Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Oo Kulan La Qaadatay Wasiirka Arrimaha Dibadda Britain{Cod}
January 3, 2013 // Warar SomaaliWasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa maanta kulan kula qaadatay magaalada London Wasiirka Arrimaha Dibadda dalkaasi Britain Wiliam Heague.
(Halkan Ka dhegayso Shirkii Jaraa.id marwo Fowsiyo)
(Halkan Ka dhegayso Safaarada oo ay ka hadashay)
Kulankan dhexmaray labada Wasiir Arrimo dibadeedyada Soomaaliya iyo Britain ayaa ka dhacay Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay ku leedahay magaalada London waxaana labada Wasiir ay ka wada hadleen xiriirka labada dal iyo sidii loosii xoojin lahaa.
Shirjaraa’id oo ay wadajir u qabteen labada Wasiir ayaa ugu horeyn waxaa ka hadlay Wasiirka Arrimaha Dibadda dowladda Ingiriiska Wiliam Heague oo isagu tilmaamay inuu aad ugu farax sanyihiin kulanka uu la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya waxaana uu intaasi ku daray iney kulankooda uga hadleen amba qaadida xiriir adag oo labada dowladood dhexmara iyo in ay Dowladda Britain taageerro dhab ah la garab taagantahay Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.
“runtii aadbaan ugu faraxsanahay kulanka aan la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, dhab ahaantii Dowladda Britain aad ayey u daneyneysaa Arrimaha Soomaaliya waayo waxaad ogtihiin in wafdi aan hogaaminayo oo ka socda Dowladda Britain aan tagnay magaalada Muqdisho,waxaa inaga go’an inaan si dhab ah Soomaaliya u taageerno Dowlad iyo shacab”ayuu ku yiri shirkiisa Jaraa’id Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Britain Wiliam Heague.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo iyaduna shirka jaraa’id ka hadashay ayaa tilmaantay in ay isku afgarteen iney Dowladda Britain sii wado taageerrada ay siineyso Soomaaliya iyo socdaal uu dhowaan Dalka Britain ku tagi doono Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.
Waxyaabaha ay shirkooda jaraa’id uga hadleen labada Wasiir waxaa ka mid ah shir ay Dowladda Ingiriiska bisha May marti gelin doonto kaasi oo looga hadli doono isbedelka cusub ee ay Soomaaliya gashay kaasi oo ay ka qeybgeli doonaan madax ka kala socota dalal dhowr ah oo caalamka kuwaasi oo Soomaaliya daneeya.
Waa socdaalkii ugu horeeyey ee ay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ku tagtay dalka Ingiriiska tan iyo intii xilkan Wasiirka Arrimaha Dibadda loo magacaabay.




UK anagu wan fahansanahay wa qawda maqashii waxna ha uqaban teda kale wada hadal hada hargeysa lala gala wa iska maadeys ama madaalis e wax kaso baxaya majiraan
Teda kale wa sax. In muqdisho tang amisom joogo lkn ogaada oglashaheena ayay ku joogan anaga wax lawadna. Danaheena ayan ka aragnaa
Waxad ogtihin in ethiopia o xogadeda afrika laga ogyahay ay tangi ku joogi weysay muqdisho ayado weli kuwa hada jooga tira iyo taya kabadneyd
KING , wishii koonfuur la oaranjiray oo ka bilaabantanta Xuudadaha Puntland ilaa Raas Kambooni aa MAXMIYAD ku jira, waxaana loo geliya , marka ey UMMAD TASHANWESO waa loo taliyaa.SOMALIA 5 EY EHEED 30 IYO KA BADAN BAAD KA DHIGETEEN KOONFUR WAA XAQ IN MAXMIYAD DUNIDA NI GALISO. WAA BADBADADINA HADDII IS BADBADIKARIN .
Warranin farxad leh. Ingriska waa dowlad qadiimi ah oo shanta qaradood ee Dunida afar ka mid ah soo gumeesatay, marka siyaasad dheer ey ledahay.Shirkii hore ee bishii february, waxaa lagu casumay intaaso Madaxwene Maamulgoboleed, midkaan se waxaa imanaya Madaxwenaha Koonfur u sameyeen Beesha calanka , ileen iayagu (ilaa 30 Madaxwene bey sii cararayeen)iyo Madaxwenaha Somaliland ey shicibka Dalkisa dorteen.Waxaana loga hadlayaa sida labada waddan wax logu qabanlahaa iyo sida ey isu cictirafilahayeen.ALLAA MAHAD LEH.
Dowlad ku Jirta Taanki Ugandhees maaáha Dowlad, Mogdisho waxay ku jirtaa Maxmiyad Ciidamo Afrikaan ah