Warsaxaafadeed: Somali Economic Forum(SEF) oo Hambalyo u diraya Hogaanka cusub ee Dalka Hassan Sheikh Mohamud
September 16, 2012 // Warar SomaaliTaariikhda 16ka Sep 2012
Anagoo ku hadleyna magaca bahda Somali Economic Forum, waxaan halkan hawada u marinaynaa tahniyad, bogaadin,duco, raynrayn iyo salaan qaali ah oo ka soo go’day kasha iyo laabta prof. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliyeed mudane Hassan Sheikh Mohamud, Gudoomiyaha barlamaanka mudane prof. mohammed cusman Jawaari,mudanayaasha baarlamaanka oo la’aantood aan yididiilada manta na wada saamaysay aanay jirteen, oo sidoo kale aanay suuragasheen in la helo guddoomiye baarlamaan oo xaalaal ah, kadibna guddoonkii baarlamaan iyo baarlamaankiiba ay u codeeyeen prof xasan sheikh maxamuud. Waxaan kaloo halkaan mahad kal iyo lab ah uga diraynaa guddoomiyaha gudiga doorashada Dr Maryan Cariif Qaasim oo muujisay daacadnimo iyo hufnaan. Waxaa iyadan xusid mudan boqorradii, salaadiintii,cuqaashii iyo odayo dhaqameedyadii dadkaa wanaagsan soo xulay iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed. Waxaanu leenahay Hambalyo, waxaa mar labaad iyo mar boqolaadba farxad, iyo guulba inoo ah in manta oo mudo 41 sanadood kadib la helo doorasho xalaal ah daacadna ah.
Waxaanu aamin sannahay in qofkasta oo soomaaliyeed uu qayb libaax ka qaato mas’uuliyadda ka saran dib u soo noolaynta haykalkii dowladnimo iyo tiirarkii noloshu ku taagnayd sida nabadda iyo xasiloonida, kobcinta dhaqaalaha iyo dhisidda kaabayaasha dhaqaalaha taasoo casrigan cusub la jaan qaadi karta.
Madaama Somali Economic Forum ay diiradda saarto arimaha khuseeya dhaqaalaha, oo ay si gaar ah ugu wajahan tahay dhaqaale tayeenta iyo kobcintaba, waxaanu diyaar u nahay oo aannu ballan qaadaynaa in aan la shaqeyno wakaaldaha dowladda oo howlahaan dhaqaale ku lug leh iyo wax allaale iyo wixii talo iyo tusaalaba aanu siino ayaa naga go’an.
Waanu ogsoonahay dowrka weyn ay beesha caalamku ka ciyaartay dhammaan arrimaha soomaaliya iyo sidii xal loogu soo dabbaali lahaa dhibaatoyinka gaamuray ee ka jira waddankeenna iyo sidoo kale carqaladdaha hortaagan guud ahaan gayigeenna. Sidaa owgeed waxaannu u mahad celineynaa Pro. Augustina Mahiga, QM qeybta Soomaaliya oo aanu leenahay waad ku mahad santihiin dadaalkii dheeriga ahaa aad geliseen geedi socodka nabadeed ee Soomaaliya.
Siddoo kale dowrka muhiimka ay ka ciyaareen dowladaha carabta iyo kuwa Afrikaanka sida AU, Gudiga Farsamada Doorashooyinka.
Waxaanu aamin sanahay in mudo dhow Soomaaliya eey cageheeda isku taagi doonto, waxaa kalsooni weyn ina galiyey annaga oo xisaabta ku darsanayna kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya Ilaahey ku manaystay iyo soo badashsda aqoonlayda iyo xirfadlayda soomaaliyeed oo buuxin doona kaalimaha kaga aaddan dib u dhiska waddankeenna iyo kaashanaaya khibradaha ummadaha kale. Waxaan Ilaah ka baryeennaa in aanu gaari doono horumar sare, taana ay noo suura galindoonto in aanu noqonno dowladaha uugu dhaqaalaha kobaca fiican Afrika iyo Caalamkaba.
Ugu dambeyntii waxaanu jecelnahay in aan farxaan iyo reyn reyntaan lawadaagno shaqsi kasta oo Soomaali ah meelwaliba oo uu ka joogo aduunka.
Allaha Barakeeyo Soomaaliya!
Bahda Somali Economic Forum
www.somalieconomicforum.org



Which economy you are talking about, is that the way you are trying to trick the innocent somali people. Where is our country, where is our people, where is our nation? That federal dirty name will never work for somalia.
W.Kh.
yaa idiin xilsaaray economics wa laydinka qaadaa jagadaas waad riyoonaysan mahiigana ma naqaano.kkkkkkkkk
Federal name is not acceptable, it is a dirty name in that country.
We only accept the name: United States of Somalia (USS)
Puntlander.
W.Kh.