Warqad Furan Oo Ku Wajahan Xildhibaanada Puntland

October 9, 2012   //   Faallooyin, Opinion, Warar Somaali

Waxaan ku bilaabayaa magac Allah ee naxariis oo dhan iska leh

Mudanayaal iyo Marwooyin, sidaad ogtihiinba waxaad huwan tihiin cimaamad sharafeed ay idin saareen shacabka qiimaha iyo qaayaha badan ee Puntland…

  • -Waxay idin siiyeen codkoodii iyo kalsoonidoodii oo idinku aamineen.
  • -Waxay muran la’aan qaateen cidaad u doorataan hagidda waddanka.
  • -Waxay u samraan qalad kasta oo aad gashaan xilliga doorashada.
  • -Waxay ku qancaan waxaad tiro dheeri isku raacdaan oo aad go’aamisaan.

Mudanayaal iyo Marwooyin, shacabkaas qiimaha iyo qaayaha badan ee reer Puntland maal idinma waydiisan oo iyagaa muhshaaradiina baxsha, dhac iyo boob idinma waydiisan oo waa shacab xalaal quudata ah oo xaaraanta neceb, wax kasta oo bulsho ku tanaaddo iyagaa u kacay oo qabsada sida waxbarashada, caafimaadka, ganacsiga…iwm

Mudanayaal iyo Marwooyin, shacabka Puntland waxa kaliya oo ay  idin waydiisteen waxaa weeye…

  • -Inaad doorataan Maamul hanta nabad galyadooda oo noqda xarrigga isku haya  soddon iyo todobadaa degmo ee shacabkaasi deggan yahay.
  • -Inaad utaagnaataan xaquuqda degma kastaa ku leedahay maamulkaa aad u doorateen ka talinta aayaha soddon iyo todabadaa degmo shacakaasi deggan yahay.
  • -Inaad dhowrtaan sharafta, karaamada iyo damiirka shacakaas ku nool soddon iyo todobadaa degmo iyo daafaha adduunka.
  • -Inaad xuuraamisaan oo u kuur gashaan dhawaqa, sawaxanka  iyo cabashada shacabka ku nool soddon iyo todobadaa degmo ee kalsoonidooda idin siiyey oo aydaan dhegaha ka furayasan.

Mudanayaal iyo Marwooyin, waagaan yaraa waxaan maqli jiray dawacadu markay qayliso hadaan dawaca kale qayladeeda u jawaabin dhogortaa ka muruxda ceeb iyo yaxyax darteed, dhogortu waa hu’ga ama dharka xayawaanka ceebtiisa Rabbi swtc ugu asturay… dharka ama hu’ga runta ah ee bulsho leedahay waa nabadda.

Mudanayaal iyo Marwooyin, dharka saxa ah Rabbi swtc wuxuu ku tilmaamay inuu yahay Libaasu Attaqwaa, waxaa caqli kasta oo nadiif ahi garan karaa in Taqwadu tahay nabadda ka dhaxaysa shaqsiga iyo Allah Raxmaanka ah ee abuuray, hadduu jabiyana uu shaqsigaasi u bareeray colaadda Allahii abuuray. Waxaa kaloo Rabbi ina faray wadajir, wadajir waxa keena waa nabadda, waxaa kaloo Rabbi inagula taliyey saamaxaad iyo iscafin, waxay saamaxaaddu dhex dhigtaa labadii is qoonsaday nabad.

Mudanayaal iyo Marwooyin, waxaan filayaa inaydaan ka garasha liidan dawacada garatay inay dhegta u raariciso dawacada kale dhawaaqeeda, oo aad dhagaysataan dhawaaqa bulshadii cimaamadda sharafeed idin huwisay oo aydaan ka abaal dhicin.

Mudanayaal iyo Marwooyin, haddaanu nahay shacabka puntland ee qiimaha iyo qaayaha Rabbi swtc ku manaystay waxaan idin leenahay …

  • -Aqoon yahanaddii iyo wax garadkii dhex mushaaxi jiray dhammaan soddon iyo todobada degmo ee Puntland meel manoogu sheegi kartaan aan ka doonannee.
  • -Baayac mushtarkii camirayey dhammaan soddon iyo todobada degmo ee Puntland meel manoogu sheegi kartaan aan ka doonannee.
  • -Sinaantii iyo xuquuqdii ay mudnaayeen dhammaan soddon iyo todobada degmo ee Puntland meel manoogu sheegi kartaan aan ka doonannee.
  • -Sodon iyo todabadii degmo meeshay ku danbeeyeen meel manoogu sheegi kartaan aan ka doonannee.
  • -Burjigii iyo karaamadii aan lahayn oo bulshooyinka inagu xeeran nooga gabanayeen oo nagu ixtiraamayeen meel manoogu sheegi kartaan aan ka doonannee.

Mudanayaal iyo Marwooyin, haddaanu nahay shacakii sharaftoodii idin huwiyey maanta kaaramadii, damiirkii iyo burjigii aan lahayn wuxuu ka dhacay haadaan, waxaana masuuliyaddeeda qaadaya waa idinka, sababtoo ah waxaa marxaladaas keenay maamulka aad u doorateen inuu ilaaliyo karaamada iyo sharafta shacabka reer Puntland.

Mudanayaal iyo Marwooyin, waajibaadka saaran maamulka aad doorateen wuxuu ahaa…

  • -Inuu xukunkiisa ku baahiyo dhammaan soddon iyo todobada degmo ee Puntland.
  • -Inuu hanto nabad kuwada noolshaha shacabka Puntland kana ilaaliyo cid alaale iyo ciddii xadgudub ku samaynaysa xasiloonida iyo nabaddooda.
  • -Inuu garab istaago kuna taageero dhammaan siyaasiyiinta reer Puntland ee tartanka u gala madaxtinimada Jamhuuriyadda Federalka  Somaliya.
  • -Inuu isu taago ilaalinta xuquuqda dhammaan ganacsatada reer Puntland ee heshiisyo la sameeya shirkadaha aan ahayn reer Puntland.

Mudanayaal iyo Marwooyin, waxaa markhaanti ma doonta ah in maamulka maanta talada hayaa gabay dhammaan waxii loo idmaday inuu hanto…

  • -Waxaan markhaanti ka tihiin inaan maanta xukuumaddii gaarsiisnayn dhammaan 37 degmo ee shacabka reer Puntland deganaayeen.
  • -Waxaaad markhaanti ka tihiin in nabaddii iyo xasiloonida faraha ka baxday oo aan xataa martidii doonaysay inay horumar ka dhexsameeyaan dariiqa loo galo.
  • -Waxaad markhaanti ka tihiin in si bareer ah maamulka hadda jira ugu dhawaaqay inaay siyaasiyiinta Puntland soo mareen jagooyinka sare ee Federalka oo ay u baneeyaan siyaasiyiinta kale.
  • -Waxaad markhaanti ka tihiin in maamulka hadda jiraa olole u galay jagada guddoonka baarlamaanka si siyaasiyiinta Puntland u waayaan Madaxwayne iyo Raysal Wasaare.
  • -Waxaad markhaanti ka tihiin in dhammaan ganacsatadii waa waynaa ay katageen Puntland oo  magaalooyinkii Boosaaso iyo gaalkacyo haawanayaan maanta.

Mudanayaal iyo Marwooyin, haddaanu nahay shacabka Puntland intaas iyo in kabadan oo hagardaama ah iyadoo ay na soo faadsaartay hanoogu darina dhibaatooyin kale, runtii Nidaamka Axsaabta waa rabnaa laakiin haddaan maamul nabad galyada iyo xasiloonida hanan karaa jirin, nidaam kaas axsaabta ee wanaagga ahi waxuu abuurayaa holac iyo burbur aan laga soo kaban karin.

Mudanayaal iyo Marwooyin, Dastuur sidiisaba waa ilaalinta xuquuqda iyo nabad galayada shicibka, haddii maamul jiraa hanan waayo ilaalinta xuquuqda iyo nabadgelyada shacabka dhammaan qodobada Dastuurka maamulkaasi waa Jabiyey.

Mudanayaal iyo Marwooyin, waxaa Dastuurku awood buuxda idiin siinayaa haddii maamul jabiyo qodobo Dastuuri inaad kala noqon kartaan kalsoonida, maamulnimadana ka xayuubisaan.

Mudanayaal iyo Marwooyin, haddaydaan awoodi karin kalfadhi inaad isugu timaadaan daruufo nabad galyadiina awgeed ah waxaad awoodi kartaan inaad ku noqotaan shacabkii idin sharfay oo aad iska casishaan oo iska tuurtaan heeryadaas gunnimo oo aan Rabbi idin badin…

Maamul aan ilaalin karin xasiloonida, nabadgalyada, xuquuqda iyo karaamada dhammaan shacabka reer Puntland xaq umalaha inuu jagada hayo…. Run Sheeg Waa Xaq Sheeg.

 

Wa Billaahi Taw Fiiq

Qore: Eng Adbirashid Abdi Daad

Email: Guurey@hotmaill.com

 

COMMENTS

RSSComments (6)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. wadani says:

    asc eng crashiid waa ku mahadsanyahay qayladhaanta xanbaarsan wadaninimada ee uu usoo jeeday baarlamaanka puntland.sababta oo ah baarlamaanku waa kuwa keliya ee maanta sabab u noqonkara badbaadada dawlad goboleedka puntland.dadweynuhu wuxuu ujeedaa dhankooda waxaana laga sugayaa maalmahan talaabada ay qaadan.waxaan rajaynaynaa in ay noqdaan kuwii badbaadiya puntland oo taariikhdu marna aanay ilaawin.

  2. Axmed says:

    Daahir sxb

    maamulka 4 sano markay ka dhamaatay ayuu wax qabanayaa ee sanad haloogu daro makula fiican tahay. puntland 8 gobol waana 37 degmo hadaadan aqoon dadka haku qaban

  3. Dahir Mohamed says:

    halkee baad ka keentay,37 da degmo ee puntland,ay ka koobantahay.degmooyinka sharciga ah ee ka jira puntland waa 21,degmo,malaha tuulooyinkii,baad degmooyin ka dhigtay.
    maamulka puntland ee hadda jira,runtii waxaa uu u baahanyahay,in mudada oo qabsaday oo weliba yar loo daayo,si uu u dhamaystri,howlaha badan,ee leh,diyaarinta asxaabta,wacyigelinta pulashada,si ay arimaha kala guurka nidaamkii hore iyo kan cusub,loogo diyaargaroobo.
    in wax la mucaarado aad ay u fududahay,balse in wax muuqda oo umadda iyo jilasha soo socda wax u taraya la diyaariyo,waa mid mudo iyo waqti u baahan.dadka danaha gaarka ah leh,waa in aysan,bulshada puntland aysan,jahawareerin,madaxdo way tegi laakiin,shacabka iyo dowlada puntland way jiri.

  4. Liban says:

    Walaalhi waa arin aad u mihiima ah arintan uu ka hadalay Eng Abdirishid waan arin u baahan in wax la iska weydiiyo. tankale waxaan aniga ku talin lahaa in ee hada ku dhawaaqaan in ee xilka iska casilaan dhamaantooda maxaa yeelay. wax badan ayaa ka maqaan dhamaantooda dad kale oo wax qaban karo mesha ha yimadaan hadii kale arinta meshan meel ka xun ayey gaari doontaa.

    waxaan ilaah ka baryayaa in Puntland badbaadsho cadow gudaha iyo mid dibada ayey leedahay ee reer Puntland meel kasto aad joogtaan isku tashada walaalayaal.

  5. hogaamo says:

    asc, runtii qoraalkaani waa qoraal qiimo badan, lakiin kuwa meesh fadhiyaa xildhimano lama oraan karo baan qabaa wax u yala isbaaro waayo hadii ey yihiin dad damiir leh wax hortooda lagu dilay kuwa badano ka mid,wax sidoo kale hortaada lagu dilay taliyayaal cidaan, wasiiro gacansto,culimo diin, wali ma jiro qof ka hadalay arimahaas koro ku xusaan,marka waxanu ugu yeeri karnaa waa isbaaro kunoolo ee lama oran karo xildhimaano xildhimaan waa kii ka hadal wixi xuun oo shacabka dhib ku ah. waxan rabaa inaan talo kooban siiyo hadii aad si joogtaan meesha waxad ogtaan waxad la kulmi doontaan inuu shacabku idin ugaarsaado insh allaha mar dhow

  6. Axmed says:

    wallaahi qoraalkaan muhiim weeye waxaan eebe katuugaa xildhibanadu qaataan taladaan eng daad oo badbaadiyaan puntland

Leave a Reply