Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo balanqaaday wax ka qabashada xanuunka duumada[Dhagayso]
December 31, 2012 // Warar SomaaliWasaaradda caafimaadka Puntland ayaa sheegtay inay la taacalayso wax ka qabashada xanuunka duumada oo todobaadyadii ugu dambeeyey kusoo badanayay gobolka Bari.
Xanuunka duumada ayaa waxaa la ildaran oo la jiifa isbitaalka dhexe ee magaalada Bosaso 52-bukaan oo uu cudurka Malariyaha ama duumada uu kasoo haleelay magaalada Bosaso iyo deegaano kale oo katirsan gobolka Bari.
Wasiirka caafimaadka Puntland Dr Cali C/laahi Warsame ayaa sheegay wasaaradiisu inay la taacli doonto wax ka qabashada xanuunkan.
Isagoo ka hadlayay kulan uu la qaatay saraakiil katirsan hay’adaha caafimaadka oo ay ku jirto hay’adda WHO ayuu kacodsaday dadka xanuunku haleelo ee ku dhaqan dhulalka fog wasaaradda inay lasoo xiriiraan si loosiiyo dawoyinka xanuunka duumada lagula tacaalo.
Dhagayso hadalka wasiirka
Xanuunka duumada ayaa kusoo beegmaya xilli deegaano badan oo ka tirsan gobolka Bari ay ka da’ayeen roobab siweyn loogu diirsaday, islamarkaana ay ka dhasheen kaneecada oo sababta xanuunkan.
Puntland-News24.
Topics: Puntland




wasiirka caafimaadka wuxuu wasiir u yahay laamiga magaalooyinka saaran hadaanu nahay dadweynaha gobolka sanaag waxaanu sheegaynaa inaanu wasiirka namatalin magacayagana aanu ku hadli karin sababtoo ah wax uu noo qabto ma jirto waxa macaawinada naloogu talo galayna waxuu u leexiyaa garoowe,qardho iyo garowe sidaa awgeed waa wasiirka mudugland,bariland iyo nugaalland
Fadlan haddii aad haysaan si loola xiriiro Wasiirka Caafimaadka halkaan soo geliya si aanu ula xiriirno oo uga caawino dhibka haysta dadkaan.