Warqad Lagu Cadeynayo Mowqifka Waxgaradka Qardho oo Loo Qoray Hay’adda PDRC

October 6, 2012   //   Warar Somaali

{Qardho 06-10-12] Aqoonyahanka iyo waxgaraka degmada Qardho ayaa qoraal jawaab ah u qoray Hay’adda cilmi baarista Puntland ee PDRC oo iyagu maalmahan howlo shaqo u joogay magaalada Qardho. Qoraalka ayaa ka jawaabaya sida ay u arkaan in xukuumada Puntland hal sanno loogu daro, iyadoo xukuumada talada heysa ee Puntland uu wakhtigu kaga egyahay Maalin Talaado ah 8.Janayo-2013.

Akhriso Qoraalka PDRC iyo Inter peace ay u qoreen shacabka Qardho

Ku Hay’adda Cilimi-Baarista Puntland (PDRC)
Og: Hay’adda Inter Peace

Bayaan

Tixraac: Kulan ay xalay (4/10/2012 wada yeesheen qaar ka mid ah shakhsiyaadka bayaanka soosaarey iyo Agaasimaha PDRC.

Ujeedo: Mowqif siyaasadeed

Sida lawada ogsoon yahay xaaladaha siyaasadeed, nabadgelyo iyo dhaqan-dhaqaale ee Puntland waxay marayaan marxalad murugsan oo aan yididdiilo, rajo iyo soo-rayn toona looga fadhiyin.

Iyadoo aanan arrimahaas si guda-gal uga faalloonayn una faaqideyn,waxaan halkan ku taxaynaa dhawr qodob oo si urursan uga turjamaya mawqifkayaga iyo aragtidayada ku aaddan arrimaha siyaasadeed ee hoggaanka muddadiisa xilhayni gabaabsiga tahay uu maalmihaan dambe maaraynayo:

1. Ku dhaqanka qormada Dastuurka loogu magac-daray iyo lifaaqa ku sitkani waa sharci darro aan dimoqraddiyadda, maan-galnimada, iyo danta guud ee shacabka Puntland meelna ka soo gelin.

2. Doorashada Madaxweynuhu waxay ku aaddan tahay Talaado, 8da January 2013, iyadoo aan haba-yaraatee ku darsi iyo dib u-dhigid toona laga hadli karin.

3. Waxay maalmo tirsani ka harsan yihiin xilka Golaha Wakiilada ee haatan jira,iyadoo ay tahay in xubnaha golaha cusub la soo xulo isla markaana loo baahan yaay in dib-u-eegis lagu sameeyo lagana run sheego Juqraafiga siyaasadeed ee jira.

4. Waxaa hubaal ah in guud ahaan dadweynaha Puntland uu qabo isla fikradaha uu bayaankani xanbaarsan yahay, iyadoo ay xubnaha bayaankaan saxiixay ay yihiin guddi matala kuna hadlaya magaca intooda badan Bulshada Qardho.

5. Iyadoo ay Puntland 14sano jirsatey bilana u ba dheeryihiin suurtagal ma aha in amni-darro,hoosayn maciishadeed, horumar la’aan, maamul-xumo, saboolnimo, ku-tagrifal awoodeed iyo xadgudub sharci,  lagu negaado loona seeto-dheereeyo.

Sidaa daraaddeed, waxaa la quuldarraynayaa in 8/1/2013 la asateeyo maamul hanan kara mas’uuliyadda, fulin kara si dhab ahna uga turjumi kara danaha shacabka isla markaana sumcad iyo makaanad la xurmeeyo ku yeelan kara qaddiyadda Soomaaliya.

Suurtagal ma aha in dimoqraaddiyad loo tallaabsado iyadoo loo marayo tub iyo hannaan aan dimoqraaddiyadiba wax la wadaagin.

wabilaahi Tawfiiq

Saxiixayaasha Hoos ka akhri

 

COMMENTS

RSSComments (1)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. haboon yuasiin says:

    dal iyo dibadaba si fiira gaar ah ku jirta ayaa puntland siyasadeeda indhaha loogu hayaa,
    mudane madaxweyne dalka ha u horseedin burbur iyo halaag, afar sano ayaa lagu doortay una dhaaratay , tan labaad saxaafada xorta ah ma caburin kartid maxey tahay sababta albaabada la isugu dhuftay maanta horseed media ee ka hawl gasha gobolka bari bosasso??
    waxaan ku suganahay wadnaka dibadiisa hase yeshee waan ognahay waxa ka socda wadnka.
    waxa ay puntland maanta mareysaa in wiilka madaxweynaha uu afduub u heysto diyaarad laga leeyahay wadnka armenia oo ay soo kireysatay shirkada saracen, maxamed faroole wuxuu ku doodayaa in uu diyaarada isagu leeyahay.
    taasi waxey muujineysaa in hogaanka puntland ka jira in uu faashil yahay shacabkuna ku kalsooneyn.

Leave a Reply