Wasiirkii hore ee ganacsiga Puntland oo xaaladiisa caafimaad ay soo hagaagtay
September 1, 2012 // Warar SomaaliXaaladda caafimaad ee wasiirkii hore ee ganacsiga Puntland ayaa lagu soo waramayaa inay soo hagaagayso, kadib markii uu dhaawac fudud galinkii hore ee shalay uu kasoo gaaray shil gaari oo ka dhacay wadanka Cumaan xilli uu kusii jeeday wadanka Imaaraatka Carabta.
Wasiirkii hore ee ganacsiga Puntland C/samad Maxamed Yuusuf Abwaan ayaa laga saaray isbitaal ku yaalla magaalada Cibri ee Cumaan oo dhaawaciisa la geeyay si xaaladiisa caafimaad wax looga qabto.
“Xaaladayda caafimaad aad ayay u wanaagsantahay waana ilaah mahadiis, dhib wayn oo i gaaray ma jirto oo aan ka ahayn burbur yar oo isoo gaaray, haatana waan ka caafimaad qabaa,” ayuu yiri Mudane Abwaan oo aan qadka taleefanka kula xiriirnay isagoo jooga wadanka Imaaraatka Carabta.
C/samad Maxamed Yuusuf Abwaan ayaa ka mid ahaa golihii wasiirada xukuumaddii madaxwayne Cadde Muuse sanadkii 2004-tii. waxaana wixii ka dambeeyay xukuumadii madaxwayne Cadde Muuse uu howlo ganacsi uu u joogay wadanka Imaaraatka Carabta.
Puntland-News24
Boosaaso.


