Wiil Somali ah oo Lagu eedeeyey in uu ka xaday Aqalka Familka Boqorka Sweden Dheyman iyo Dahab Qaali ah
June 17, 2012 // Warar Somaali
Sweden: Wiil Somali ah 19 jir ah oo Lagu eedeeyey in uu ka xaday Aqalka Familka Boqorka Sweden Dheyman iyo Dagab Qaali ah
Jaraaídka ugu afka dheer Sweden ee la dhaho “AFTONBLADET” ayaa soo qoray in Wiil Somali ah oo 19 jir ah, uu ka xaday Boqorka Sweden walaashiis oo la dhaho Prinsessa Christina iyo Ninkeeda Prins Tord Magnuson, dahab iyo deeman aad u qaali ah. Wiilkaas waxa uu dalka yimid 2009, waxaa dhalashadiisa lagu sheegay Somali ku nool Xaafada “TENSTA” ee ku taal Stockholm, kana mid ah Xaafadaha ay u badan yihiin Somalida.
Markii aan akhrinayay Cinwaanka Jaraíidkaan, oo uu cinwaanka ahaa Nin Qaxooti ah oo xaday aqalkii Familka reer Boqor. Anniga oo is weydiinaayay Tolw, ninkaas qaxootiga ah yuu u dhashay ? Marnaba kuma soo dhicin caqligeyga in uu qofkaas tuuga ah yahay Somali. Markii aan jornaalkan akhrinaayay ayaan waxan ka dhex arkay, in qofka wax xaday uu yahay Somali. kedib ayaan is weydiiyey, sidee ayay ku kulmi karaan wiilkaan dalka ku cusub iyo familka reer Boqorka Sweden?
Kedib waxaa jawaabta ka helay Jaraaídkii “AFTONBLAD”, oo soo qoray Naag Swidish ah oo ka shaqeysa Xafiiska Komuunka, oo Social Worker ka ah Xaafada Tensta, kana shaqeysa qaybta dhalinyarada, naagtaas oo magaceeda la yiraahdo Eva- Britt Leander, ayaa waxay caawisaa dhalinyarada Qaxootiga ah, Mss Eva- Britt ayaa u raadisa dhalinyarada qof masuul ah oo iswidhish ah oo caawiya, ka caawiya sidii ay shaqo u heli lahaayeen dhalinyarada, ama u sii wadan lahaa waxbarashadiisa. Eva- Britt waxa ay u soo heshay wiilkaan Somaliga ah in ay barto Ninka Qaba Boqorka Walaashiis “Christina” oo la dhaho Tord Magnuson. Waxa la isbaray Wiilka Somaliga ah iyo Tord September 2010. Tord waxa uu wiilkii geeyey Qasrigii Reer Boqor, waxaa uu wiilkii ka mid noqday Familka, waxaa la siiyey Furayaashii Qasriga. Waxaa furayaashaas haystay oo keliya qofka qaabilsan Nadaafada, iyo wiilkaan Somaliga ah. Nasiib darro waxaa dhacday in La xaday Dahab & Dheeman lagu sheegay qiimahooda 855 000 Kronor, waa lacag aad u badan.
Waxaan is wediinaayay wiil dhibaateysan oo Somali ah oo qaxootiga ah oo dalka Sweden yimid 2009, hadii lagu baray Familka Boqortooyada Sweden, in uu si wanaagsan ula dhaqmi doono oo sidii Yuusuf SCW isaga oo yar loo laga iibiyey Boqorkii Masar, oo Nebi Yusuf SCW tusay Akhlaaq wanaagsan iyo diin, ama Sidii uu Nebi Muuse oo ku soo koray Guriga Fircoon , UU Nebi Muuse Tusay Diin iyo Akhlaaq wanaagsan. Lakiin Wiilkaan Somaliga ah waxa laga qoray aysan ahayn wax wanaagsan, oo weliba isaga “Wiilkaan Somaliga ” ah iyo Tord ay wada aadi jireen Kalaabyada. Waa Fadeexad aad u weyn.



haduu qofkaan ku cadaado soomaali waa ceebwayn u soo hoyatay dadka soomaaliyeed ee ku nool sweden gaar ahaan, guud ahaan soomaalida oo dhan marka dadka soomaaliyeed waxaan usoo jeedin lahaa wixii wax u dhimaaya sharaftooda iyo karaamadooda inay ka feejignaadaan
kan wanaceebeyaay waarisiqisa wase balmuu nimcada ilahay galada ugasoqaday uu iska bismilaystoo walahay horaaloyirii bini aadamku nimcada maxejiyaan waasidii reer sweden somalida jogta sumcadoodu udhi cilahayd
Wiilku Soomaali maahan ee waa Itoobiyaan. Wuxuu isku dhiibey in uu yahay Soomaali. Sidaas ayuu iqaamadda ku qaatey. Caddeeya arinkaas. Weli wareysigii biliiska ayaa ku socda oo faahfaahin intaas dhaafsiisan ma soo bixin