Wasiirka Dibada Kenya “Sh. Shariif Weerarkii Hotel Jaziira Wax Buu Ka Maleegay”

September 17, 2012   //   Warar Somaali

Sam Ongeri Wasiirka Arrimaha Dibada Kenya  oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Nairobi ayaa ka hadlay qaraxii ismiidaaminta ee Arbacadii la soo dhaafay lagu qaaday Hotelka Jazeera ee uu degenaa Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, xilli ay shir wada lahaayeen Xasan Sheekh iyo Sam Ongeri. 

Wasiirka arrimaha dibada Kenya ayaa sheegay in qaraxaas uu wax ka ogaa, lugna uu ku lahaa Madaxweynihii hore, isagoo ku sifeeyay inuu ahaa qaraxa inuu ahaa mid muujinayay loolan xaga awooda ah sida uu sheegay.

Mr. Sam Ongeri ayaa daboolka ka qaaday in Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu yimaaday Hotelka wax yar kadib markii qaraxa dhacay, isla markaana aanay ka muuqan wax naxdin iyo in aanu u heysan in wax shil ah ay ka dhaceen goobta.

Waxaa uu sheegay in Madaxweynihii hore uu la soo xiriiray ka hor inta aysan dhicin doorashada, isla markaana ka codsaday kenya inay ku taageeraan doorashada Madaxweynaha, si dib loogu soo doortay, hase ahaatee uu sheegay in Kenya ay u cadeysay in aanay taageereyn Musharax gaar ah, ayna eegeyso natiijada ka soo baxda doorashada.

Maalinimadii shalayna caleema saarka Madaxweynaha Somalia, Kenya wax wafdi heer sare ah uma soo dirin Muqdisho, iyadoo sababta ay dhici karto inay wali ka shaki qabaan in Sheekh Shariif bartilmaameedsan karo mar kale.

Dowlada Kenya ayaa dedaal u gashay in Dr. Gaas kusoo baxo tartanka madaxtinimada Somalia, iyagoo aaminsan in Raisulwasaarihii hore yahay siyaasi ay isfahmi karaan, iskana kaashan karaan dhaq-dhaqaayada kala duwan ee Kenya ay ka wado koonfurta Somalia gaar ahaan gobolada Jubooyinka, maadaama beesha uu kasoo jeedo Raisul-wasaaraha ay saamayn weyn ku leeyihiin gobollada Koonfurta fog ee Kenya xuduudka la leedahay.

COMMENTS

RSSComments (2)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. buurtinle says:

    waar duqu salfududaa

  2. Puntland says:

    Kenya Ma waxay dooneysaa iney nagu celiso dagaalkii 1990 gii oo hadda ay shiikh shariif nagu daar daarto si uu warlord u noqdo, Kenya marnaba kuma faraxsana in Soomaaliya dowlad yeelato ee ogaada waayo labaatankii sano ee aynu burbursaneyn waxaynu dhiseyney dhaqaalaha Kenya hantideenii oo dhamina waxay taal Kenya weyna og yihiin maalintii Soomaaliya lugeheeda ku istaagto in Kenya dhaqaaleheedu hoos u dhici doono, haddaba waxaan idinku waaninayaa inaad Kenya dhiigmiiradkaas aad ka soo guurtaan oo waddankiina u soo guurtaan oo maal gashataan.

    Puntlandnews24 waxaan idinka codsanayaa inaad ka diyaarisaa maqaal arrintan ama Ogeysiis in qofkasta oo kenya degani waddankiisa u soo guuro.

Leave a Reply