Wefdiga madaxwaynaha Puntland oo maalintii labaad jooga Eyl

October 15, 2012   //   Warar Somaali

Madaxwaynaha Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroolle iyo xubno uu hogaaminayo oo shalay gaaray degmada Eyl ee gobolka Nugaal ayaa la kulmay dad deegaanka Eyl.

Wasiirka warfaafinta Puntland ayaa sheegay socdaalka madaxwaynaha ujeedadiisu inay tahay u kuurgalidda xaaladaha kalle duwan ee ka jira degmada Eyl.

Dhinaca kalle warar kasoo baxay socdaalka madaxwaynaha oo Pn24 kasoo gaaray degmada Eyl ayaa sheegaya madaxwayne Cabdiraxman sheekh maxamed farooole in looga yeeray markab dagaal oo Mareeykanka uu leeyahay.

Lama oga waxa markabka dagaal saraakiisha saaran ay kala hadli doonaan madaxwaynaha hase ahaatee illo xog ogaal ah ayaa xaqiijinaya safarkiisa inuu yahay mid ka yimid saraakiil Mareykan ah oo la socda markab Maraykanka uu leeyahay.

Pn24
Wixii kasoo kordha dib ayaan idinku soo daabici doonaan

COMMENTS

RSSComments (1)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. Gacaliye. says:

    Ku: Jaalle Faroole, PL,Somalia.
    President Mr.president, stop your kids before they ruin you politically!
    Sidaan baa reer Puntland idiin arkaan reer Farlooow ee ogaada.

    http://www.aminarts.com/link/21_sep_2012.html

    Eng.Gacaliye.

Leave a Reply