Warsaxaafadeed Kulankii dhex maray Musharax Farmaajo iyo Taliyaha Ciidamada AMISOM
August 11, 2012 // Warar SomaaliWaxaa galabta kulan gaar ah ku yeeshay Taliska ciidamada Nabad illaalinta ee AMISOM Musharaxa madaxtinimada dalka Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo Taliyaha guud ee Ciidamada AMISOM Gen. Paul Lokech.
Kulankan oo uu codsaday taliyaha ciidamada AMISOM ayaa waxaa looga wada hadlay arrimo la xiriira wada shaqeynta labada dhinac iyo sidii looga wada shaqeyn laha jawi nabadeed oo lagu soo dabaalo inta laga gudbayo marxaladda kala guurka iyo doorashooyinka oo ay magaalada ku sugan yihiin musharaxiin fara badan kuwaasoo halgan ugu jira sidii ay uga qeyb gali lahayeen doorashada loo balansan yahay August 20 inay magaalada ka dhacdo.
La-taliyaha Musharaxa madaxtinimada Mudane C/llaahi Yuusuf Maxamed oo isagu ka mid ahaa dadkii ka qeybgalay kulanka ayaa xaqiijiyay in labada dhinac AMISOM iyo Musharaxa ay si degan oo ay ku jirto xushmad iyo qadarin ay ugu balan qaadeen wada shaqeyn dhanka ammaanka ah.
“Waxay noo sheegeen inay AMISOM ay dhex dhexaad ka tahay xaaladdaha siyaasada dalka iyo ololaha doorashooyinka” ayuu yiri C/llaahi Yuusuf oo xusay in AMISOM ay u balan qaadeen cidii ku guuelysto doorashooyinkan ay la shaqeyn doonaan amaankana sugi doonaan.
Sidoo kale, AMISOM ayaa ka tacsiyeysay dhacdadii shalay ka dhacday fagaaraha Sayidka oo ay kooxoqaswadayaal ah rasaas ku fureen dadweyne muujinayay taageeradooda musharaxa Farmaajo ay u hayaan, wuxuuna u xaqiijiyay in dadkaasi la gartay lana xiray, isla markaana la marsiin doono cadaalada.
Dhinaca kale, Taliyaha ciidamada AMISOM Gen. Lokech ayaa u balan qaaday Mr. Farmaajo in wixii culeysyo amni ah oo soo wajaha ay diyaar u yihiin inay kala qeyb qaataan, oo ay ka hortegi doonaan wax kasta oo khal khal amni dhalin kara. Waxay kaloo labada dhinac isku afgarteen haddi culays dinaca amniga soo foodsaaro musharah iyo kambaynkiisa ay diyaar ula yihiin in ay nabad galyadiisa la wareegi doonaan ayuu yiri ugu dambeyntiina C/llaahi Yuusuf Maxamed oo ah La-taliyaha Musharaxa madaxweynaha Mr. Farmaajo.




This guy farmaaji came from all the from the u.s to stand for somalia’s president? It ain’t adding for me. This same guy was among privileged Somalis who was chosen by his god forsaken uncle bare to be a consular at the Somali embassy in Washington DC and once he saw his uncles government was going down decided to apply for refugee asylum status then went to school where he got the degree he says he has.
This same people are the once who destroyed our country and right now they are coming to steal quick millions of dollar and go back to where they come from.
Somalis wake up and choose the Somali patriots and then send all this war criminals to courts.
Otherwise they criminals will be recycling themselves in this government positions and I bet you Somalia will never get to it’s feet. Reality is always bitter yet again it’s what it is.
ASC PUTLAND NEWS waan salaamayaa akhristayaasha webka waan soo dhaweynaynaa sida xushmada leh ay amisom kulanka ula qaadatay musharaxa dhanka kale waa war wanaagsan in ay amaankiisa sugto musharax kasta oo doorashada isu soo taago maxaa yeelay hadii aysan taas dhicin waxaa jirayso hanjabaadyo iyo carqaladayn lagu sameeyo musharaxiinto taas oo uga imaan karta raga hada talada haya xiligaan maadaama ay ciidama qaranka ay ka amar qaataan si kastaba waan arki doonaa sida ay wax u dhacaan. FG: Waxaan codsi u soo jeedin lahaa macaamiisha webka inay carabkooda ka ilaaliyaan wixii cadhiifad qabiil kicin kara waa la ogaaday soomaaliya makala adko mana kala maaranto maahmaah soomaaliyeed isma hurayside yaan la is halayn waad mahadsantihiin dhamaan walaalayaal. “uga tag fikrad wax ku ool ah ama talo wacan oo qiimo badan commentigaaga” abdifatah ahmed