Fadlan Caawi Wiil yar oo xanuunsan dalkana wax looga qaban waayay (Sawiro)

October 19, 2012   //   Announcement, Warar Somaali

Hooyo xaliimo Jawaase Cabdi waa hooyo haysata wiil jira 5 sano mudo dhan afarsano iyo barna xanunsanaa dhaqaatirta dalkana ay shegeen in ay wax ka qaban waayeen, markii u dan beysayna waxa ay geysay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, waxana ay u shegen dhaqaatiirta reer Itoobiya in wiilkeda xangulaha ay bilyo kaga jiraan uuna qabo cudarka maga jaajiska aaneyna wax ba ka qaban karin

Hooyada dhashay wiilka xanuunsan C/raxmaan Liibaan Cabdiraxmaan ayaa sheegtay wiilkeeda inuu il daran yahay, waxana musliminta caalamka ku nool ay ka codsaneysaa in laga caawiyo xanuunka uu la liito wiil keeda laguna gar gaaro sidii looga gacan siin laha dhaqtar dibada ah.

Ugu dambeytii waxa ay fariin u dirtay muslimiinta caalamka kunool gaar ahaan somaalida, waxaana ay ku nooshahay degmada Qardho Cidii u baahan inay caawiso hooyadan wiilkeedu dhibaataysanyahay oo jecel inay khyr u hormarsato aakhiradeeda waxaa uu kala soo xiriri karaa Taleefanada kala ah: 00252 90737292 ama 00252 90733838

Sawiro ka mid ah 5-sana jirka xanuunka uu ka hayo xangulka.



COMMENTS

RSSComments (5)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. Abdirashid M Dahir says:

    Waxaan dhammaan ummadda Soomaaliyeed iyo Muslimiinta guud ahaan ka codsanayaa in la caawiyo wiilkan yar waayo runtii xaalada wiilkan yar ku sugan yahay waa mid qof kasta ku imaan karta, waana mid u baahan in lagu cimbra-qaato.

    Sidaasi darteed waxaan anigu isku bilaabayo diyaar u ahay inaan wiilkan la qabto wax kasta oo aan awoodi karo, waxaana walaalaha kale ka filaayaa inay iyaguna arintan u istaagaan.

    Khayr badan ayaan idiin rajaynayaa.

    Abdirashid M Dahir

  2. caqil says:

    asc walaalyaal hala caawiyo wiilkan yar oo xanunsan waa waxa ugu wanaagsan oo laga qabqaato qof walba waxa uu iska horaysiiyo waa marax u yaal malinta yowmulqiyaame misaankaga ku culaysinaya umada somaliyed waa inay ka shaqaysa waxi wanaagsan khasatan waxan la hadlaya dadka reer qordhood waa inad si gaar ah isu xilqantaan wabilaahi towfiiq

  3. Ilahay aya utugenaaa wa ariin murugo badaan ilahay cafimaad uku waro iyo dawo oga tugaya hoyada dhashana ine samirka badiso wayo wa maqdir rabii dhamaan umada somaliyed wa inee uguntadaaan wilkaan wa wiil somaliyeed oo sokoraya marka walala hala cawiyo isha allaaah

  4. kazi wenge says:

    puntland news24 salaamu calaykum dhamaantiin? aad iyo aad ayaad u mahadsan tihiin in aad soo bandhigtaan arinta will kan yar ee xanunsan si loo caawiyo. marka hore ilaahay waxaan uga baryaa in uu caafimad deg deg ah siiyo willka yar iyo wofkasta oo muslim ah oo xanunsan.fadlan qofkasta oo muslim ah oo akhriyo maqaalkan ha caawiyo will ka iyo hoyadiis. fadlan puntland news24 markasta oo uu jiro qofkaas oo kale soo booqda arka soona qora si loo caawiyo. balse hadaad soo qortaan wax been ah idiin qofka arag waxaay noqon kartaa in akhris tayaashada ku ameeni waayen.marka soo qor wax dhab ah. mr wenge from austrlai. if i can help the boy i will do my best insha allah. thank you

  5. Run sheeg says:

    maxaa ku dhacay dadkii meeshaan wax ku soo qori jirey oo laaga aamusay in wax loo qabto ilmahaan yar ee jirran.

Leave a Reply