Wasiirka dekedaha Puntland iyo wefdigiisa oo soo gabagabeeyay socdaalkii ay ku tageen Laasqoray

June 18, 2012   //   Warar Somaali

Wasiirka dekedaha, gaadiidka badda iyo la dagaalanka burcadbadeeda Puntland Eng Saciid Maxamed Raage iyo wafdi balaaran oo uu ka mid yahay wasiir kuxigeenka amniga Puntland Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed ayaa soo gabagabeeyay socdaal ay ku tageen degmada Laasqoray ee gobolka Sanaag,iyagoona dib ugu soo laabtay magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga iyo dhaqaalaha Puntland.

Wefdiga wasiirka ayaa u tagay degmada Laasqoray sidii ay usoo kormeeri lahaayeen deked la doonayo dhowaan in laga hirgaliyo degmada Laasqoray, taasi oo ay iska kaashanayaan jaaliyadaha iyo waxgaradka reer Laas qoray ee dalka iyo dibada ku sugan.

Eng. Saciid Maxamed Raage ayaa sheegay Laasqoray inay tahay meeshii uu ku dhashay islamarkaana uu gacan ka gaysan doono mashruuca dekedda lagu dhisayo ee xiligaan la bilaabay.

Waxaa uu sheegay qalabka xiligaan dekedda lasoo gaarsiiyay inuu yahay mid si weyn u dabooli doono baahiyaha  dekedda ugu wayn Puntland ee Boosaaso iyo dekeddo yar yar oo mustaqbalka laga hirgalin doono xeebaha Garacad ee gobolka Mudug.

Wasiirka ayaa intii uu ku sugnaa degmada Laasqoaray isaga wefdigiisa waxaa ay kormeereen meelo kale duwan oo deegaanka ka mid ah.

Puntland-News24

Xafiiska Bosaso.

 

 

 

COMMENTS

RSSComments (2)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. @gabadhar sanaag ina adeer maxaa kugu dhacay oo eng.Raage u caayeysa kolw waan hubaa inaadan ahayn gabadh sanaag hadad tahayna an filayo inaad tahay kuwa somalididka ah abaayo tooba dheh shacabka sanaag waa shacabka pl ee muwaadinka dhabta ah marka lagareebo xoogaga cudurka somali ku dhacay

  2. kkkkk wasiirku maxuu yiri qalbka yaala laasqoray waxeey ka badli doonaa is badal baahi ee dakadaha pl kkkk bosaso iyo garacad war waxaas muyuu u tagay tuuga tuugu dhalay maxaa naga quseya garacad ma maamul baa wax u qabtay laasqoray wlhi haduu dib ugu soo laabtoh sajuuda waa in laga toogto eeyga waaba nooso suuf taga sidii xoolihii dameer dameer dhalay

Leave a Reply