Wasaaradda waxbarshada Puntland oo ku eedaysay safaaradda Soomaaliya ee Suudaan inay diiday deeq ay heleen ardayda reer Puntland

September 7, 2012   //   Warar Somaali

Wasaaradda waxbarshada ee dowladda Puntland ayaa ku dhaliisahay safaaradda Soomaaliya ay kuleedahay dalka Suudaan inay is hortaag ku samaysay deeqo waxbarsho jaamacadeed oo 100-arday oo reer Puntland ah ay ka heleen ururo caalami ah oo xaruntoodu tahay dalka Suudaan.Axmed Maxamed Warsame Agaasimaha Imtixaanaadka

Madaxa waaxda imtixaanaadka ee wasaaradda waxbarshada Puntland Axmed Maxamed Warsame (Saahid) oo maanta shirsaxaafadeed ku qabtay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa sheegay socdaal ay ku tageen bishii July ee sanadkan wafdi kasocda wasaraadda waxbarshada oo isagu uu hogaaminayay wadanka Suudaan inay ka heleen deeqo waxbarsho jaamacadeed oo loogu tala galay ardayda kaalimaha hore ka galay imtrixaanaadka dugsiyada sare ee Puntland.

Waxaa uu sheegay markii loo balan qaaday fursadaha waxbarsho ee la siinayo ardayda reer Puntland inay warqad kasoo baxday xafiiska wasiirka waxbarshada dowladda KMG ee Soomaaliya, kaasi oo lagu wargaliyay dowladda Suudaan inaysan aqoonsan karin shahaadooyinka waxbarsho ee dalka Soomaliya, marka laga reebo shahaadada cusub ee wasaaradda waxbarshada Somaliya dhowaan ay soo saartay.

Sharcigaasi ayuu sheegay wasiirku inay kala hadleen xafiiska r/wasaaraha iyo wasiirka waxbarshada dowladda KMG-ka ee waqtigeedu sii dhamaaday, waxaa uu tilmaamay wada hadal dheer kadib wasiirka inuu mar kalle soo saaray sharci faraya in dowladda Suudaan ay aqoonsan karto shahaadooyinka waxbarsho ee Puntland iyo Somaliland laga isticmaalo, maadaama labada maamul ay muddo ku shaqaynayeen si hanaan iyo kala dambayn ay kujirto.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu ku eedeey safiirka Soomaaliya ee wadanka Suudaan Maxamed C/llaahi Ugaas Faarax tan iyo markii sharciga cusub ee soo saartay wasaaradda waxbarshada Soomaaliya, si uu u gaarsiiyo dowladda Suudaan uu ka caga jiidayay inuu waqraadaasi dambe ee faraysa shahaadooyinka Puntland iyo Somaliland in la qaban karo.

Dhagayso Shirsaxaafadeedka agaasimaha waaxda imtixaanaadka.

Play

Madaxa imtixaanaadka wasaaradda waxbarshada Puntland Axmed Saahid ayaa ku tilmaamay talaabada safiirku uu wado mid uu ku siyaasadaynayo waxbarshada, taasi oo uu ku tilmaamay arin aan haboonayn.

Eedaynata wasaaradda waxbarshada dowladda Puntland ayaa kusoo beegmaysa xilli ay xukuumadda KMG Soomaaliya ay ku jirto waqtiga kula guurka oo daka loo balansanyay inay ka dhacdo doorashada madaxwaynaha Soomaaliya.

Puntland-news24
Garoowe.

COMMENTS

RSSComments (3)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. Abdirisak Nour Nouh says:

    Arinkaan aad ayaan uga xumahay anigoo ah mid kamid ah shacab ka Puntalaan ee kunool qurbaha, Puntaland waa maamaul goboleed ka ugu wayn ee ay ku abtirsato Dawlada kumeelgaarka ah, iyadoo weliba aynu ognahay in Puntland ka damaysay dhismaha iyo asaaska dawlada kumeel-gaarka ah.Sida aynu ognahay ma dirirsana dowlada kumeelgaarakaa iyo maamulgoboleedka Puntland laakiin hadii dagaal jiro xitaa dhaqan nooma aha Soomaali ahaan in aan hor istaagno arday waxbarasho heshay mustaqbalkooda waxbarasho.
    Waxaan ka codsanayaa dhamaan madaxda Puntland, odoyaasha, aqoonyahanada, ardayad iyo shacab kaba arinkaan in aan la dhayalsan,Hadii madaxdeena waxbarashada Puntland ay mareen nadaamqaladan waxna ka qaldan yihiin qaabka ay mareen waa in la saxaa. Hadii kalena waa qalad madaxda waxbarashada iyo safiirka Suudaan u fadhiya dawlada, ka galeen gaar ahaan Puntland iyo guud ahaan umada Soomaaliyeed.
    Dadaka qoraalada replyga soo diraya aad ayey u dhaliilayaan madaxda wasaarada waxbarashada Puntland, hadii dhaliilaha dadkoodu bato dad kale wax laqayb sanmayaan hadii maamulkooda horjoogeed xumaadana wax walba oo ay qabanayaan wuu xumaan. Wasaaradani waa wasaarada ugu qaalisan wasaaradaha dowligaa waxaana ka sugaynay iyadu in ay waxbadan oo shacabka ka qaldan saxdo laakinn in maanta shacabku qoraalo xunxun ka soo qoraan waa wejigabax aad u xun.

  2. Hora la yiri gudulihis nursha gude kale nuriyo marka pl madaxdeda iyaka qabiiil ku shaqeyaan ooo dhehxdoda is hestanba. Nin walba degankisa ayu kaso arurshaa ardayda oo meshaba cadalad kamaba jirto marka manta waxa lagu sameyay mahan wax lola danlaha ee wa mid alle ku riday wayo meshi cadalad daro ka jirto alle wu ogyahay marka manta 100 ka arday ad hesheen. Rer muqdisha inkaqatay oo kubaxayaan taas wa mida isku kensateen ee cadalad adinka dacal maray marka cidna ha edina iyo. Wazirka dowlada somalia wuxu arkay in pl ay cadalad kaba jirin sow se 100 arday losiya marka alimina rer muqdisho ha qatan he inti la isku qaqabsanlahaaaa. Awalba 100 ka arday garoowe lee loqrbinlahaaa

  3. caaqil says:

    asc puntland horta dhexdeeda cadalad how maamusho waxay hada gacanta ku heyso 33 school hada labo school waxa qatay wasiirka qorsheynta puntland dauud bisinle hadi ay puntland cadaalad daro gasho waxay la kulmayan cadalad daro juxa wasirka wax barashada waa nin cadalad aan aqoon wax walbana garoowe iyo galkacayo geeya waxan so jeedinaya wasarada waxbarashada puntland dacad dadka wax howgu qaybiso hadi aan taa la helin magac xumo iyo tan maanta adinku dhacday ba idinku dhacaysa guul darada xag rabi bay ka timaada hadi aad cadalad xumo gasho adna cadalad dara kugu dhacaysa

Leave a Reply