Marwo Seynab Ugaas oo kormeer ku mareysa xarumaha Caafimaadka ee gobolka karkaar
July 19, 2012 // Warar SomaaliWasiirada ku xigeynka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Somalia Marwo Seynab Ugaas Yaasiin oo kormeer ku mareysa xarumaha Caafimaadka ee gobolka karkaar.
Wasiirada ku xigeynka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Marwo Seynab Ugaas Yaasiin ayaa kormeer ku tagtay goobaha caafimaadka ku yaalomagalada Qardho,sida Isbitaalka guud ee magaalada Qardho,waxa ayna kulamo la yeelatay Madaxda isbitaalka Qardho,iyo shan dhaqtar oo ka howlgala isbitaalka Qardho, waxa ayna sheegtay in isbitaalka ay ka socotay howl caafimaad oo baaxadleh,iyadoo la kulantay isuduwaha wasaaradda Caafimaadka Gobolka Karkaar Dr.Yaasiin Xaaji Cabdi,waxa ayna kala hadashay xaaladaha Caafimaad ee ka jira gobolka karkaar,waxa ay kormeer ku soo martay labo MCH oo ku yaalo magalada Qardho sheegtayna in ay howlo badan ka socdaan halkaasi.
Marwo Seynab Ugaas Yaasiin ayaa sidoo kale kulumo gaar gaar ah la yeelatay Maamulka Degmada Qardho,Maamulka Gobolka Karkaar iyo Hey’adaha ka shaqeeyo arimaha Caafimaakdka ee ka howlgala Magalada Qardho sida Hey’adda Save the children oo xarun weyn ku leh magalada Qardho.

Kormeerka ay ku marayso goobaha Caafimaadimaadka Marwo Seynab Ugaas Yaasiin ayaa ah kii ugu horeeyey ee ku soo gaarto gobolka tan iyo markii ay xilka Qabatay.

Wasiiradda ayaa waxaa ay tagtay Tuulada Xidda oo ay ka dhagax dhigtay MCHkii ugu horeyey ee laga dhisidoono halkaasi,waxa ayna sheegtay in muhiimad gaar ah u leeyahay MCHkaas dadka ku dhaqan Xidda oo bahi u qabay in ay helaan MCH ay kahelaan adeegyada Caafimaad oo ay u baahnyihiin,taa soo ka timid codsiga bulshada ku dhaqan deegaankaasi,waxa ayna u sii gudubtay Degmada Waaciyey halkaasi oo ay sheegtay in dadka deegaankaas ku nool ay si weyn isaga xilsaareen sidii ay u hormarinlahaayeen xarumaha Caafimaadka degmadaasi,wxa ay dhiseen baro caafimaad sida Jurile iyo Alxamdullilaahi, waxa ay xustay in ay si muuqata ay ugu qeybqaateen hormarinta Caafimaadka Isbitaal waaciye oo leh Muuqaal wanaagsan oo qalabeysan laakiin kaliya uu ka maqanyahay Dhaqtarkii fariisanlahaa isbitaalksaasi,Marwo Seynab Ugaas Yaasiin ayaa sheegtay in Degmada Waaciye ay ku taalo wadada laamiga halkaasina ay in badan tuulooyinka ku dhow ay ka dhacaan shilalka Gawaarida taas oo sheegtay in loo baahanyahay in wax weyn laga qabto arintaasi.

Wasiirada ku xigeynka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Marwo Seynab Ugaas Yaasiin ayaa sidoo kale waxa ay ka qeybgashay wacyigalin ku aadan ka guuridda gudniinka fircooniga oo lagu qabtay magalada Qardho,iyo Degmada Waaciyey waxa ayna sheegtay in Barnaamijkaan Ujeedada ka danbeysa in ay tahay sidii loogu guuri lahaa Gudniinka fircooniga oo dhibaato weyn ku haya hablaha somaaliyeed,waxa ay tilmaamtay in wacyigalintaas ay ka soo qeybgaleen dhammaan qeybaha Bulshada si dadka oo dhan ay qeyb ugu noqdaan Barnaamijka ka guuridda guduniinka fircooniga,dadkii ka qeybglay wacyigalintaan gaar ahaan ragga ayaa waxa ay shegeen in san gudniinka noocaan oo kale ay ka soo horjeedaa dhibaatooyin badana ay kala kulmeen,waxa ayna sheegeen in ay ka soo horjeedaan,iyadoo doorbidaya gudniinka Sunna ah ,ugu danbeyntii wasiiradda ayaa ka dhawaajisay in loo baahanyahay in si wadajir ah looga shageeyo ciribtirka gudniinka fircooniga,kas oo xiligaan u muuqato in waqtigiisa uu soodhamaatay,Dowladda Puntland ayaa dhawaan soo saartay sharci lagu xaaraantinimeynayo noocyada kala duwan ee Gudniinka Fircooniga.,waxaana ka soo qeybgalay xafladahaasi boqlolaal qof oo qeybaha bulshada ah.laguna soo bandhigay Riwaayad ka hadleyso Ciribtirka gudniinka fircooniga waxaana soo jeediyey kooxda Danan Karkaar (FGM Out reach drama ON FGM abandoment)

Barnaamijka ka guuridda Gudniinka fircooniga ayaa waxaa laga fulindoonaa degmooyinka Qardho,Waaciye,Bandarbeyla,
Qardho Karkaar










