Wasaaradda caafimaadka Puntland oo sheegtay inay dib u eegayso shaqada ay dalka ka hayson hay’adda UNICEF
August 22, 2012 // Warar SomaaliWasaaradda caafimaadka Puntland ayaa sheegtay inay dib u eegi doonto shaqada ay hay’adda UNICEF ay ka hayso dalka, kadib markii shaqaalaha wasaaradda caafimaadka Puntland ay ku dhaliileen hay’adda inaysan ka qaybbqaadan qorshayaasha caafimaadka Puntland oo ay wadeen sideedii bilood ee ugu dambaysay.
Wasiirka caafimaadka Puntland Dr Cali C/laahi Warsame oo shir jara’aid qabtay kadib markii uusoo xirmay kulan lagu qiimaynayay waxqabadka hay’adda UNICEF ayna kasoo qaybgaleen madxa hay’adda ee Nairobi iyo Bosaso ayaa sheegay inay jiraan habacsanaan dhinaca shaqada oo laga dareemayo UNICEF.
“Waxaa hay’addu ay fulin mashaariicyo caafimaad oo talaalku ka mid yahay sideedii bilood ee lasoo dhaafay, waxaa ay kabi jirtay mashaariic caafimaad oo ay wasaaraddu ka waday Puntland,taasina ma dhicin, magaranayno sababta ay hay’addu u joojisay shaqooyinkii looga bartay”ayuu yiri Dr Warsame wasiirka caafimaadka Puntland.
Wasiirka ayaa intaa ku daray wasaaraddiisu inay dib u eegi doonto UNICEF joogitaankeeda Puntland go’aanna ay ka soo saarayaan hadii wasaaraddu wax cudur daar ah aysan ka bixin eedaymaha loo jeedinayo.
Macadda go’aanka Puntland ay ka qaadan doonto hay’adda UINCEF, iyadoo wasaaradda sidaan oo kalle horay ee la xisaabtan uu u dhexmaray wasaaradaha Puntland iyo hay’adaha caalamiga ee ka howlgallo dalka.
Puntland-News24
Garowe



Hay’adaha U.N.O,sida UNICEF,UNDP,WHO,WFP iyo kuwa la mid ka ah,waxa ay ku shaqeeyaan,nidaam cad oo lawada ogyahay.
shaki kuma jiro,in ay dhib kala kulmayaan,meelaha ay ka joogaan somalia.
shaki kuma jiro in haddi ay wax qalad ah,jiro in uu ka imanayo,xagga maamulka puntland,oo raba in ay maamulaan,howsha hay’adaha U.N ka.
weger waa baarashadii u dameysey cimriga dawladda faroole waxaa baaddii u horeysey lagu billaabay unicef annaga hayadaha un ha ahaadeen ama kuwa kale iykaaba dhaama puntland canshuurna nagama qaadaan
haba yaraateena wax bay qabtaan faroole iyo furuqiisa illaahay wax ka roon baan ka barinay
Wasiirka hala xushmeeyo, hana lakala xishoodo. Wax badan oo aydnaadan ogeyn ayuu ogyahay.
War jareerkan hay’adaha bililiqada ku haya faroole hanaga qabto, mise soo rar Ayala la yiri? Maandhow faroole inuu ku xiro ayaad halis u tahay haddii aad kacaanka ka dheerayso.
War wiilakan aad moodid inuu guulwade soo ahaan jiray maxaa uu ka yaqaan hawlaha muhimka ah ay UNICEF ummadda u heyso? War ha loo sheego inuu la shaqeeyo heyadaha UNta oo uu ka barto maamul wanaagga iyo waxqabkaba.