Wasiirka amniga iyo saraakiisha booliska Puntland oo booqday gobolada Sanaag iyo Haylaan
June 8, 2012 // Warar Somaali
Wefdi balaaran oo uu hogaaminayo wasiirka amniga Puntland Khaliif Ciise Mudan iyo saraakiisha ugu saraysa booliska Puntland ayaa gaartay degmooyin ka mid ah gobolada Sanaag iyo Haylaan.
Wafdiga wasiirka ayaa waxaa qayb ka ah taliyaha ciidamada booliska Puntland Col. Maxamed Saciid Jaqanaf iyo taliye kuxigeenka booliska iyo asluubta Puntland Muxidiin Axmed Muuse, waxaana socdaalkooda uu la xiriira u kuurgalidda baahiyaha gobolada Haylaan iyo Sanaag.
Wasiirka Amniga Puntland oo aan qadka teelafanka kula xiriirnay ayaa inoo sheegay xalay inay ku hoydeen degmada Dhahar ee xarunta gobolka Haylaan, xiligaana ay ku suganyihiin degmada Xingalool.
Weftiga ayaa waxaa kusoo dhoweeyey degmooyinka Dhahar iyo Xingalool ee gobolada Sanaag iyo Haylaan dadwayne badan oo isugu jiray qaybaha kale duwan ee bulshada.
Waa markii ugu horaysay oo masuuliyiinta wasaaradda amaanka iyo saraakiisha booliska ay gaaraan degmooyinka Haylaan iyo Sanaag, deegaanadaasi ayaa horay waxaa u tagay masuuliyiin katirsan Somaliland.
Puntland-News24



Xariifka daaya ha wareego.duqsigee duulduul badan…..
Mansh.allah shaqo fican ayu haya wana lo bahay in dhulka puntland iyo walalahod uu soo booqdo wana in dadaal dheeri ah la sameeyo. Viva puntland
Kkkk war hatago laascaanood AMA galaga yuu kuwareegin indha fiishta iyo dhuxylaysatadadeee meesha ragi joogo
Khaliif waa madaweynaha mustaqbalka hadduu dagaalka uu ku jiro sidaa kusii wado ilaa 8 January 2013, shaqadii Faroole isagaa haya maadaama Faroole Garoowe uusan dhaafin, habar faaliso ah ayaa u sheegtay hadaad Garoowe dhaafto waa lagu dili. Sidaa darteed odagu Garoowe hayska qaxweeyo.
War meesha Puntland la yiraahdo ninkaanaaba laga dilaa shaqo badanaa xaafuun, haylaan, garsoor, burcad badeed, ari waxani daacadnimo ka badane inqilaabyadana xariif buu ku yahaye ma odayga faroole ah buu lugaha u bixinayaaa? aan war sugno lix bilood baa wada-hadalba ka haraye!sow January 8 ma soo dhowa.
BADHAN WAA IN AY DOWLADA TAGTAA OO WAX KAQABATAA DADKANA KA CAAWISO DHINACA BIYAHA IYO KORONTADA HADEE BOOQASHADA WAA FIICANTAHAY EE KUWII KALE AAWAY WASIIRADA AHAA MEEY SOO BOOQDAAN AAWAY WASIIRKA CAAFIMAADKA, WAXBARASHADA, WASIIRKA BEERAHA IWM MEEYNA SOO BOOQDAAN.
KHALIIF ISSE WAA GEESI REER PUNTLAND.
Sidaas ayaa loo baahan yahay waana geesi khaliif Ciise waana dhul kiisii bahal na ma joogo waana ku mahadsan yahay booqashada uu nasoo booqday viva khaliiif Ciiseudan.
Wasiirka waqtiga ugu shaqada badan puntland saakuun xaafuun doraad baargaal shalay boosaaso maanta haylaan iyo sanaag wasiir saas dalka ugu warhay
mahadsanid wasiir
masha alaah sacaadul wasiir guuleyso
MADHUUMASHAY KU TAGEEN MEESHA TV KAMAAN DAAWANE CAJIIB