Wasiirka Arimaha gudaha ku sugan Beledweyne kulana la qaatay odayaasha iyo Maamulka Gobolka
June 14, 2012 // Warar Somaali
Magaalada Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa maanta gaarey wefdi heer sare ah oo ka socda dowladda KMG ah ee Soomaaliya.
Wefdigan oo uu horkacayo wasiirka arimaha gudaha Cabdisamed Macalin Maxamuud waxay saacado kahor ka degeen garoonka Ugaas Khaliif ee duleedka Beledweyn.
Mas’uuliyiin badan oo ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan, kan degmada Beledweyn, saraakiisha ciidamada, waxgarad iyo dadweyne tira badan ayaa wefdigaas si diiran usoo dhoweeyey.
Wasiirrka iyo wafdigiisa ayaa waxay hoteelka Madiina kulammo kula qaateen odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka gobolka oo si weyn ay ammaankiisa u sugayeen ciidamada maamulka gobolka Hiiraan iyo kuwa dowladda Itoobiya.
Wasiirrka wasaarrada arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka C/samad Macalin Max’uud oo la hadllay waxgaradkii uu kulanka la qaatay ayaa sheegay in marka hore uu uga cudur darrayo booqashada dib u dhacday ee uu ku yimid magaalada Beledweyne, isaga maadaama magaalada Beledweyne tahay magaaladii ugu horeeysay ee soo gasha gacanta dowladda in uu mar soo gaaro.
Dhinaca kale waxaa goor hore oo saaka ah magaalada Beledweyne ka dhacay qarax lala eegtay ciidamada Itoobiya ee magaaladaas ku sugan.
Qaraxa oo ka dhashay miino wadada dhinaceeda la dhigay ayaan ilaa iyo hadda la ogeyn khasaaraha kasoo gaarey ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee lala eegtay.
Wefdiga wasiirka arimaha dibadda oo tegi doono magaalooyin kale oo ka tirsan gobolada Baay iyo Gedo waxay ujeedada ugu weyn ee safarkoodu ay tahay sidii ay ugu kuur geli lahaayeen xaaladda magaalooyinka laga saaray Al-shabaab.


