbi mid waliba hal (1) xubin ayuu soo magacaabayaa.
(t) Madaxweynaha wuxuu magacaabayaa laba (2) xubnood oo lab iyo dheddig kala ah.
(j) Golaha Wakiilladu wuxuu magacaabayaa laba (2) xubnood, lab iyo dheddig kala ah.
(x) Golaha Wakiillada wuxuu ansaxinayaa xubnaha ay soo kala magacaabeen Madaxweynaha, Golaha Wakillada iyo Xisbiyada. Haddii xubin ka mid ahi Goluhu ansaxin waayo, wuxuu Guddoomiyha Golaha Wakiillada u qorayaa in ciddii soo magacowday ay ku soo badasho mudoo shan iyo toban (15) beri gudahood. Xubintii muddadaas lagu soo magacaabi waayo halkeedii waa ay bannanaanaysaa ilaa laga soo magacaabayo.
Waxaa kaaga muuqan kara sida cadaaladda ah ee nidaamka xulista guddiga doorashada ee dastuuriga ahi yahay oo ay ugu wada dhan yihiin dhammaan axsaabta iyo maamulkuba. Waxaa marka iman karta mar hadaan axsaabi jirin sidee ayaa lagu soo xuli karaa guddi doorasho oo loo dhan yahay.
Waxaa lagu heli karaa guddi doorasho oo dhex dhexaad ah in marka hero guddi loo saaro shaqadiisu tahay diiwaan gelinta axsaabta oo aan doorashada shuqul ku lahayn markii diiwaan gelinta asxaabta la dhamaystiro sida dastuurku qabo ugu badnaan 7 xisbi. in markaa la sameeyo guddi doorasho oo ku meel gaar ah guddigaas oo ka kooban dhammaan xisbiyada buuxiyey shuruuddii xisbinimo iyo maamulka. Tusaale ahaan haddii xisbiyadu noqdaan 5 xisbi min hal(1) ruux iyo maamulkoo lix (6) ah hadday 7 xisbi noqdaan min hal(1) iyo maamulkoo (8) ah iyadoo markasta la xaq dhowrayo hal dheerida dastuurku siiyey maamulka.
Guddiga noocaas ah ayaa waafiqi kara qodobka 112aad firqaddiisaa 1aad iyo 2aad ee dastuurka ee oronaya…
Qodobka 112aad
GUDDIGA DOORASHADA
1. Guddiga Doorashada Puntland waa hay’ad madaxbannaan, waxayna u hoggaansamaysaa sharciga oo keliya, waxayna xilkeeda u gudaneysaa si ka madaxbannaan dhammaan qaybaha kale ee Dawladda.
2. Waa hay’adda ugu sarraysa arrimaha doorashooyinka ee dalka oo go’aannadeedu aysan burin karin hay’ad kaloo dawli ah, marka laga reebo Maxkamadda Dastuuriga ah.
Wuxuuna guddiga noocaasi yeelan karaa awoodda uu siinayo qodobka 114aad firqadda 1aad xarfaha b, t, j iyo x ee dastuurka ee oranaya….
Qodobka 114aad
AWOODAHA IYO XILALKA GUDDIGA DOORASHADA
1. Guddiga Doorashada Puntland wuxuu leeyahay awoodaha iyo xilalka soo socda:
b) Fulinta iyo maamulidda aftida iyo habka doorashada sida Dastuurkani qabo.
t) Ku dhaqmidda awoodaha arrimaha doorashada, xallinta khilaafaadka, go’aaminta xuquuqda iyo ciqaabidda qof kasta oo ku xadgudba xeerka doorashada.
j) U oggolaanshaha xisbiyada siyaasadda, kormeeridda sharcinnimada hawlgalladooda iyo go’aan ka gaaridda is-qabadyada xisbiyada dhexdooda ah, markii qof ama koox xisbi ka mid ahi ay codsadaan in guddigu soo faragaliyo arrimaha xisbi dhexdiisa ka taagan.
x) Mamulidda qaababka lagama maarmaanka u ah gudashada xilalka Guddiga Doorashada iyo habraacyada hirgelinta doorashooyinka.
Gabagabadii dhinac kastoo loo eego maamulka hadda talada haya meel xuub caaro xataa culays dhan oo u ogolaanaysa waqti dheeraysi ma jirto, hadday ahaan lahayd Dastuur kii hore iyo kan danbaba hadday noqon lahayd lifaaq1 iyo hadday noqon lahayd caqliga saliimka ah ee Allah inoo siiyey inaan wanaagga iyo khaladka ku kala garanno.
Isimada Nabadoonada iyo Wax Garadka Puntland Ilaalinta iyo xaq dhowridda Nabadda iyo xasiloonida dhammaan degaanada iyo shicibka Puntland waa waajib idin saaran.
FG… anigu shaqsiyan ma ahi nin maamulka hadda jira ku kacsan ama taageersan ee waxaa ii muuqata in xaqiiqda runta ah toosh ku ifiyo anigoon shaqsina is raacinayn.(FG… fiiro gaara)
Wa Billaahi Tawfiiq
Qore: Eng Abdirashid Abdi Daad
Email: Guurey@hotmail.com



Qoraagu waa ku mahadsanyahay qoraalkaan, reer Puntland shacab iyo isimo,waxgarad way ogyihiin xaalka uu maamulka hadda jiraa soo gaarsiiyay oo u bedelay kala dambaytii wadanka Mafiyaysi….Marka waqtigoodi way qaateen waana la bartay , burbur maahee wanaagna laga sugi maayo, Marka waxaan kula talinayaa Maamulka iyo Barlamaanka Puntalnd ee suuxsan anigu wax lagu suuxiayay garan maaye, Gudoomiyaha Barlamaanka waxaa moodaa inuu yahay cooker ka Faroole inay ilaaliyaan destoorka iyo shuruucda wadanka uu dhigtay,marna aysan yaraysan fahanka iyo awooda shacabka.
Buraale ninka la baxay Faroole 66 xildhibaan ayaa soo doortay wuxuuna ku dhaartay 4 sano 66 xildhibaan waxa soo doortay oday dhaqameedyada waxana xalaaleeyay isimada waana nidaamka faroole lagu doortay laguna caano maalay waxbadan, anigu ma lihi halagu sii jiro nidaamkaas lakiin faroole kaas ayaa lagu doortay kaas ayaana waxkhtigu kaga egyahay, nidaamka xisbiyada badan waa howl dheer waana sii soconaysaa hadii faroole kusoo noqdo xilka meeshiisa ayuu ka wadayaa hadii qofkale ku soo baxana qofkaas ayaa sii wadaya. Laakiin riyada ah in Faroole iska sii joogo isaga oo wakhtigiisi dhabaaday si xaraana wax soconaya maaha waa in caqligu shaqeeyo, lana iska ilaawo nin jeclaysiga.
Qoraagu waa mahadsanyahay wuxuuna ka hadlay wax xaqiiqo ah waan anigu oran lahaa horta hala kala saaro mudo kordhin iyo tastuur hadii halsano loo kordhiyo maamulka hadda jira waxaa meesha ka baxaaya tastuurkii la ansixiyey waxeyna taasu dib inooku celineysaa burbur fowdo iyo wixii eynu soodhaafnay oo inuku soonoqda marka shacabka reer puntland waxaan leeyahay tastuurka iyo faroole waxaa muhiinsan tastuurka. faroole waashaqsi aut iska dheh oflinne
Inj Daad! Ma kulatahay in dr.Cabdiraxman Farole
iyo wiilkiisa Maxammad Seif dimoqraadiyad ina gaarsiinayaan.Dad la cuburinayo,la gaajeynayo oo la xirxirayo baanu nahay oo reer Faroole iyo musuqooda ka quustay.
Difaac puntland wuxu ahaa galkacyo mantaana qof qiimo leh kuma hariin, aqoon yahan, caqiil, culimo diin kuli waa la dhamey bari sidoo kale wax intaa ka si daran caasumadii dalka oo ah waliba meel family deego ayaa wax lagu diley xildhimaano faro badan, taliye ku xigeenkii police puntland ma dhibto ka weyne baa jirtaa ma waxanu sugnaa intaa dalku tulo tulo u kalo goyaayo
runtii wax jiraa dad meeshan waxey ku so qoraan cadifada qabiil oo rabaa iney ku difacaan maamulka fashilamaya lakiin waxan oran lahaa dadku waa isku mid waxanu rabnaa hogaamiye qiimo badan oo ku shaqaan karaa sinaataa iyo cadaladaa guud ma rabno nin hal tuulo dhisaayaa runtii. hadii ey jirto qolo aba qabiil dad kula socda waxey imaan doonaan markii dhibtu dhacado tuladoodi insh allahaa
Puntland people has to do the two most important, essential and neccessary: To work peace and security to its own people, to develop in every aspect: Army( you need Siyaad Barre Army style, economy, education, the most important University Hospitals, infrastructures, its own airlines,
governed by who knows most, then seek to free Mogadishu and Kismayo from the criminal occupation.
the Somali peace will not be possible,ifnot done something against the 21 years of occupation and indiscriminate killings.
Hawiye alone was living the occupied towns while every oneelse who living got killed and eaten his or her body. where is our people? where is peace? I do not like the lies and soft unreal approach to peace and problem solving, in the present circumstances in somalia. Like my words or do not like, I am asking where is our people?
W.Kh
Waa marka hore e Faroole iyo kuwan taageeraya waxay iska indha tirayaan in afar sano oo fursad ah uu heystey. Waa tan labaadey sanadka la dheereynayo wuxuu tegyaa 10 sano iyo ilma-faroole oo dhaxla xukunka Puntland. Waa tan saddexaade awoodda dowladda oo dhan waxay u shaqeeneysaa, haddiiba loo gudbo marxaladda axsaabta, in xisbiga dowladda uu soo laabto. Waa tan afaraade ……………… . Runta aanu isu sheegno, haddii afti xaq ah maanta la qaado, xataa reer Garoowe ayaanan doorteen Faroole. Qofka la diidan yahayna waa isaga. Sababtu waxay tahay maahan hoggaamiye xalaal ah.
Waxaan salamaayaa warbaahinta marka xigana waxaana salaamayaa qoraaga.
qoraagu aad baa u saxan yahay waana arin sax ah qofkii fikirkiisa ka hadla maaha in uu puntland cadow u yahay anigu waxaan aamin sanahay in cadowga koowaad ee puntland in uu yahay madaxweynaha Hada jooga Faroole sababtoo ah waxa uu ku mashquulay horo marinta Garoowe iyo eyl marka ninku madaxweyne uma aha shacabka Puntland. haduu diido in waqtigii loogu tala galay ay dib uga dhacdo wixii puntland ka dhaca isaga ayaa mas. uul ka ah waxaana hada dhacaysa waqtigan 66 dii xildhibaan dowlada dhalandoonta ayaa dhamaynaysa waxa ka dhiman xisbiyada laakiin hadaba lagaa yeelimaayo in aad saacad ku darsato dadka kama caqli badnid faroolow,
Jaamac
Puntlander iyo bulaale ma waxaad leedihiin 4sano arintuu maamulkaan ku qaban waayey sanad ayuu ku qabanayaa
haddii ku darsan maysid ladhaho puntland ayaa dumaysa
faroole soo kii oran jiray maaha maalin iyo saacad laguma darsan karo waagii cadde
isaga markii ladhaho ku darsan maysid puntland baa dumaysa
waar faroole jacaylka nagala taga qoraagu waa saxan yahay waana runtii
Anigu waxaan taageerayaa in Dowlada xilkeeda ey dhameysto xalna uma arko in doorasho xiligan la qaban karo ee waxaan lee yahay Ummada yaan loo horseedin dhibaato, qoraagu waxa aad moodaa inuu ka lee xanayo runta, waxa uu san qiimeyn xiliga iyo suurtagalnimada. ee waxaan lee yahay Qoraaga Ummada ha kicin oo Mustaqbalka yaan eel ku raacin.
Qoraaga waxaan weydiin lahaa suaal ma waxa uu maanta qabaa in Doorasho ey dhacdo January?? ma 66,Xildhibaan ayuu doonayaa iney dib u helaan 5,Sano oo danbe. Adeer anigu ma qabo doorasho in xiligan la qabto ee waa inaan ka dhursugnaa xiliga dowlada dhamaadka ah. Ummadu dagaal iyo Kursi ka riixasho uma baahna ee umamda xalkeeda yaan lagu khamaarin. Puntland horey bey u socotaa.