Warsaxafeed Dowladda KMG Soomaaliya oo gacanta ku dhigtay 89-sarkaal oo Al-Shabab katirsan
July 14, 2012 // Warar SomaaliXoogag ka kala socda hay’adaha dowladda ee amniga oo ka kooban Booliska, Nabadsugidda iyo Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgalo balaaran ka sameeyay sitimaankii tagay qeybo ka mid ah caasimadda oo ay ku dhuumanayeen xubno ka tirsan ururka argagixisada ee Al Shabaab.
Howlgalka ayaa waxaa lagu soo qabtay 89 saraakiil oo ka tirsan ururka argagixisada kuwaas oo gacanta lagu hayo. Qorshaha howlgalka ayaa ah mid lagu wiiqayo haraadigii ururka argagixisada ee Alqaacido, maadaama ay caasimadda u diyaar garoobeyso soo dhaweynta ergada iyo howlihii dhameystirka tubta nabadda, taas oo wadada u xaareysa dowlad dhameystiran oo ka kooban bulshada Soomaaliyeed qeybaheeda kala duwan.
Sidoo kale, ciidanka amniga ayaa howlgalo ka sameeyay degmada Balcad iyo nawaaxigeeda, iyadoo lagu raadjoogo saraakiil ka tirsan Shabaab oo dhuumaaleysi ku joogo daafaha Balcad. Amniga caasimada ayaa isasoo tarayay bilihii lasoo dhaafay kadib markii la jabiyay kooxihii argagixisadda, oo qaarkood dib uga gurtay caasimada bishii August ee sanadkii lasoo dhaafay.
Dowladda waxaa ka go’an in ay sii wado howlgallada sugida amniga ilaa laga sifeeyo caqabadaha amniga ee ka jira dalka.
Dhamaad



Qoorta kawada gooya plz video ka duuba aduunka dhan laga dawado waxuushta, somali dhibka ay so mariyeen ha dhadhamiyan mayd kodana guba shayadinta
waa guul allleee kuwaasi galbade allow ha soo gadaal celin abidkood
Tiirka taaga eeydaan rabi ka furatay, KKKKKK!