Wasiirka waxbarashada Puntland iyo wafdi uu hogaaminayo oo booqday Sanaag, Haylaan iyo Karkaar (sawiro)

December 7, 2012   //   Warar Somaali

Wasiiirka Waxbarashadda Puntland Cabdi Faarax Siciid ‘Juxa’ iyo wafti katirsan wasaaradda Waxbarashadda oo kormeero Waxbarasho kusoo maray gobolada , Nugaal, Karkaar , iyo Sanaag ayaa soo gaarey magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari .

Waftiga waxa ay subixii hore ee shalay kasoo ambabaxeen degmada Badhan ee gobolka Sanaag oo ay labadii maalmood ee lasoo dhaafay ku sugnaayeen, Iyagoo kormeero waxbarasho ku sameeyeen dhammaan dugsiyada kuyaala gobolada Haylaan iyo Badhan oo ay kamid yihiin, Dhahar, Xingolol, Ceelbuh, Jiingada, Badhan iyo Hadaaftimo.

Waftigu waxa ay saddexda maalmood ee soo socota ku sugnaandoonaan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, Waxayna kormeer ku sameenayaan dugsiyada waxbarasho iyo Jaamacaddaha kuyaala magaalada Boosaaso, Iyagoo kadibna dib ugu laaban doona Magaalada Garowe ee xarunta Puntland.

Wasiirka Waxbarashada Puntland Cabdi Faarax Siciid ‘Juxa’ oo la hadlay shacabka gobolada Haylaan iyo sanaag ayaa balan qaaday mashruuc laba dugsi looga hirgalinayo Haylaan iyo Sanaag.

Mashruucaasi ayaa qayb ka ah barnaamij dhanka waxbarshada oo Midowga Yurub uu maal galinayo oo laga fulinayo sideeda gobol ee Puntland.

Deegaanada wasiirka waxbarshada uu booqday Hadaaftimo, Ceelbuh iyo goobo kale ayuu kormeerid guud uu ku sameeyey dugsiyada waxbarshada, waxaa uu aqlabalay codsiyo ay shacabka qaarkood soo jiyeen oo ku wajahan dayactir lagu sameeyo dugsiyada waxbarshada qaarkood.

Halkaan hoose ka daawo sawirada waxbarshada.

Dugsiga sare ee  Mumtada Qardho
Dugsiga sare sheekh Cismaan Qardho

Wasiirka waxbarshada Md Juxa iyo kuxigeenka wasiirka Maxamed Cabdilahi
Soo dhoweyn G. Sanaag









“““““











COMMENTS

RSSComments (12)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. Salaam says:

    Mashalah. Sanaag and Highland is the heart of Puntland Territory and People of Puntland are only one family and brothers. long live all Puntand people and let us unite as the world united.

  2. M Ismail says:

    Mr Garoowe, waxad ogaataa in Sanaag iyo Haylaan hada ka hor ay booqasho ku tageen AHN,Madaxweyne Cabdulaahi Yusuf oo si isdaba jooga u tegi jirey, iyo Madaxweyne Cadde Muuse, marka hadii uu Faroole aado ma noqoneyso booqashadii ugu horeysey oo Madaxweyne Puntland ah uu ku aado Goboladaas.

  3. DACAR says:

    AAD AYAA UGU FARXAY ARDAYDAA NUURAYSA OO UBADKII WADANKA AH OO WASIIRKU BOOQDAY

  4. waa waxa lagu yaqaan dowlad waqtigeedi dhamaaday oo dooneysa mudo kororsiga. maxay u booqanweyday mudadii 4 sano ay joogtay? waa wax lala yabo inay hada orodorodo iyadoo ay u hartay 1 bil oo kaliya. waxan ku leeyahay jukaa dadka ha wareerin xiligii wax la qaban lahaa xili hore ayey aheyd

  5. Ibra says:

    Waa layaab dowlada waqtigeeda sii dhamaanayo in hada ay tiraahdo wax baan u qabanaya shacabka maxay u tagiweyday mudada 4 sano ay maalmulka haysay. waan darensannahay waxay ka damacsanthay safaradan . waa mudo kororsiga 1 sano ah siyasada ka dambeysa.

  6. Balcad says:

    Masha allah weye ardayda iyo shucuubta nabada jecele madaxdooda soo dhaweynaya
    Lkn dhabta jirtaahi waxa weyanin allow meesha wa dhagxaan kaliya Cadceedu darantahay war sidee laoogu nowl yahay! Ba’a

  7. naasir says:

    maanshaal waa wax wanasan wasiir noolow

  8. Garowe says:

    good job juxa awalba waa ogeyn in aad tahay number one dawladan dawladu aad bay involve ugu tahay gobolka sanaag ayaantan waa ku faraxsanahay walaahi waayo dawladu waxay ogaatey in gobolada dadka degan ay ku weyn tahay midnimada puntland laakiin waxaan rabnaa in madaxweynahu tago oo soo arko dadkiisa waana hubaa in la yaabi lahaa sida loogu soo dhaweeyo waa huba taas halkii qardho lagaga mudaharaaday taarikhnaa waa u noqon lahayd madaxweynihii u horeeyey oo booqda walaahi siyaasiyiintu meel aysan siyaasadu jirin ayey ka radshan.

  9. CAQLIWANAAG says:

    Ilaahay ayaa mahadaas iska leh. Waa dadaal dheeraad ah oo wasaaradda waxbarshada ee dowladda Puntland ay gaartay.

    Wasiirkaanna waxuu ka mid yahay wasiiradda wax qabadka ku sifoobay, waxuuna muujiyaa dadaal dheeraad ah!!!

  10. maansha allaah baan leeyahay wafdiga iyo dhamaan shucuubta rer sanaag iyo hi.land oo runti ah dad dhamaan jecel midnimada shucuubta rer p/and wasiirka waxan ka xumahay asagoo ceerigabo tagin inuu soo noqdo why? Ceerigabo ku maqantahay ama looga hadli waayey ceerigabo waa magaalada kaliya ee harti wada daganyahay maxaa aamusiyey dadka magaalada dagan laascanod ba waa laga hadlayaaye see ceerigabo. Looga aamusa waxan ka codsanaya xukumada pl ama tan hada jidha ha ahaato ama tan imaandonto ha ahaato inay magaalada ceerigabo ay soo gasha gacanta dadka iska leh oo dul miga ku hoos nool see dhulos iyo waros ceerigabo uga aamusan yihin macaa wali ma arag jaaliyadaha maakhir oo ka hadlaya ceerigabo taas waxaa mooda inaysanba ceerigabo jadwalkaba ugu jirin

  11. wasiirka waan u mahadcelinaynaa hadaanu nahay reer sanaag puntland
    taasi waxay cadayn u tahay in sanaag iyo hayland ay yihiin puntland wasiirku wuxuu tegay hadaaftimo oo ceerigabo u jirta 35km
    wax somaliland ahna lama kulmin wadankuna waa puntland ee faroole ha yimaado dhulkiisa

  12. mashaa alaah sas ayaa la raba in wadanka wax loga qabto oo aan lacagta gadan la marsan ee wadanka wax logu qabto
    waa so dhawaynaynaa dugsiyada wax barasho ee laga hir gelin gobalka sanaag iyo haylaan
    iyo all.puntland
    dadaala oo gacmaha is qabsda reer puntlanderow

Leave a Reply