Wasiirka Amniga Puntland oo dib ugu soo noqday Boosaso
May 9, 2012 // Warar SomaaliWasiirka Amniga Puntland ayaa mantay dib ugu soo laabtay dalka iyadoo uu in muddo ah ku maqnaa dalka dibadiisa.
Khaliif Ciise Mudan waxaa garoonka Bender Qassim ku soo dhoweeyey Wasiir ku xigeenka Amniga Cabdi Jamaal iyo Taliye ku xigeenka Booliska Puntland Muxuyadiin Axmed Muuse iyo qaybah Bulshada .
Wasiirka Wasaarada Amniga Puntland ayaa markii uu soo degay kadib warfidiyeenka u sheegay in dalalkii tagay ay ka wada hadleen arimo la xirira dhanka amniga isla markaana ay si wanaagsan ugu soo dhamaatay booqashooyinkii uu ku tagay dalalk ay kamid yihiin Cuman iyo Jabuut.
Wasiirka ayaa xusay qodobadii ugu waaweynaa ee uu dibada u tagay ay kamid ahaayeen sidii loola dagaalami lahaa Burcad badeeda iyo Adkeeynta amaanka.
Guud ahaan Amaanka Puntland ayaa soo hagaagaya muddooyinkii u dambeeyey in kastoo magaalooyin ay kamid tahay Boosaaso habeenadan dambe lagu arkayey ciidamo tiro badan oo si weyn u baaraya dadka iyo gaadiidka.
Puntland News-24
Boosaso



nin fashilmay warmalah beenle waxn ka warqaban sida saxafad somlidu fafiyen in khalif ciise mudan lagu dacweyey oman kadib markii wiil yar toogasho ku xukumay yacni ku edeyeye dil qofkale . sidokale khalif lama kulmin cid masulaha dalka oman siday no sheegan ila warday lagu kalsonan karo in markii la dacwyeye odayal galen garta kadiban arrinta la qaboojey. sulnant oman waxay ku wargeliysay inu khalif ka baxo dalkeed. sida dadka reer puntlan ogyihiin. khaliff mah nin cv fiican ku dhexelah bulshad reer puntland dadka waxay u yaqnin ciyalbutano khalif wuxu caanku yahay samayanta lacagah been abuurka ah