Wasiirka dekedaha oo sheegay inay marsad cusub ka hirgalin doonaan magalaada Boosaaso
February 7, 2012 // Warar SomaaliWasiirka dekedaha,gaadiidka badda iyo ladagaalanka burcadbadeeda dowladda Puntland Eng Saciid Maxamed Raage ayaa sheegay wasaaradiisa inay waddo qorshe ku wajahan in marsad cusub lagu soo kordhiyo dekedda Boosaaso.
Wasiirka ayaa sheegay marsadan in loo samayn doono doonyaha kalluumaysiga ee kusoo xiranaya xarunta Neck fishka oo ah goobta lagu keydiyo kalluunka loo iib geeyo gobolada dalka.
Wasiirka ayaa xusay hirgalinta marsadda cusub inay fulin doonaan sanadka aynu ku guda jirno ee 2012-ka.
Inkasta oo wasiirka dekedaha uu ka dhawaajiyay arinkaan,ayaa hadana waxaa dadka dhaliilsan siyaasadda xukuumadda madaxwayne Cabdiraxmaan Faroole ay u arkaan inay tahay arintan mid aan xiligaan aysan hirgali doonin,maadaama xukuumadda madaxwayne Faroole lagu dhaliilay inay horay u joojisay dhismaha garoonka caalamiga ee Benderqasim Air port oo ay waday xukuumadii ka horaysay uu hogaanka ka ahaa madaxwayne Cadde.
Puntlandnews24
Boosaaso.



War niman yahow mucaarad maalaa yacni ah looma baahna, waxaan xasuustaa markuu cade bilaabayey maxsharka kuwo mucaarad ah oo bbc-da ka dhaleeceyn jiray iyo wixii afkooda ka bixi jiray. Ka kaaley markii uu exploration-ka cade bilaabayey rag badan baa lahaa aa beentii boowe dadkuu ku maaweelinayaa, ma anaguu na waalayaa. Marka mashruucaan waa intaasuu maxsharkii kaluunka noqdaaye maa wax la hartaan.
asc fikir ficican wax kasta oo horomar wada waanu soo dhowaynaynaa mudane wasiir wax qabadkga waanu kufarax sanahay horayna dekeda bosaso wax bdanayad uga qabatay anagana waan ku ognahay shacabra reer puntland waa ogyihin dadka masuuliyinta aflagaadayna waxan lee yahay ilaaah hadian cafiyo dad buka ayaad tihine tankale maxaa ini diiday in aad wanga firisan oo intaa xumo iyo bur bur uga hadlaysan insh alah guul midnimo puntland iyo dhamaan somalia oo dhan alaaaaaaaaa mahada leh
aad ban uso dhaweyneyna mudane wasiir shaqadad ad hesyo waxanu na lenehey al ha kula garab isataago shacabka goblka barai gaar ahaan rer bosaso waxey ku hayaan qiimo iyo sharaf mamaulka mudane madaxweyne faroolena waxan leyahey waxqabad fican o lagu nagaado wata wadoyinki ba nalo disaya dekadi ba nalo disaya mamul wanagsan mida goblka iyo mida degmada ayanu helney amni buxa ayanu helney msaha laha mudane faroole aad banu utagersanhey mamulkaga
Waxaan qabaa nimankaan maanta talada haya inaan laga ogolaan waqtiga sanadka ka yar ee u haray inay dadka haraati kala sii daalaan intii ka badnaydba wax qaban waaye dabeedna meel looga soo wada jeesto. Ninka leh maanta ayaan guryo horleh duminayaa inta shirkado lacag la kala goosanayo la soo heshiiyay, sow ninkii lacagta u soo daabacday shacabka masaakiinta ah maahan. Ma ahan mid ilmihiisa xattaa u naxaya ee is ka qabta reer Puntlandnow.
Allow maydiin digay tabartay!
Mr. Raage immisa markab ayaa kuu xiran? Xaggey ku kala xiran yihiin? Immisa ayaad ka rabtaa? Umaddan masaakiinta ah beenta ka daaya, dowladda faroole wax mashruuca oo lagu xasuusan karo Kama hayno, waxaan ka la’nahay kuwii hore ee qabyadda ahaa ma dhameys tirikartaan?
yaab. wuxu hirgelin kara m jirto nin mushaharkii buu la yahay, taas waxay ku khasbatay inu burcade badeda la shargabo. nin ku caan baxay burcad badednimo iyo lacag been abuur baa horumar keenikar cajiiiib, mamulka faroole waa gabal dhacsaday ma loo bahan had inu hirgeliyo masharci bilabo waxa u haray sacado yar dadka la shaqayan mamulka danbe waa inu shacabka ka balanqado in cadalada la horkeeno