Warqad Furan Oo Ku Socota Madaxweynaha Puntland [W/Q: Gabdhaha Puntland]
November 26, 2012 // Announcement, Warar SomaaliBISMILAH MAGACA NAXARIISTA BADAN EE ALLE AAN KU BILOWNO.
Mudane xaalada puntland waa mid u muuqata mid cakiran waxaa laga dheehan karaa afkaara is diidan iyo Isfahan daro waana mid ayaan daro lagu tilmaami karo . Sawaxanka, cabashada, mudaharaadka, iyo guuxa ka soo yeeraysa bulashada Puntland qaybaheeda kala duwan ma yara lamina dhayalsan karo, sidaas awgeed waa arin u baahan in si taxadar leh loo eego iyadoo laga duulayo arimaha mandaqada ku xeeraan. Soomalidu waxay ku maah-maahdaa “ ninkaan arkin waxa soo socda, waxa jirana war uma hayo.” Puntland waxay gabaad u tahay dhamaan umada soomaliyeed intii nabad iyo nolol soo biday, gaar ahaan beelaha ku midoobay maamulkan, guud ahaan waxay si gaar ah hoy ugu tahay bahwaynta Daarood, sidaas awgeed hadii aan caqliga laga tagayn puntland waa ka wayn tahay dabcan meel shaqsi, koox, ama dad gaar ah sida ay doonaan ka yeelan. Sidaan filayo adiga naftadu ma moogid wacyiga dalku ku sugan yahay iyo in puntland cadow badan ay leedahay, marka umadan aad masuulka ka tahay waa lama huraan in la ilaaliyo nabadooda, midnimadooda, sharaftooda, iyo in la raaco meesha dantoodu ku jirto!
Mudane markii lagu dhaariyey Jan 2009 iyo waqtigii doorashada socotayba waxaad soo bandhigtay aragti fiican oo runtii dad badan ay soo dhoweeyen laakiin aad moodid in ay dhedo noqdeen.Mudane arinta maantay taagani waxa weeye maxaa ka hirgalay qodobadii muhiimka ahaa ee aad ku dhaaraY? Afar sano waa waqti dheer maxaa la taaban karaa balanqaadkii doorashada ka dib? Balantii doorasho xor ah ma dhacday 4 sano ka dib? Xorayntii las-anod ee ahayd magalada ka maqnayd puntland xiligii aad talada qabatay? Maxaa ka hirgalay kobcinta dhaqalaha, fidinta maamulka, mase jiraa mashruuc muuqda oo la taaban karo oo dowladadu fulisay? Arimahan aan kor ku soo xusnay hadii ay hirgaleen iyo hadii kale shacabka iyo taarikhda ayaan u daynaynaa! Si kastaba ha ahaatee shacabka puntland gacmo furan iyo fardo ayey kugu soo dhoweeyen oo waliba kula shaqeeyen mudadii aad xilka haysay ee 4sano ahayd! Marka ma is waydiisay maxaa is badalay? Maxaa keenay sawaxanka, baaqyada iyo mudaharadka? Maxaa abuuray is fahan la’aanta? Hadii shalay fardo lagugu soo dhoweeye maxaa keenay maantay in mudaharaad iyo daabad kale lagugu soo dhoweeyo? Arintu waxay u egtahay ninkii saca uu jeclaa caana ka waayey xiligii barwaaqada, ka dibna xili abaareedkii lo’odii ceel geeyey si uu u waraabiyo hase yeshe wuxuu waraabkii u dambaysiiyey sacii wuxuuna isaga oo la hadlaya ku yiri sacii:
HABOONOW GU’GA,
HAAN LAGUU TOLAY,
IYO HAN LAGUU QABAY,
OON LAGAA HELIN,
BAAD LA OONTOO,
AAD LA HORAN TAHAY.
Hadii aan dul istaagno balanqaadyadii badnaa sida: Soo celintii las-anod, sameynta xisbiya qaran afarta sano ee aad xilka hayso, kabida kabayasha dhaqaalaha, amniga, hormarinta waxbarashada,caafimadka, abuurid shaqo, abuurid mashaariic, dayactirka wadooyinka, dhamaystirka runwayska, canshuur dhimis, dawlad yar oo kooban, iyo qodobka kale oo badan waxaa lagu tilmaami karaa kuwa dhufan noqday!!!
Mudane inkastoo duruufo jireen laakiin wax badan ayaa la qaban karay. Marka hadii shacabku wax qabad muuqda arki waayeen ma mudan yihiin in loogu daro xil kororsi sida la yiri xeeladaysan? Maantay puntland xil kororsi uma baahna ee xal bay u baahan tahay iyo in laga hortago waxkasta oo dhalin kara khilaaf iyo Isfahan la’aan. Mudane waxaan leenahay “alle”uga baq umadan ogowna in beri lagu waydiinayo ku toosi sida ay ku jirto maslaxada dalka iyo dadku! Waa muhim in aad dhowrto balantii aad gashay iyo dhaartii ogowna sidii shalay laguugu dhiibayna waa arin qoran!
Puntland horay ayaa dhib uga soo gaaray sanad lagu darsado dacarna waa laga leefay. Marka hadii c/lahi dhib kala kulmay, Mohamed A. hashina laga diiday, Cade muse doorasho lagu khasbay, adiga maxaa kuu dheer?
Hadii arintu tahay xisbiyo ayaan uga gudbaynaa, Mudane sida qaynuunku qabo wax kasta waxay leeyihiin “procedure “ la raaco wixii intaas dhaafsan waa indha-cadays.marka dastuur dal loo sameynayo Waxa ugu horeeyaa (basic rules) waa:
- Wacyigelinta shacabka lana baro dimoqradiyada (civic education.)
· Amniga la sugo
· Tirakoob dadweyne
· Afti dadweyne ee dastuurka loo qaado
· Xuduudaha oo la xadeeyo
· Hubka oo shacabka laga ururusho
· Warqadaha aqoonsiga oo loo sameeyo mawaadiniinta iwm
Maantay soomali oo dhan waa qabaail wada hubaysan ogowna ninka dagaal sokeeya maanta u durbaan tuma ama wax is bida waa nin aan warhayn! Waxaa aad lagugu xantaa in ay kugu xeeran yihiin kuwa shacabka puntland u yaqaaniin “AARAN-JAAN” waxaa hubaal ah kuwaasi waa aafo la degay sharaftaadii iyo sumucadaadii!! Waxay u dhooban yihiin waa danahooda hadii dhib dhaco…allah naguma keene waa kuwa u horeeya ee baabuurta ku dhaca ama diyaarada ku soo booda ceebina ma qabato! Waxaa sidoo kale lagugu xantaa in aad siyaasada iyo familiga isku dhex baraxday waana arin ugub ku ah bulshada puntland…separate politics and family
GUNTII IYO GABAGABADII:
Waa arin masuuliyad ay ka saran tahay qof kasta (mucarad and muxaafid) in la dhowro nabada iyo wada noolasha lagana fogaado waxkasto oo dhantaali kara midnimada mandaqada. Arinta shaqsiga ah waa in laga hormariyaa mida guud, kuwa siyaasiyiinta sheeganaya waa in ay ka fogaadan wax kasta oo abuuri kara isku dhac. Waa in maskaxdu shaqaysaa talada la balaariyaa si shacabka puntland codkooda loo maqlo. Waxgaradka Puntland waa in ay sidoo kale ka cayaaran doorkooda allena ka baqaan!
Gaar ahaan m/weynaha madama masuuliyad gaar ah dalka iyo dadka ka saran yahay waxaan leenahaya ha iloobin dhaartii aad eebe hortii qaaday, ha hilmaamin sharaftii shacabka puntland kuu galeen, U danqo dalka, dadka iyo naftaada oo gola ceebeed ha dhex fariisan! “nabad baa naaso la nuuga leh” xukun wanaagiis waa sharaf uga tag, puntland gacantaada yaanay ku burburin ogow hadii xukun wanaag leeyahay qarnigan ka fiiri SAdam, GADAFi, MUBARAK, ZINE AL ABIDINE BIN ALI, ali . A . salah, ASAD IYO KUWA HORE U LUMAY balse waxaan ka hadlaynaa puntland oo qabaail ku dhisan ama m.weyne ha loogu yeero ama oday beeled iska dheh
Alla mahad leh!
Qore :SAINAB MOHAMUD and : fowzia abdi elmi
Gabdho Aqoon-yahano reer Puntland ah



Noo sheega haddi saydku uu qardho kaliya u furanyahey ama aad ku qanacsantihiin eedeynta madaxweynaha puntland aadna ka naxeysaan eedaha kuwii ka horreyey iyo kuwa hadda soo socda oo ka sii liitaa 100% sida samatar iyo gaagaab iwm.
Waa in qofkasta xuuriyaddiiisa la ilaasho laakiin waa in aan qalad ka fahmin waxa la yiraahdo xorriyatul qawl oo qof walba suu rabo uu u dhaqmin oo dadka xorriyaadda u doodaya aysan xorriyadda kuwo kale ku xadgudbin. Anigu meeshaan waxaan ka arkaa dad xorriyad si gaar ah u raba ayaga oon dan kalaheyn xorriyadaha ummado badan oo ku nool Puntland. Waxaan ku darsanlahaa iintaas in haddii aad fikirkeyga soo gudbin waydaan si ay dadku uga faaideystaan aan qoraaladaan iyo kuwo lamid ah ku soo daabici doono warbaahinta xorta .
Afwaliijiyo Aaran Jaanoo Oomaraan Jiraay,Eed ma’aaylehe Kii Idmadayoow Eednaay agabkaa?
PUNTLAND WAXAY WADAA HORUMAR HALA RACO KUWA U DURBAN TUMAYA COLADA OO SHACABKA KICINAAYA PUNTLAN KHAYR UMA HAYAN EE HORUMARKA P/L HALAGA WADA SHAQEEYO, MADAXWEYNE FAROOLENA WUXU NOQDAY MADAXWEYNII P/L UGU FICNAA, marka wa istaahilaa in 1 sano iyo 4 sano oo dame loogu daro, pl jiritankeedu wa muqadas.
Cismaan Maxamuudow runtaan idiin sheegayaaye hadaad joojin weydaan waxaad wadaan tareesa Ida ka dhergaysa,, adeerayaal ceel-afweyn baad u xiisteen iyo dhabarka xabad layda kala dhaco
Asc Wr Wb. Cuqaasha puntland, Culmaauudiinta Puntland Iyo Waxgaradka Puntland waxaan usoo jeedinayaa in Puntland la badbaadiya lagana qabto dictatorka Faroole ee dalii siiyey cadoow. Faroole iyo Midka Ku xigaba Generaal Cabdisamad oo ahaan Jirey Abaanduulihii Hore Ee Somaliland labadubana qabo dumar iidoor ah waa in raggan dalka laga qabtaa. Labaduba waxay u adeegaan Somaliland. Shacabka hakaceen, ciidanka puntland caloosha ku weynaatey Xerada 54 ee garoowe dhex fadhiya hala howl galiya waa inay xuduuda Puntland soo xiraan.. Faroolow waa lagu ogaadey inaad tahay dabadhilif somaliland balse haddaa xukunka diido inaad ka degto January-8-2013, xabad baa lagaaga saari Puntland. Inta aysan dhicin dagaal waxaa kula talin lahaa Cuqaasha Puntland ee maanta u af duubaan ee uu laalushka ka qaata faroole inay Alle ka cabadaan ee Faroole ka hor wadaan shacabka Puntland. Faroole waxaa uu Qardho ujoogaa inuuu cuqaasha Puntland laaluush taa haddeey dhacdo cuqaasha noo fadhido Qardho waa badaleyna ee tuugta noqotey. Waxaa kalo lee yahay wasiirka amniga ee Puntland waa tuug waa ninkii xukunkii Jaamac cali jaamac afgambiyey soo raacey c/yuuf xsuuqa ka geystay Puntland. War halo kaco puntland haddii la diido so ma ahan, yaan laga shalaayin. asc wr wb
Farolow hanoqon indho kugaraadle ee noqo maskax kugaraadle hanakatalaabin xeerka DURIYADDII DAAROOD ISMAACIIL !!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!
khasab ah ma ah in loo hogansamo maamul uu wakhtigiisii dhamaaday mida kale
waa iska na nac meeshaan dhib majiro ee raaca nidaamka putlnad